'Waxa kale oo uu noo sheegay Professorka Collins, inay jaamacdoodu semester walba ay imtaxaanka iyagu qaadayaan aanay goob joog u ahaaynayaan imtaxaan walba hadii Alle raali ka noqdo”. Haatuf
-Jaamacada Gollis ee ku taal magaalo madaxda jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa iyo Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology
(JKUAT) ayaa taariikhda Somaliland 30-kii arday ee ugu horeeyey u soo
gabo-gabeeyey Imtixaankii Semester-kii ugu horeeyey ee MBA Program, kaas oo si
rasmi ah Xarunta Jaamacadda Gollis uga bilaabmay 11/03/2013, isla markaana usoo
gabo-gaboobay maalintii doraad ee taariikhdu ahayd 17-ka bishan.
Sida uu
Wargeyska Haatuf uga waramay C/risaq Awdahir Khalif oo ah Coordinator Ka
Program-ka MBA ayaa sheegay inay Imtixaanka laga qaaday 30-kaas arday ay soo
diyaarisay Jaamacadda Jomakenyatta University Of Agriculture And Technology
(JKUAT) oo ay goob joog ka ahaayeen aqoonyahano ka socda Jaamacadaas oo Kenya ku
taala, isla markaana hada lagu soo sixi doono Imtixaankaas halkaas.
Ugu horayna
Coordinator Ka Program-ka MBA ee Jaamacadda Gollis C/risaaq Daahir Khaliif oo ka
hadlaya qaabkii Imtixaankaas loo qaaday, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay
“Jaamacada GOLLIS iyo Jaamacadda Jomakenyatta University Of Agriculture And
Technology (JKUAT) oo is-kaashanaya ayaa waxay shalay si rasmi ah u soo
gaba-gabeeyeen imitaxaankii semester ka ugu horeeyey ee MBA Program ka kaas oo
si habsami eh uga bilaabaymay xarunta Jaacacada Gollis bishu markay ahayd
11\03\2013 kaas oo socday mudo lix cisho ah.
Waxaana goob joog halkaas ku ahaa
Professor ka socday Jaamacada Jomo Kenyatta University oo isagu dalka u yimid
inuu imtaxaanka ka qaado ardayda halkan ku barata MBA, taas oo ay uu u dhamaaday
Semester ugu horeeyey ee qaybtan Masterta oo mudada uu socon doono
programkanina uu yahay mudo laba sano ah, wuxuuna aad u soo dhaweeyey
masuulkaas wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo kobcaya ee ka dhaxeeya Jaamacadda
Gollis iyo Jaamacada Jomo Kenyatta university, sida habsamida leh ee ay uga
midho dhaliyeen dadaalkooda ku wajahan inay soo saaraan arday heer Master ah.
Waxa kale oo uu noo sheegay Professorka Collins, inay jaamacdoodu semester walba
ay imtaxaanka iyagu qaadayaan aanay goob joog u ahaaynayaan imtaxaan walba hadii
Alle raali ka noqdo”. Sidoo kale mar aanu wax ka waydiinay Coordinator ka
programkan MBA Mr C/risaaq inuu tafaasiil ka bixyo MBA waxa uu noo sheegay inay
wax lagu farxo tahay in taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay suurta
galiso Jaamacadda Gollis inay arkaan arday reer Somaliland ah oo Shahaadada
Master-ta ku diyaarinaya wadankooda hooyo gudihiisa, kaas oo tilmaamay inay sii
xoojin doonan wada shaqaynta xaga jaamacada iyo dhiiri galinta qof walba oo u
diyaara inuu bilaabo Programkan masterta.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment