''Alla ha u naxariistee Marxuun Abiib Xadi Jaamac waxa uu dhawaan ku geeriyooday Dalka Maraykanka''. Fu'ad
- Xilli ku beegnayd 1979 ayaa waxaa bilaw aheyd sal-u dhigidii jabhadii kala duwanaa ee loo samaysanayey si layskaga caabiyo dhibta, dhaca, boobka iyo dilkii ay jabhadii Soomaligalbeed ku haysay dadka degaanka iminka Soomaliland.Xilligan waxaa laga soo noqday gudagalkii dalka Itoobiya oo guul aan la fileyn la soo dhaweeyey. Jabhadii Soomali-galbeed ujeedo ka durugsan ujeedadii loo aasaasey ayaa loo adeegsadey markan. Jabhadaha la dhisayey si looga gaashaanto hagardaamada Jabhadaa Soomali-galbeed ayaa waxaa ka mid ah Horyaal oo degaanka Awdal laga hirgaliyey, Ciiltire oo degaanka Salal laga hirgaliyey, iyo Afraad oo laga hirgalinayey degaamada gobolada Gabiley iyo Maroodijeex.
Jabhadadaa Afraad dadkii ka qayb qaatey unkankeeda ayaa dawladii Siyaad Bare dareentay, kuna dhaqaaqdey inay wax ka qabtaan.Dad dhawr ah xilalkoodii ay ka hayeen dawladaa ayaa laga xayuubiyey,shaqo kalena lama siin.Buulkaa la dhigay ayaa barigaa lagu tilmaami jiray habdhaqanka noocaas ah.
Dadka qaarna inta xilalkoodii laga qaadey ayaa waliba xadhig loogu darey.Dadkan waxaa ka mid ahaa Abiib Xadi Jaamac.Bishan Maarso 6, 2013 waxaa magaalada Charlotte ee gobolka Caroline ee cariga Maraykanka ku geeriyooday Abiib Jaamac Xadi(IHUN). Waxaa xusid mudan in ay qarsoodi aheyd aasaaskii jabhadaa Afraad iyo dadka ku hawlanaa waxtarkeeduba.Sidaa darteed ayaa dawladaasi sirta halganku ka qarsooneyd ee qofkay ku tuhmaan ama basaasiintoodu u soo waranto iaygoon cadeyn kareyn ugu soo gaban jireen waxyaabo kale.
Marxuum Abiib, wuxuu aad ugu xeel-dheeraadey aqoonta hagista diyaaradaha,waxa uu kaalin lama ilaawaana uu ka soo qaatay hanaansocodka iyo hirgalinta dimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland,waqti badan ayuu Abiib ku qaatey siduu kaalin mug leh uga geysan lahaa waxtarka dalka Soomaaliland.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahaana xilligan geeridu dhacdey ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u diray, Ehelkii, Qarabadii ,Qoyskii Asxaabtii iyo shacbiga reer Soomaliland ee uu ka baxay Alla ha u naxariistee Marxuun Abiib Xadi Jaamac o oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka. Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ka waramaya marxuumka ayaa yidhi:
Dalka Jarmalka ayuu ku sugnaa muddo ku dhaw ilaa saddex sano, dabayaaqadii 1966 ayuu dalka ku soo noqday,shaqadiisii ugu horeysayna bilaabey Abiib. Gu’gii 1968 ayaa albaabada loo furay shirkadii Somali Airlines.Xilal kala duwan ayuuna ka soo qabtey shirkadaa. Waxaa xilalkaa ka mid ahaa flight dispatcher(Hagaha Duulimaada), operation manager (Maareeyaha hawlgalinta),iwm.
Markii ugu danbeeysey wuxuu ka hawl gali jiray xafiiska Somali Airline ee magaalada Burco.Waxaa salka loo dhigayey jabhadihii lasykaga caabiyayey dhibta joogta, dhaca, boobka,iyo dilka lama gafaanka ee jabhadii Soomali galbeed dadka degaanka Soomaaliland ku haysay.Abiib intii kartaankiisa waxba muu hakran, sidii dabdaneyd ee looga qayb gali jirayna wuu uga qaby galay.
Waxaase cadeyna u wayday dawladii Afweyne, hase yeeshee dareen baa galay.Sidaa darted ayaa la adeegsadey Xuseen Cali Ducaale (Ambassador Cawil) oo ahaa safiirka dawladii Afweyne u fadhiyay Kiiniya inuu dabin xidho,waanu ku guuleystay Cawil inuu dabinkaasi xadhig u horseedo Abiib Jaamac Xadi. Warqad bushqadeysan (diplomatic pouch ama diplomatic bag ama la valise diplomatique ) ayaa la soo saarey diyaaradii Somali Airline.Abiib.Warqadaa waxaa ku jiray alaab aheyd in la aan laogoleyn sida ku xardhaneyd dacwada eedaynta. Warqadaa inuu baadho ama faragaliyo waxaa u diidayey qaabka loo soo bushqadeeyey oo sharciga caalamigu khasbayo inaan la baadhin. Waxaase ka sii yaab daran inaanu arkinba warqadaasi .Si kastaba ha ahaatee xidhmada sidaasi loo asteeyo ayaa ah xidhiidhka u dhaxeeya safaaradaha dibada uu dal ku leeyahay iyo madaxda dalkaa sida madaxweynaha oo kale.
Waxaa lagu xukumay Abiib lix bilood oo xadhig ah.Waxaa la yaab leh in lagu eedeeyey kacaan-diid een lagu eedayn bushqadii loogu soo gabadey ee xadhigaba sababtey.Hase yeeshee guddidii cadaalada ayaa mudadii oon dhamaan Abiib u soo celisay xoriyadiisii. Abiib mudo ka dib waxaa loo magacaabey inuu kaga shaqeeyo xafiska xisaabaadka ee dhulka iminka ah Soomaliland.Muddo ka dib waxaa dhacey dagaaladii dib-u-xoreynta Soomaaliland.
Abiib Xadi Jaamac wuxuu waxbarashada oo uu aad u jeclaa ka sii watey jaamicada Maraykanka United Stated International University ,Sandiego CA USIS kuna takhasusay heerka koowaad ee ee jaamiaca(BS) aqoonta maamulka dalxiiska iyo socdaalka (Travel and tourism managanent) intii u dhaxeysay gu’yaalkii 1990-1994,, halka uu tii labaad ee Jaamicadana (MS) isla jaamicadaa ka sii watey takhasuskaa horena si gaar ha u sii gudagaley.Muddo wuxuu Abiib ku shaqeeyey hal-tebiyaah laanta Socdaalka (immigration Translator)
Abiib wuxu ifka kaga tagey 7 caruura(afar wiil, saddex gabdhood) iyo hooyadood Canab.Dhamaanteen waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumka,Abiib Xaddi Jaamac ,jannatu Farduusa ka waraabiyo,dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo,Aamiin, Aamiin. Allah ha u naxariisto isaga iyo dadka kale ee muslimka ah dhamaantoodba Aamiin. Aamiin. Aamiin.
Tifatirkii,wareysigii, iyo ururintii;

Ka dib markaanu baadhis ku samaynay qolka kaydka ee mareegaha Farshaxan waxaanu ka helnay wareysi ay mareeguhu la yeesheen Marxuum Abiib Xadi Jaamac xilli ku beegnayd Sabti, bisha Noofemberna aheyd 28, gu’gii 2009, oo ku saabsan taariikh nololeedkiisii.Abiib wuxuu in badan ka qayb qaatey koboca iyo taabogalka xornimada dalka Soomaliland.Bulshada reer Soomaliland-na xaq bay u leeyihiin inay wax ka bartaan hormoodkooga.
Marxuum Abiib, wuxuu aad ugu xeel-dheeraadey aqoonta hagista diyaaradaha,waxa uu kaalin lama ilaawaana uu ka soo qaatay hanaansocodka iyo hirgalinta dimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland,waqti badan ayuu Abiib ku qaatey siduu kaalin mug leh uga geysan lahaa waxtarka dalka Soomaaliland.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahaana xilligan geeridu dhacdey ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u diray, Ehelkii, Qarabadii ,Qoyskii Asxaabtii iyo shacbiga reer Soomaliland ee uu ka baxay Alla ha u naxariistee Marxuun Abiib Xadi Jaamac o oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka. Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo ka waramaya marxuumka ayaa yidhi:
“Wuxuu ka mid ahaa odayaashii magaca iyo maamuuskaba ku lahaa dadkiisa, ee fara ku tiriska ahaa naf iyo maalba u huray dalkiisa,iyo dadkiisaba, sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee wakhtiyadaasi”.Isagoo hadalka sii wata ayuu Mudane Cabdiraxmaan Saylici yidhi: “Waxaan Illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo Ehelkii,Qarabadii,Qoyskii,Asxaabtii iyo shacbiga reer Soomaaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Illaahay ha ka siiyo”.
Abiib Jaamac Xadi wuxuu ku dhashay degmada Boodhley xilli ku beegnayd bishii Juun gu’gii 1943.Degaankaasi wuxuu ahaa har la odhan jiray harta Boodhley,halka markii danbe magaca degaankaasi lagu soo koobey Boodhleyoo qudha.Muddo yar ka dib waxay u digo-rogteen reerku magaalada Hargeysa. malcaamada wuxuu ka galay Malcaamadii Aflaax ee ku taalay magaalada Hargeysa.Hase yeeshee dugsiga hoose wuxuu ka galay magaalo madaxda gobolka Gabile ee Gabiley.Ardeydii ay halkaa wada dhigan jireen waxaa ka mid ah Cali-Nuur Meecaad, Maxamed Xasan Sugaal (Yabaal), Cismaan Xasan Mire, Ibraahin Aadan Qaalib, iyo Xasan Daraawiish.

Dugsiga hoose wuxuu Abiib ka bilaabey magalaada Gabiley 1954. Abiib wuxuu fursad u helay inuu ka mid noqdo ardeydii ugu horeysay ee lagu furay dugsiga dhexe ee magaalada Gabiley gu’gii 1960.Xilligaasi dugsiga dhexe wuxuu ahaa saddex gu’ oo kaliya ,sidaa darteed ayuu Abiib uu ku biiray ardeyda dugsiga sare ee Camuud sare gu’gii 1963.Hase yeeshee intaanu ha gu’ba halkaa ku sugnaan ayuu ka mid noqday ardeydii loo badaley dugsiga Sheekh oo uu ka sii watey waxbarashadiisii dugsiga sare.Waxaa xusid mudan inuu Abiib ka mid ahaa ardeydii lacag la’aan ku dhiganeysay dugsiga Sheekh ka dib markuu ka mdi noqday ardeyda ugu sareysay dhinaca waxbarashada oo lacag la’aan inay ku dhigtaan loogu abaal gudi jiray barigaa.
Hal gu’ka dib ayaa waxaa soo baxey in imtixaan loo galayo barashada dayuuradaha. Abiib isaga oo ku jira dugsigii Sheekh ayuu ka mid noqday ardeydii u gfadhiisatey imtixaankaa. Guul kale ayaa Abiib u soo hoyatey ka dib markii loo sheegay inuu imtixaankii gudbay,kana mid noqonayo ardeyda loo dirayo dalka Jarmalka si ay aqoonta cilmiga diyaaradaha u soo bartaan(Civil Aviation). In iyadoon la dhameysan dugsiga sare la shaqo tago xilligaa waxay aheyd caadi iyo guul qof kastaa raadsado.
Hal gu’ka dib ayaa waxaa soo baxey in imtixaan loo galayo barashada dayuuradaha. Abiib isaga oo ku jira dugsigii Sheekh ayuu ka mid noqday ardeydii u gfadhiisatey imtixaankaa. Guul kale ayaa Abiib u soo hoyatey ka dib markii loo sheegay inuu imtixaankii gudbay,kana mid noqonayo ardeyda loo dirayo dalka Jarmalka si ay aqoonta cilmiga diyaaradaha u soo bartaan(Civil Aviation). In iyadoon la dhameysan dugsiga sare la shaqo tago xilligaa waxay aheyd caadi iyo guul qof kastaa raadsado.
Dalka Jarmalka ayuu ku sugnaa muddo ku dhaw ilaa saddex sano, dabayaaqadii 1966 ayuu dalka ku soo noqday,shaqadiisii ugu horeysayna bilaabey Abiib. Gu’gii 1968 ayaa albaabada loo furay shirkadii Somali Airlines.Xilal kala duwan ayuuna ka soo qabtey shirkadaa. Waxaa xilalkaa ka mid ahaa flight dispatcher(Hagaha Duulimaada), operation manager (Maareeyaha hawlgalinta),iwm.
Markii ugu danbeeysey wuxuu ka hawl gali jiray xafiiska Somali Airline ee magaalada Burco.Waxaa salka loo dhigayey jabhadihii lasykaga caabiyayey dhibta joogta, dhaca, boobka,iyo dilka lama gafaanka ee jabhadii Soomali galbeed dadka degaanka Soomaaliland ku haysay.Abiib intii kartaankiisa waxba muu hakran, sidii dabdaneyd ee looga qayb gali jirayna wuu uga qaby galay.
Waxaase cadeyna u wayday dawladii Afweyne, hase yeeshee dareen baa galay.Sidaa darted ayaa la adeegsadey Xuseen Cali Ducaale (Ambassador Cawil) oo ahaa safiirka dawladii Afweyne u fadhiyay Kiiniya inuu dabin xidho,waanu ku guuleystay Cawil inuu dabinkaasi xadhig u horseedo Abiib Jaamac Xadi. Warqad bushqadeysan (diplomatic pouch ama diplomatic bag ama la valise diplomatique ) ayaa la soo saarey diyaaradii Somali Airline.Abiib.Warqadaa waxaa ku jiray alaab aheyd in la aan laogoleyn sida ku xardhaneyd dacwada eedaynta. Warqadaa inuu baadho ama faragaliyo waxaa u diidayey qaabka loo soo bushqadeeyey oo sharciga caalamigu khasbayo inaan la baadhin. Waxaase ka sii yaab daran inaanu arkinba warqadaasi .Si kastaba ha ahaatee xidhmada sidaasi loo asteeyo ayaa ah xidhiidhka u dhaxeeya safaaradaha dibada uu dal ku leeyahay iyo madaxda dalkaa sida madaxweynaha oo kale.
Waxaa lagu xukumay Abiib lix bilood oo xadhig ah.Waxaa la yaab leh in lagu eedeeyey kacaan-diid een lagu eedayn bushqadii loogu soo gabadey ee xadhigaba sababtey.Hase yeeshee guddidii cadaalada ayaa mudadii oon dhamaan Abiib u soo celisay xoriyadiisii. Abiib mudo ka dib waxaa loo magacaabey inuu kaga shaqeeyo xafiska xisaabaadka ee dhulka iminka ah Soomaliland.Muddo ka dib waxaa dhacey dagaaladii dib-u-xoreynta Soomaaliland.
Abiib Xadi Jaamac wuxuu waxbarashada oo uu aad u jeclaa ka sii watey jaamicada Maraykanka United Stated International University ,Sandiego CA USIS kuna takhasusay heerka koowaad ee ee jaamiaca(BS) aqoonta maamulka dalxiiska iyo socdaalka (Travel and tourism managanent) intii u dhaxeysay gu’yaalkii 1990-1994,, halka uu tii labaad ee Jaamicadana (MS) isla jaamicadaa ka sii watey takhasuskaa horena si gaar ha u sii gudagaley.Muddo wuxuu Abiib ku shaqeeyey hal-tebiyaah laanta Socdaalka (immigration Translator)
Abiib wuxu ifka kaga tagey 7 caruura(afar wiil, saddex gabdhood) iyo hooyadood Canab.Dhamaanteen waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumka,Abiib Xaddi Jaamac ,jannatu Farduusa ka waraabiyo,dhammaanteena samir iyo iimaan inaga siiyo,Aamiin, Aamiin. Allah ha u naxariisto isaga iyo dadka kale ee muslimka ah dhamaantoodba Aamiin. Aamiin. Aamiin.
Tifatirkii,wareysigii, iyo ururintii;
--- Posted by Cabdi-Yare X./Hargaysa
No comments:
Post a Comment