Kaalintii Jaamac M. Xayd (AHUN)
''Qiimo Dhaca Lacagtu Waa Dhaqaale Burbur''. Jaamac Maxamuud Xayd (Djibouti Banker)
“Maalinbaa lagu yidhi Jaamac dadkan kuula imanaya dhibtooda kuma filnaan karaysid maalintoo dhan. La yaabka waydiinta waxaa wiiqay warcelinta kasoonidu ku ladhneyd ee uu Jaamac yidhi: “Noloshu maxay tahay hadaan loo hurin u shaqeynta kuwa kale?Markuu Ilaahay kuugu deeqo fursad aad ku xalin karto dhibaatadooda,waa inaad u hawlgashaa, waa la inoogu dhiibay.Ilaahay baa hawlgalkeena haga,inagguna kaalmeeya inaan ka midho dhalino … ” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef,dhaqaaleyahan, Wargeyska Ummada ee Djibouti
“Etonné par la question de son interlocuteur,
d’un ton convaincu il lui répondit : « que vaut une vie, si elle n’est pas
dédiée au service des autres ? Dés lors où Dieu vous a donné l’opportunité de
résoudre certaines de leurs difficultés, il faut le faire ! Dans notre action,
nous ne sommes que des intermédiaires (Sababe).C’est Dieu qui guide notre
démarche et nous aide à obtenir le résultat”.
Mohamed Saïd Seif,ECONOMISTE
------
La Nation---
Bishan Maarso dhamaadkeeda ayaa dawlada Jabuuti u dabaaldegaysaa barbardhaca ay la
noqotay dawlada boqortooyada Ingiriiska.
Ilaalinta qiimaha lacagta ayaa ah arin
dhaqaalaha dal leeyahay qayb weyn ka qaadata.Sidaa darteed ayey Boqortooyada
Ingiriisku noqtay dalka koowaad ee awood u helay inay qiimaha lacagtooda meel kaliya ku sugaan muddo dhan afar iyo
lixdan gu’.Dawlada Jabuuti ayaa himilada koowaad ee hawsha Bangiga Dhexe u
hogaamisay sidii loo suurogalin lahaa
in lacagta dalka Jabuuti laga ilaaliyo
qiimo dhac.Bishan Maarso ayey ku guuleysatey dawlada Jabuuti inay ku faanto
dhameystirka talaabadii koowaad oo barbardhac ka dhigtay dawladii calanka u
sidatey xilkaa.Waxaana loo gudagalayaa in talaabada labaad la qaado siduu
sheegay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd “Waaneynu jabin rikoodhkaa insha Allah”.
Mar uu Maxamuud Siciid Seef waydiiyey Jaamac bisha Maarso 20,2013 iyo guusha la gaadhey
ayaa Jaamac Maxamuud Xayd
uu ku jawaabey : “Maalintan waxaan la barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhka
aduunka dalka haysta.Waaneynu jabin doonaa rikoodhkaa insha Allah”.
Maalintan waxay ku beegan tahay barbar-dhacii Frank-ka Djibouti oo la aasaasey
bishii Maarso 20,1949.Rikoodhka aduunka ee deganaanshaha lacagta ayaa waxaa muddo haystay giniga sterling
ee Ingiriiska oo deganaa intii u dhaxeysay 1850 and 1914.
Jaamac Maxamuud Xayd(IHUN) ayaa kaalin weyn ka geystay,dadaal badana
sameeyey inay arintani suurtogal noqoto.Waxaa mar kasta maankeena ku soo
maaxaneysa inaynu xusno hormoodkii guusha intaa leeg
suurtogaliyey,isagoo gacan buuxdana ka
helay maamulka dalka Jabuuti oo ugu horeeyo madaxweynaha Ismaaciil Cumar
geelle.Jaamac Maxamuud Xayd (IHUN) ayaan Ilaahay u qorin inuu dabaaldegaa
ummadda reer Jabuuti iyo ummadda ku hadasha Af-soomaliga kala qayb galo.
Geerida naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xayd ayaa qoraalkani u
yahay xusid, una yahay hibeyn inta bulshada u hagar baxda ee xil qabata.Maaha
ugub in mareegaha Farshaxan ay u
holadaan ka waranka taariikhda dadka
bulshda ka dhex muuqda waxna taray.Dhigaalkani waa mid hogotusaaleyn u
noqonaya qof kasta oo xilka loo igmadey aan danihiisa gaarka ah uga faa’idaysan
ee bulshada u diran.
Xornimadii Jabuuti ka hor, Maxamuud Xayd
wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hormoodka
ahaa ee ciidamada Faransiiska.Wuxuu
Maxamuud Xayd ahaa sarkaalkii ugu horeeyey ee
Dawlada Faransiisku u dirtay dal
aan dalkiisa aheyn.Maxamuud xayd waxaa loo magacaabey inuu noqdo hogaanka maamulka(DG) ee Jasiirada Madagaskar.Waxaa Maxamuud Xayd aad
loogu yaqaaney inuu qayb laxaad leh ka
qaadan jiray waxtarka jabhadihii xoriyo-doonka Jabuuti oo uu kaalin mug leh ka geystay.Waxaan la
hilmaami doonin kaalmihii kala duwanaa ee uu ka qaatey dhexgalka
ciidamada Faransiiska iyo shicibkii gadoodsanaa ee xoriyadooda
doonayey.Dadka qaarkii waxay sheegaan inuu badbaadiyey dhiig badan oo daadan
lahaa,iyo dil badan oo dhici lahaa.Ilaahay wuxuu ugu deeqay hanti ku dartay
inuu maalqabeenada Jabuuti la jaanqaado.
Maxamuud Xayd wuxuu guursadey oo marwo u
noqotay Caasha Cawaale.Waxaa la dhashay
Caasha Cawaale oo dalka Djibouti ku caan ah Xasan Cawaale,Ciise Cawaale, Muxumed
Cawaale,Madiina Cawaale,iwm.Ilaahay wuxuu ku galadey labadaa waalid ee Maxamuud
iyo Caasha caruur kala ah Maxamed,Shafiiqa, Khadra,Almis, iyo Jaamac. Ilaahay
ha u naxariisto Maxamuud iyo Caashaba.Waxaa kaloo u dhaxdey Maxamuud xaas labaad oo ah Shamis Maxamuud. Shamis
waxay Maxamuud Xayd u dhashey labada wiil ee Cabdiraxmaan iyo Hagar. Shamisna
way nooshahay maanta,degan tahayna magaalada Djibouti.
Maxamuud maadaama uu ahaa aabo wax bartey
wuxu ku dadaaley in caruurtiisu dhamaan wax bartaan. Almis wuxuu bartey cilmiga
hawada sare iyo dayuuradaha(Civil Aviation), waxaanu ka gaadhey ilaa uu noqdo
hormoodka hay’adaa. Maxamed wuxuu bartey
cilmiga socdaalka(Transportation),gaadheyna inuu noqday hogaanka sare ee shirkada tareenada
Djibouti.Shafiiqa waxay takhasuskeeda ku qaadatey aqoonta waxbarashada (Education),ilaa
ay gaadhey muddo badana aheyd maamulaha dugsiga sare ee Djibouti, waxaaney u
dhaxdey Axmed Ismaaciil Bookh oo
xoriyada ka hor iyo ka dibba ahaa
gudoomiyaha hay’ada socdaalka Djibouti,iminkana hawlgab ahaan u fadhiya. Khadra
oo aynu in badan si gaar ah uga warami doono ayaa ka mid ah caruurta labada waalid. Khadra iminka waa marwada
koowaad ee dalka Djibouti,ahna xaaska Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Waxaa xusid mudan inay Shafiiqa iyo Khadra ka
mid ahaayeen hablihii ugu horeeyey ee la geeyo dugsi.Aragtida xilligaa laga
qabey hablaha dugsiyada tagaa aad ayey u qalafsaneyd una foolxumeyd.Maxamuud
Xayd wuxuu yeeshay dhiiranaanta uu hablihiisa ku geeyo dugsi,isagoo og in
bulshadu ku dhaliili doonto arintaa.Aqoontiisa ayaa u saamaxdey inuu dhiiranaan iyo geesinimo u yeesho dugsi
geynta habilihiisa.
Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu ku dhashay magaalada Djibouti xilli ku beegnayd 28 August
1953. Waxbarashadiisa hoose ilaa dugsiga sare wuxuu ku qaatey dalka gudihiisa. Dalka
Faransiiska ayuu ka bilaabey waxbarashadiisii Jaamicadeed ee heerka koowaad, isagoo
sii watey waxbarashadiisa ilaa uu
shahaadada sare ee labaad(maîtrise –master ) gacanta ku dhigay. Wuxuu Jaamac ku qaatey cilmiga dhaqaalaha iyo qorshaynta (Développement
économique et en Planification ----Economic Development and Planning--). Hase yeeshee dalka Senegal ayuu waxbarasho danbe Jaamac dib ugu
noqday si uu takhasus dheeraada uga soo korodhsado isla aqoonta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaynta.Waxaanu Diploma ka soo qaatey machadka Afrika ee
horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaynta(IDEP) oo ku yaala badhtamaha magaalada
Dhakaar(Dakar ).
Machadkaa waxaa aasaasey Jimciyada
quruumaha ka dhexaysa si wadamada Afrikaanka ah ee xoroobaa u helaan aqoon ay
ku kobciyaan dhaqaalahaooda.Waxaana la aasaasey 1962.Waxaa xubin buuxda ka
ah machadkaa ilaa 53 dal.Macalimiinta
uu nasiibka u helay Jaamac inuu wax ka barto waxaa ka mid ahaa Professor Samiir
Amiin oo ah agaasimaha guud ee Third
World Forum Dakar, Senegal and sidoo kalena ah qoraaga waraaqaha bilaha ah ee The Liberal Virus, The World We Wish to See,
and The Law of Worldwide Value.
Qoomiyada
Soomaaliyeed aad ayey u yaqaanaan aqoonyahan Samiir.Sooyaalkoogana waxaa ku
sugan in 1975 dalkii Soomaaliya laysku
odhan jiray lagu qabtay dood aqooneed lagaga hadlayey sida dunida saddexaad
dhaqaalaheeda u tamarin karto,reer Galbeedkana loola jaanqaadi lahaa.Waxaa doodaa ka qayb galayey Samiir
Amiin oo Masri ah, barre sarena ka ahaa
Jaamicada IDEP ee ku taala dalka Senegal,waxaa la doodayey aqoonyahan sare
Mujaahid Ibraahim Maygaag Samater oo
ahaa wasiirka Qorshaynta. Samiir wuxuu ku doodayey in wadamada horumaray ay adoonsigoodii ku sii wadaan
dunida saddexaad, waxaanu sal uga dhigay
aragtida Center iyo Periphery xalna uu uga dhigay in laga takoormo suuqa
qoladaa reer galbeedka (Disengagement from
Capitalism Market). Wuxuu ku tilmaamay inay dunida horumartay tahay “Center”,ay dunida
saddexaadna tahay “Periphery”.
Waxay labada aqoonyahan
isku afgarteen in habdhaqankaasi jiro dhabna yahay,hase yeeshee waxay ku kala
tageen xal u raadinta uurkutaalada meesha taala. Samiir wuxuu ku doodayey
inaan waxna laga iibin, waxna laga
iibsan ee laga go’o reer galbeedka.Waxaa arintaa si cad uga soo horjeeday aqoonyahan Ibraahin Maygaag Samater(IHUN) oo
ku doodayey si xidhiidhkeenuna u jiro,halkay
iyaguun faa’iidi lahaayeena loo wada faa’iido hala samaysto iskaashato
sida OPEC oo kale oo tusaale ahaan
wadamada Bunka iibgeeyaa ha samaystaan urur,qaab urur ahaana ha ku suuqgeeyaan waxay iibinayaan. Waxaa dadkii
goobta joogay sacab iyo damaashaad lagu
soo dhaweeyey xalkii (Solution) uu Ibraahim Maygaag(IHUN) soo
jeediyey,Samiirna aad ugu farxay sida
quruxda badan ee uu Ibraahim Maygaag u
balbalaadhiyey una soo bandhigay xal u
raadinta hagardaamada dunida saddexaad ee xagga dhaqaalaha ka haysata.Waxaanse
marna maanka dadka ku dhaqan qaarada
Afrika ka baxeyn heerka halgameed ee uu ka qayb qaatey aqoonyahan Prof.
Samiir.Dadka aad ugu magaca dheerna wali wuu ka mid yahay qaarada Afrika marka
laga hadlayo dhinaca dhaqaalaha iyo waxbarashada.
“Xornimada waynu qaadan doonaayee, waxbarashada ha lagu
dadaalo,iyadaa lagu kala bixi doonaayee” Jaamac
(IHUN)
|
1-Waaxda Horumarka hoose (Développement local – Local Developement-)
2- Waaxda
Baahida aasaaska ee bulshada (Services sociaux de base – Basic social services)
3-Waaxda Maamulka
Dawladnimo iyo wax-wada qabsiga (Gouvernance et partenariat -Governance and partnership)
Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu ka hawlgalay dhamaan waaxahaa,kana noqday maamulka sare ee hay’adaa. Waxyaalaha aad loogu
xasuusto Jaamac waxaa ka mid ah siduu
ugu heelanaa uguna hawlgali jiray hawlaha ay qabato hay’adaasi. Dalka Jabuuti
oo xilliyadaa qaatey xoriyada ayaa laga
dareemayey dhibaato dhaqaale oo baahsan. Jaamac Maxamuud Xayd ayaa dadaal
badan ka muujiyey wax ka qabashada arimo badan oo ay ka mid
yihiin :
· Dabargoynta Baahida (Réduction de la pauvreté -Poverty reduction) .
· Kobcinta Dhaqaalaha
Bulshada (Développement de Social
Economic – Development of Social Economic).
Intii uu joogay hay’adaana kaalin mug leh ayuu
Jaamac ka geystay ka hawlgalinta labadaa arimood een kor ku xusnay.Hay’adaha
qaramada midoobay ee ka hawlgala dalka Jabuuti waxay kala yihiin PNUD, PAM,UNICEF, HCR, FAO, FNUAP, OMS, ONUSIDA, UNESCO, IOM iyo FMI.Jaamac xidhiidh toos ah ama dadban ayuu la
yeeshay dhamaan hay’adahaa.Jaamac Maxamuud Xayd wuxuu hay’adaa
ka shaqeeyey muddo dhan ilaa sideed gu’.
Xilli ku beegnayd 1994 siiba bishii Noofember ayaa loo magacaabey Jaamac Maxamuud Xayd inuu
noqdo gudoomiyaha bangiga dhexe ee Djibouti.Jaamac markiiba wuxuu bilaabey sidii ay qiimaha lacagta
Jabuuti loo ilaalin alahaa.“Qiimo dhaca ku yimaada lacagtu wuxuu sababaa baaxaa-deg ku yimaada
dhaqaalaha dalka,lacagta oon
qiimo-dhicina waxay kaalin fiican ka qaadataa koboca dhaqaale.Waxay tahay arin
lagu xasuusan doono Jaamac siduu iskaga xil saarey inaanu qiimo dhac ku
iman lacagta -Frank-ka Djibouti” – ayuu yidhi Maxamed
Siciid Seef oo ah dhaqaaleyahan ay in
badan aqoon isku lahaayeen marxuumka
Maxamed Siciid oo si wata hadalkiisa ayaa
yidhi : “Isagoo ku hawlgalaya ogolaanshaha
madaxweynaha iyo awoodsiintiisa, wuxuu Jaamac qaadey talaabooyin iyo
hawlgalo kobcin iyo dibu-habeynba ku sameeyey dhaqaalaha Djibuuti”.Waxaa tusaalayaal loo soo qaataa
arimo badan oo uu Jaamac kaalin mug leh ka geystay siiba koboca
dhaqaalaha ee dabaqada dhexe.Waxaana ka mid ah sida dad badan oo saaxiibkii Maxamed Siciid ka mid yahay
bulshda la wadaageen:
-Tirada bangiyada dalka :
Tirada bangiyada laga furay dalka Jabuuti ayaa kordhay. Korodhka sidaasi
ah wuxuu kaalin weyn ka qaatey koboca dhaqaale ee ku yimid dalka Jabuuti.Ilaa
2006dii waxaa dalka Jabuuti laga furay sagaal Bangi oo suurtogaliyey shaqo-abuurid toos ah iyo mid dadbanba.Waxaanu
tartanka ka dhexeeya bangiyadani keenay hoos u dhac ku yimaada dulsaarka amaahda.Waa dhaqaale korodh kaalmeeyey bulshada dabaqada dhexe oo ku
dhaqaaqdey dhismayaal iyo baayacmushtari. “Waxay aheyd inaad haysato ilaa
boqol kun oo Faran si aad uga
furato sanduuq dhaqaale
bangiyadan,maanta afartan kun baa kugu filan. Jaamac wuxuu ahaa farsamo-yaqaan
danyarta ka soo qayb galiyey koboca
dhaqaalaha” ayuu yidhi Maxamed Siciid Seef.
-Awooda Lacagta Djibouti :
Xilli
ku beegnayd 1949 ayaa Frank-ka Jabuuti
la sugay qiimihiisa.Markii loo dhiibay gudoomiyanimada bangiga dhexe Jaamac,Wuxuu
ku dadaaley inuu xoogeeyo lacagta Djibouti, kana ilaaliyo qiimo-dhac ku
yimaada.Wuxuu ogaa qiima-dhaca lacagtu
inuu keenayo burbur dhaqaale oo dad iyo dalba ah . Dalka Jabuuti wuxuu bishan
Maarso barbardhac la noqday dalka Ingiriiska oo lacagtiisa muddo dheer( 1850 –
1914) ka ilaaliyey qiimo dhaca. Waxaa
Frank-ka Djibouti la aasaasey bishii
Maarso 20,1949 Rikoodhka aduunka ee deganaansha
lacagta giniga sterling ee Ingiriiska ayaa Rikoodhka haysta oo deganaa intii u dhaxeysay 1850 and 1914. Mar uu
Maxamed Siciid Seef ka wareystay Jaamac bisha Maarso 20,2013 iyo arinkeega oo ku
beegan barbar-dhacii Frank-ka Djibouti. Jaamac wuxuu ku jawaabey :
“Maalintan waxaan barbardhac ku samaynaynaa Rikoodhkaa uu giniga Sterling-ku
haysto.Waaneynu jabin rikoodhkaa insha Allah”.
-
Horumarinta Dhaqaalaha dabaqada
dhexe :
Horumarinta Dhaqaalaha dabaqada
dhexe oo lafdhabar u ah koboca dhaqaale ee bulsho iyo isku dheelitirka ummada.Wuxuu in badan Jaamac Maxamuud xayd ku dadaaley in dhaqaaluhu galo gacanta
dabaqadaa oo dan-yar badan soo kicisay.Waxaaney keentay shaqo-abuur dadban iyo
mid toos ahba.Dabaqadan ayaa ah ta suurtogalisa inuu dhaqaalaha dalku horumar
muuqda sameeyo.Dabqada sare maalgalinta
ayey qayb ka qaadan kartaa,hase yeeshee dabaqadani waxay qayb laxaad leh ka
qaadataa inuu dhaqaaluhu meerto noqdo oo
dabaqada sarena ku guuleysato maalgalintoodii,dabaqada hoosena helaan gabasho iyo gacan-qabad ka nabadgaliyo inay
dhulka galaan dhaqaale ahaan.
Halgankii Dalka:
Xilli ku beegnayd horaantii lixdameeyihii ayaa dardar hor leh loo galay raadinta xornimada dalka Jabuuti Waxaa
xilligan kaalmo iyo gacanqabadka laga filayey
labadii dal ee isku darsamey Somaliland iyo Soomaaliya.Waxaase
wiiqay filashadaa maamulkii xilligaa oo
shanta Soomaaliyeed oo isku darsataba aan qorshaha ugu jirin.Waana ta keentay inay
Soomaliland dib u bilawdo xilliyada la soo noqoshada xoriyadeedii kuna
hageysay inqilaabkii milatari ee aan
guuleysan.Dawlada Jabuuti inay iskeed isku taagto oo aaney ku darsamin labadii(
Soomaaliland iyo Soomaliya) ayey u halgameysay. Waxaaney ka dheegteen falalkaa
foolxumada ee ka soo baxay labadii shanta u halgami lahaa.Waxaa maamulkii
xornimo-doonka ee Jabuuti hogaan u aheyd weedha “Isha Cali ka lulata
eeg”.
Waxaa sameysmay ururo dhawr ah oo
danta guud iyo halganka xoriyadoonka ka midaysnaa.Dhinaca haweenka waxaa jiray ururo gaar u ahaa,waxaase aad loo yaqaaney ururkii “Progress”.Sidoo kale
ayaa dhinaca raggana jireen ururo kale. Waxaa kaloo jiray ururo ku salaysan fanka,adeegsadana ruwaayadaha si ay dadka u kiciyaan una
hagaan.Waxaa kaloo jiray ururo dhalinyaro ah.Jaamac Maxamuud Xayd
wuxuu xubin firfircoon ka noqday ururki dhalinyarada ee la odhan jiray “l'union de la jeunesse”-Union of the Youth-.
Ururkaasi wuxuu kaalin fiican ka qaatey
inuu muujiyo kaalinta ay ardeydu ka
qaadan karaan halganka.Waxaanu sidoo kale soo bandhigay dareenka ay ardeydu ka
qabeen xornimada loo wada
halgamayo..Waxaa xubnihii ururkaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cali Faarax,Haybe
Cabdilaahi, Yaasiin dheere, Cismaan Shaahi,Axmed Sandoon, Carab Sandoon,Cumar
Xasan Kidaare,Cabdi Istuul,Yuusuf Quule,Maxamed Aadan,Cumar Faarax
Geerdoon,Kulmiye, iwm ..(Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatey, inta noolna
Ilaahay caafimaad qabna ha siiyo iyo cibaado wanaagsana ha waafajiyo).
Jaamac wuxuu gurrsadey Khadra Daahir.Muddo
ayey isqabeen, si wanaagsan ayey u kala tageen oo walaalnimo ku dheehan
tahay.caruurna iskumay yeelan.Muddo ka dib ayuu Jaamac guursadey Shugri Cumar
oo una siiraacdey dhakhtarkii Nayroobi
ee loo qaadey.Waxay isku leeyihiin saddex caruur ah.
Fan
Jaceyl:
Kooxaha fanka ee afafka Soomaliga iyo
Canfarta ayaa xidhiidh dhaw la lahaa Jaamac Maxamuud Xayd.Markaad aqoonta
Jaamac ee dhaqaalaha iyo fan jaceylkiisa
eegtana waa laba kala fog siday isugu yimaadaan. “Alle ha u naxariistii Jaamac
Maxamuud Xayd saaxiib ayaanu ahayn oo waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo
raganimadiisa iyo waxtarkiisa aan la malayn karin, waxaanu ummadda u ahaa
iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla
markaana bulshada nooc walba oo ay tahay u jajaban oo haddii Ilaahay ka dhigo
gacan leh”ayuu yidhi abwaan Maxamed Ibraahin Warsame”Hadraawi”.Sidoo kale ayey
tidhi fanaanada Khadra Daahir oo ku hadleysay magaceega iyo magaca hoboladu “Jamaac,nin
taariikh dheer ku leh ummadda buu ahaa,
saaxiibkayo buu ahaa”. Waxaa talaabadaa mid la mid ah ku raacey abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi “Xasan ganay”.Wuxuu abwaan Xasan muujiyey siduu uga xun yahay
geeridaa naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xayd iyo waxaanu sheegay inuu ahaa
nin dhaqan toosan iyo dadnimaba lahaa.
Labada , Khadra Daahir iyo Xasan Ganay waxay dareenkoogaa si
balbalaadhan ugu muujiyeen maansooyin ay u hibeeyeen marxuumka.Waydiintu waxay ka
imaneysaa fan jaceylka Jaamac ma mid qoto dheer baa mise mar danbe ayuu ku
abuurmay?.
Dhamaadkii lixdameedyadii fanka wuxuu ahaa
wax laga fogaado.Hase yeeshee aabihii oo aqoonyahan ahaa ayaa surrtogalisay
inuu taageero ka sokow u iibiyo qalabkii ugu horeysay ee ay isticmaalaan Jaamac iyo walaalkii Almis.Hooyadiina
waxay aheyd maanso yahan aad loogu
yaqaaney curinta buraanburka iyo jiiftada.Waxaa intaa u dheeraa afarleyda oo ay
u laheyd
karti dheeraad ah.
Jaamac markuu yaraa ayuu aad u jeclaa
fanka.Koox faneed ayaa xilliyadii halganka dalka ka jiray.Jaamac wuxuu ku jiray
markii uu ardeyga dugsiga sare ahaa kooxda fanka. Waxaa xubnihii kale ee ku jiray ka mid ahaa walaalkii Almis, Cabdi-Qaadir
Daaco, Bashiir Cilmi, Cumar Faarax Geerdoon, Cabdiraxmaan Maax,iwm.Kooxdaa
waxaa la odhan jiray Filsan band. Dalka Djibouti caan bey ka aheyd
kooxdaasi.Waxaaney kooxdaasi jirtay
ilaa lix gu’ ku
dhawaad(1963-1968).Jaceylkaa uu u qabo horumarinta afka ayaa ku dhiirgaliyey inuu
xubin firfircoon ka noqdo abaabulkii iyo hanaan-socodkii ururada
Somali-Pen iyo Afar-Pen.
Tilmaamo
Tilmaamaha gaarka ah ee loo suntay Jaamac Maxamuud Xayd waxaa ka mid ah raganimo, hal-adayg, dad-aqoon, nin u roon
dadka,deeqsi,dad Jaceyl, aad u kaftan badan,isla-weyni ka madhan tahay.Markaad
tilmaamahaa dib u jaleecdo waxaa kuu muuqanaya
shaqsiyada dhabta ah ee Jaamac Maxamuud Xayd.Tilmaamahani waxay
taageerayaan aragtida wanaagsan ee bulshada uu ka dhashay ay ka haysteen, dhamaantoodna
uu u ahaa mid ay jaceyl u hayaan,kana xumaadeen geerida ku timid.
Geeridiid Jaamac Maxamuud Xayd
Maalintii isniintii(Janaayo 7, 2013) ayaa
xanuunka Jaamac loo gartey mid aan dalka Jabuuti waxba laga qaban karin.Go’aan
ayaa lagu gaadhey in loo qaado dhinaca dalka Kiiniya.Dhakhtarka Agha Khan ee
nairobi ku yaala la dhigay maalintii Salaasada.Waxaa la ogaadey in dhiig ku
furmay,uuna u baahan yahay qalniin.Waa lagu guuleystay qalniinkii oo si
wanaagsan ayuu u dhacey.Hase yeeshee wali ka soo rayn loo hanqaltaago lama
arag.Maalintii Jimcihii (Janaayo 11, 2013) ayey Jaamac Maxamed Xayd naftu ka
baxdey. Ilaahay ha ugu deeqo adoonkiisaa Jaamac
Maxamuud Xayd Jannatu Fardaws.Ilaahayna samir iyo iimaan ha ka siiyo bulshada
ku hadasha Af-ASoomaaliga.
"La
disparition de feu Djama Mahamoud Haid est une immense perte pour notre
pays, privé subitement d’un de ses plus grands serviteurs de l’Etat",
a dit le chef de l’Etat avant de louer le précieux concours que le défunt
Gouverneur de la Banque centrale apportait au « projet d’évolution de notre
pays en une place commerciale et financière de renommée
internationale".
" Il restera à
jamais gravé dans la mémoire collective des Djiboutiens qui garderont de lui
l’image d’un compatriote sur lequel on pouvait compter dans toute
épreuve",
Que Dieu
l’accueille dans son éternel paradis. Amin.
Message du Président de
la République de Djibouti,
Son Excellence M.
Ismail Omar Guelleh
La Nation
|
Qalinkii iyo tifatirkii :
Fu,aad Sheekh
Bahda mareegaha
www.Farshaxan.com iyo www.Farshaxan.org
-Tixraac
-Kaydka mareegaha
Farshaxan
-Mareegaha
Soomaliland iyo Jabuuti
sida
Oodweynenews,Gabileynews, Hadhwanaagnews,Togaherer,iwm
-TV-ada
Soomaliland iyo Jabuuti sida
SLNTV,HCTV,RTD,iwm
No comments:
Post a Comment