''Generaal Canjeex waxa uu eedii xasuuqa dusha ka saaray Maslax Siyaad Bare waxaanu sheegay in Maslax uu bixiyey Amarkii lagu laayay dadkii lagu xasuuqay jaziira. Haatuf
- Maslax Siyaad Barre oo ah wiil uu dhalay Digtatarkii Somalia ee Xijaabtay
Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegay inuu yahay Sarkaalkii bixiyey amarkii
17/7/1989-kii lagu xasuuqay dad tiradoodu gaadhaysay 47 oo dhamaantood ka soo
wada jeeday Qabiilka Isaaqa, kaas oo ka dhacay xeebta la yidhaa Jaziira oo ku
taala duleedka Muqdisho. Maslax oo xiligaa ahaa Sarkaal ka tirsanaa ciidanka
Milatariga Somalia, darajadiisuna ahayd General ayaa wax yar ka hor intaanu
dhicin xasuuqii Jaziira lagu tilmaami jiray ninka ugu awooda badan dalka ee
labeeya Aabihii Siyaad Barre.
Dadka la laayey ayaa siday dad goobjoog aho
sheegeen ayaa waxa laga soo ururiyey guryihii ay ku noolaayeen ee ku yaalay
magaalada Muqdisho, waxaana dadkaa goobjooga ahaa ay xiligaa arintani dhacday
sheegeen in Askarta dadka ururinaysay uu watay General Ibraahim Cali Barri
(Canjeex) oo isaga iyo Maslax ay ka soo wada jeedaan beesha Mareexaanka, kuwaas
oo dega Somalia.
Hase yeeshee
General Canjeex ayaa dafiray inuu xasuuqii Jaziira lug ku lahaa. ayaa
waraysiyo oo mudooyinkan danbe siiyay warbaahinta soomaalida ku dafiray in uu
lug ku lahaa xasuuqa . Mid ka mid ah waraysiyadaas oo ay Haatuf
la yeelatay Generaal Canjeex waxa uu eedii xasuuqa oo dhan dusha ka saaray
Maslax Siyaad Bare waxaanu sheegay in Maslax uu bixiyey Amarkii lagu soo
ururiyey luguna laayay xasuuqii jaziira.
Markii la riday taliskii Siyaad Bare
January 1991 General Canjeex iyo Maslax waxay u fakadeen dalka Somalia
Dibadiisa. Ilaa mudoo dhaweyd Canjeex waxa uu ku noolaan jiray dalka suriya
halka Maslax uu degan yahay magaalada Nairobi, halkaas oo uu ku leeyahay guri ku
yaala mid ka mid ah xaafadaha ugu qaalisan ee magaaladaa.
Dhinaca kale
guddida xasuuqa Somaliland ayaa todobaadkan qoraal u dirtay bisha Cas, kaas oo
ay kaga codsanayso in ay ka caawiso sidii dadkii lagu xasuuqay Jaziira
qalfoofkoodii dib loogu aasi lahaa dalka Somaliland iyada oo la waafajinayo
qaab Musilimku u aasaan dadka geeriyooda.
Dadka Jazeera lagu xasuuqay ayaa
dilka ka hor sarajooga lagu aasay iyaga oo nool dabadeedna waxa lagu furay
Rasaas, si loo qariyo maydkoodana waxa ciidamada Siyaad Barre u adeegsadeen
Cagaf Buldozer oo ciid ay dusha kaga shubtay ku xabaashay.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment