.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, February 2, 2013

Madaxweynaha S/land Axmed ''Siilaanyo Ayaa Maanta Darajooyin Ku Taxay Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland.....*Dhegta-maal*


- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud  ''Siilaanyo'' ayaa markii ugu horaysay saaka darajooyin kala duwan ka simay oo ku taxay, taliyeyaasha ciidamada qaranka, ku xigeenada abaanduulayaasha ciidamada qaranka, saraakiisha Bileyska, Taliyayaasha Asluubta iyo waliba Madaxda Ciidamada ilaalada Xeebaha. Maanta oo ku beegn 19-guuradii Aasaaska ciidanka qaranka Somaliland, waxa farxad u ah dadka reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna ciidamada kala duwan ee dalku inay darajooyinkii mudodaba badan la naawilayay garbahooda sudhan tahay, oo maantaba ay 12 sarkaal ka gudoomeen madaxwaynaha Somaliland darajooyin ay ugu tiro-gali doonaan ciidankooda.

No comments: