.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 21, 2019

Sheeko Kale Keen: Furihii Baan Baadhayaa. Prof. Cabdisalaam Yaasiin

- Juxaa ayaa goor habeen ah meel iftiin ah oo xaafaddiisa ahayd bilaaabay in uu baadh baadho. Ciiddii ayuu faraha la galay oo kolba dhinac u rogay. Dadkii jaarka ahaa ayaa u yimi.

Waxay ku yidhaadeen, “Juxaa, maxaa kaa lumay ee aad baadhaysaa?”

“Furihii guriga ayaa iga lumay,” ayuu u celiyay.

Ka dibana jaarkii ayaa bilaabay in ay furihii ciidda kala baadhaan. Markii ay in xilli ah baadhayeen, ayay ciiddii waxba ka waayeen.

Mid ka mid ah jaarkii ayaa Juxa weydiiyay, ‘Halkee furuhu kaaga lumay?”

“Guriga gudihiisa,” ayuu u celiayay Juxa.

Haddaa maxaad halkan u baadhaysaa,” ayuu weydiyay jaarkii?

“Halkani iftiin ayay leedahay,” ayuu u celiyay Juaxaa!!!

W/Q: Prof: Cabdisalaam Yaasiin

No comments: