Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Mr. Axmed Muxumed Madar, ayaa daaha ka fayday in dawladaha hoose ee dalku yihiin meelaha ugu musuqmaasuqa badan Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in dadweynuhu khaatiyaan ka taagan yihiin xatooyada iyo maamul-xumooyinka aafeeyey.
Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey in Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuq uu si gaar ah isha ugu hayo dawladaha hoose iyo hay’adaha dalka ee musuqa iyo xatooyada xoolaha ummadda caadaystay, waxaannu si gaar ah farta ugu goday maamullada dawladaha hoose ee dalka Somaliland.