- Shalay oo ay taariikhdu ahayd 10/05/13, waxa Hargaysa ku geeryooday oo lagu aasay marxuum Maxamuud Maxamad Warsame oo loo yaqaanay ''Maxamuud Afay'. Anaga oo ka tiiraanyaysan geerida lama filaanka ah waxanu halkan tacsi murugo leh uga diraynaa qoyskii (xaaskii iyo caruurtii marxuumka), xigtadii, asxaabtii, ardaydii iyo dhamaan intii kale ee tabi doontaba oo aanu leenahay dhamaantood Samir iyo Iimaan Allah ha idinka siiyo. Marxuumkana, Ilaahay waxan uga baryaynaa inuu Janadii Fardawsa ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.
Faalo kooban: Macalin Maxamuud Afay, waxa uu ahaa nin ilaahay hibo u siiyay fahamka Xisaabta! Allah magane, Isna intii uu noolaa waxa uu baristeeda hagar la'i uga haqab-tiray ardaydii nasiibka u heshay inuu macalim u noqdo! Meelaha sida gaarka ah loogu xasuusan doono waxa ka mid ah dugsigii caanka ahaa Qalax/Timo-cade.......'Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''
No comments:
Post a Comment