- Hay’ada sirdoonka iyo dabagalka ee dalka USA ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan FBI, ayaa shalay gudoonsiisay Urur ay leeyihiin dhalinyarada Soomaalida USA ku nool oo ay xarutiisuna tahay gobolka Minnisotta. Ururkan oo la yidhaahdo "KA JOOG" ayaa muddo lix sanadood ah oo uu jiray waxa uu ku howlanaa sidii uu wacyigelin ugu samayn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Minnisotta.
Abaal marintan oo ay FBI-du bixiso shantii sanoba mar ayaa ah mid la siiyo shaqsiyaadka ama ururada u shaqeeya bulshadooda, gaar ahaan la dagaalanka dambiyada, argagixisada, daroogada iyo xad gudubka xuquuqda madaniga ah. Waraysi ku saabsan arintan oo ay qaaday idaacada VOA, hoosta ka dhagayso
No comments:
Post a Comment