.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 16, 2012

Daahir Riyaale Kaahin: Somaliland inay Shirka London Ka Qayb gashaa Waa Qalad. *Dhegta maal*


- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo mudo door ah dibada ku maqnaa, ha yeeshee maanta dib ugu soo laabtay dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland, oo ay saxaafadu ku waraysatay madaarka Caasimada Hargaysa. kana waraysatay arimo badan oo ku saabsan Somaliland, ayaa si fiican uga jawaabay su'aalahii la waydiiyay oo u badnaa arimaha haatan ka taagan Somaliland. Waxa ka mid ahaa arimaha maamul gobleedyada magaca ah ee ay dad Somaliland-diid ahi sameeyeen, iyo ka qeybgalka Somaliland ee shirka London.

Madaxweyne Kaahin ayaa sheegay in ka qeyb galka shirka London inuu khalad yahay, talaabadaasina ay la mid tahay iyada oo laga noqday gooni isu taagii ay dadka reer Somaliland aftida u qaadeen. Rayaale wuxuu sidoo kale ka hadlay dagaalada ka socda deegaanka Buuhoodle. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland, Max'ed C/laahi ayaa isagy difaacay mowqifka xukuumadda ee ka qeybgalka Somaliland.

*Dhegta maal*

No comments: