.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, September 4, 2018

Wakhtigii adkaa ee Somaliland soo Martay iyo Waxyeeladdii Siyaasiga (Ismaaciil Hurre Buubaa) aan la mahadin.

- Ilaahay naxariistiisa jano ha ka waraabiyee maanso yahankii wayna ee la odhan jiray Maxamed Bulxan “Maxamed Cawar” ayaa waxaa gabaygiisii caanka ahaa ee daldhameeye oo culimada suugaan dhaadhigu u yaqaanaan Hoga-Tusaale iyo Hawaala-Warran, ahna maansooyinka Soomaalida kuwa ugu qiimaha badan, sababtoo ah waxay xidhiidhiyaan ama wax ka sheegaan saddexda xilliyada is daba yaal ee kala ah: (1) mid tegey; (2) xilliga jooga; (3) xilliga soo socda ayaa waxa ku jiray dhawrka tuduc ee soo socda isagoo ku cabirayay cidhib xummadda dagaalka sokeeye.
 
Ninkii baxaya buuraha jinkaa, loo bidhbidhiyaaye
Booraamo meleg buu ilays, uga bidhaamaaye
Balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye.
Buuray ku joogtaa intay, reero baabinne
Hadba qolada bocor haysataa, loo bayimiyaaye
Waa baadi geerida Isaaq loo bun-dubayaaye
 
Waxaa jira in labadii sanee ina dhaafay ay socotay, kala qaybin iyo kalla sooc bulshada loogu abtirinayay ayna hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin Somaliland ka soo jeeda balse laga soo ambabixiyay Somalia. Hormuudka loo soo igmadday haggardaamooyinka jamuuriyada Somaliland iyo kala sooca shacabka waxaa kaw ka ah Ismaaciil Hurre Buubaa oo isaga qandaraas gaar ah lagu soo siiyay sidii uu iskaga hor keeni lahaa, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka,  guud ahaan mujtamaca iyo gaar ahaan beelaha Somaliland wadda daga. Ismaaciil Hurre Buubaa wuxuu kaalin laxaad le kasoo qaatay abaabulkii dagaaladii sokeeyee Somaliland ka dhacay sanadihii 1992-1995 isagoo markaa kaashanayay siyaasiyiin iyo jabhadii SNM intii beeshiisa kasoo jeeday.  
 
Haddaba sidii horeba looga bartay wax yar kadib imaatinkiisii Somaliland wuxuu markiiba bilaabay ololihiisii dhagaraysnaa isagoo, wuxuu ku biiray xisbiga WADDANI si uu, u helo dhufays iyo musdanbeed siyaasadeed oo uu kaga duulo dimuquraadiyada Somaliland ka hana qaaday 23 kii sanuu ka maqanaa, kuna hirgaliyo siyaasadiisa colaad abuurka iyo kalla fogayta ku salaysan. Waxaynu ogayn inuu wakhtigii lagu jiray ololaha doorashadii 2017 haddalo diif, fidno, iska horkeen iyo caadifadi ka muuqato kaga tiraabi jiray faagarayaashii ololaha magaalooyinka iyo tuulooyinkaba si uu u kiciyo shucuurta bulshada. Wuxuu in baddan ku celcelin jiray haddalo cadawaada iyo kala fogayni ku dheehantay isagoo ku tiiq tiiqsanaya in beeshiisa boqnaha la jarayo, sidaa dareed ay beeshu midawdo codkeedana meel mariso. 
 
Nasiib daro cunsuriyadaa qaawani dhagta beeshiisa si fiican bay ugu dhacday waanu ku guulaystay inuu beesha codkeedii meel isugu geeyo balse xisbigii uu ku biiray iyo gudoomiyhiisiiba way guuldaraysteen. Guuldaradaa iyo foolxumooyinkii ka dhacay qaadacaadii WADDANI waxaad ka dheehan kartaa maqaalkii horeen taa ku falan qeeyay. http://www.gabileynewsonline.com/2018/08/28/jabhaddaynta-waddni-waa-fashil-siyaasadeed/.  Balse Ismaaciil Hurre Buubaa isagoo daaha dabadiisa ka gujaynaya gudoomiyihii guuldaraystay ayuu aafadii iyo inkaartii ololaha sii libin laabay waxaanay aakhirkii biyo dhigatay in shirkii buurta gacan libaax lagaga umulliyo iyadoo halkaa ku dhashay jabhadda loogu wan qalay “jabhadda care” balse aasaaskeeda iyo ababinteedaba uu leeyahay Ismaciil Hurre Buubaa iyo siyihiintay isbahaysiga ku ahaayeen kasoo horjeedka Somaliland. 
 
Waxay Buubaa iyo musdanbeedka isbahaysiga mucaaradka WADDANI  inta baddan ka abaaraan faafinta ficilada anshaxa iyo asluubta siyaasadedd ka arradan,  shax loogu wanqalay “Sad-Bursi iyo Saami Qaybsi” dhan ka raran balse la odhan karo waxa lagu saleeyay shax malle-awaal ah  iyo siyaasadii Somalia laga soo xawilay oo qiil loogu doonayay mucaaradnimada jabhadu ku lamaantahay. Jabhaddan oo Buubaa u u aassaastay kasoo horjeedka jiritaanka, midnimada, wadda noolaanshaha, walaaltinimada, derisnimada iyo madaxbanaanida Somaliland. Dantii laga lahaa iyo falalkii u danbeeyay ee jabhadan halkanaad ka dheehan kartaa;
 
 
Ileen beeni raad mallahee, waxaa ku cad shaxdan hoose in tabashada Buubaa dabada ka riixayo ee saami qaybsigu tahay yool habaabin maadaama mansabyadda ay beeshiisu ka heshay dawlada cusub ay ugu yaraan u dhigmaan kuna sargo’anyihiin xilalkii ay ka heshay xukuumaddii Maddaxweyne Siilaanyo, Daahir Riyaale iyo Cigaal ba. Xilalkaasoo kal ah:
 
1. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — Ciidagale
2. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — Habar Yoonis
3. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka —- Cali Siciid / Habaryoonis
4. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — Habaryoonis
 
Wasiir Ku Xigeenada
 
1. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — Ciidagale
2. Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — Ciidagale
 
Xilalka Qaran ee kalee
 
1. Gudoomiyaha bankiga Somaliland
2. Gudoomiyayaashaa labada xisbi qaran
3. Gudoomiyhii golaha wakiilada 12 sanee tagay
 
Xilalka agaasimayaasha guud, agaasime waaxeedyadda, taliska ciidanka, ka booliska, iyo ku xigeenada kaga soo haggaagay beesha waxa lagu qiyaasaa tiro ka baddan dhawr iyo sodon (35+). Intaa waxaa dheer shaqaalaha hoose ee wasaaradaha iyo hay’addaha aan dawliga ahayn ka hawl gala oo si dheeli tiran ay beeshu uga muuqato. Waxaa marrag madoon ah, inaan saamiga beelaha kalee lagu raad gadanayaa waxba ka duwanayn kay beel waliba ka heshay dawladii horee Maddaxweyne Ahmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo.
 
Waxaa ayaan darro ah in maanta Buubaa wisiisi iyo waysaaq dagaal markale ku baaqo  sidii horeba looga bartay  isagoo ahaa shaqsiyaadkii fara ku turiska ahaa ee abaabulay afartii dagaalee sokeeye  ee ka dhacay Somaliland mudadii u dhaxaysay 1991-1995.  Haddaad u baahantahay inaad si waadixa uga bogato boogaha iyo taariikhada Mr Buubaa iyo musdanbeedka maanta u tafaxaydan hagardaamada Somaliland daawo cajadan la duubay 1995 ee Xaaji Cabdi Waraabe isla arintan maanta taagan kaga hadlayo isagoo tibaaxaya cidii fadqalalooyinkaa ka danbaysay.
 
 Halkan ka daawo;
 
Cabdilahi Cali Ibrahim

No comments: