.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, May 25, 2012

Waa kuma guddoomiyaha magaalada Tog-Wajaale?


''Gud, Xaashi wuxuu leeyehay taariikh toosan oo la raad raaci karo (a good track record in both his private and public lives)''. Afgooye

- Gudoomiyaha Tog-wajaale, Md. Xaashi Maxamuud Cabdi waa halyey aqoon yahayan ah kuna takhasusay cilmiga dhaqaalaha iyo xisaabaatka. Xaashi waa qorax ka soo baxday galbeedka soomaliland. Waxana uu u dhashay raganimo. Wuxuu yaqaan rag iyo rabigiiba. Waa nin aan cidna dulmiyin uguna habran madaxninimo iyo ehelnimo midkoodna markuu ogyahay in uu sax yahay xaqana ku taaganyahay (He is a man of principle and integrity).

Xaashi wuxuu leeyehay taariikh toosan oo la raad raaci karo (a good track record in both his private and public lives). Waxaa markhaati iyo marag ma doonta ah isbadalka uu ku sameeyay magaaalada Tog- Wajaale intii yarayd ee uu joogay. Waxa aan lagaga masuugi karin sida uu u mideeyay bulshada walaalaha ah ee wada dagan iskuguna keenay inay wixii danta guud ah dhinac uga soo wada jeestaan.

Waxaa baryahan soo baxay dad ma gudbayaal ah oon garanayn xushmada saxaafadda (media ethics), kulaalana aqoondaro iyo xishoodaro, calafsadana marmarinta cayda iyo aflagaadaynta madaxda dalka oo ku qorqora  mareegaha shaashadaha ceebayn marka ay waxay rabaan ka waayaan madaxda. Waxaan bulshada kula talin lahaa dhamaan in ay is garab tagaan madaxdooda kana toosiyaan wixii qalada ee ay arkaan si xishmad iyo maamuus leh.

Xasuusta murtidii wacnayd ee ahayd “waxaad wa naag ku waydo xumaan kuma heshid. Halyey Qaran dheh! Eeboow nin goba, baan ahay ooy guni rifaysaaye. Eeboow anaa kugu gar lehe guusha ha I seejin.

Dhinaca kale waxaan Gudoomiyaha Xashi xasuusisnayaa in aan wanaagu qarsoomin iyo waxtarka madaxda fiican ee daacadda ahi. Waxaa tusaale kuugu filan Engineer Mohamed Xaashi. Gudoomiye adaa masuul ka ah umadda dagan wajaale iyo nawaaxigeega. Ugu shaqee daacadnimo iyo caddaalad. Umadda waxa deeqaa waa caddaalad. Wax-qabadkaagana taariikhdaa qori doonta.

Xasuuso gabaygii ninkii yidhi: “Diric kali ahaantii;daleed guusha kama helo, dadkaa geesi lagu yahay”.

W/q: Mohamed Abdi (Afgooye), B-Eng(Hon),Dip London.
(mmabdi1@hotmail.com)

---

Posted by Maxamad Aadan

No comments: