Anoo daaya mooyee
Godobtayda daahiyo
Dadab yaa ku xidhi kara”!
- Warqadda dawladda Soomaaliya ku difaacayso Cali Samatar ee ay dhowaan u dirtay Arrimaha Dibedda ee Maraykanku, waa astaan kale oo xoojinaysa sii-yaallo hore oo badnaa! Madaxda Soomaalidu guud ahaan si wanaagsan uma akhriyi yaanniin dareenka shucuubta, gaar ahaan Madaxda Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jirey (Soomaaliya) waa ka agnaan in ay akhriyaan dareenka aadmiga, taxgeliyaanna duug-yaalka xanafta iyo hurgumooyinka badan ee hore u dhacay ama hadda ba oogan. Is taawintooda iyo awoodda ay markaas is bidayaan ayaa ka indhosaabta xaqiiqo kasta oo jirta.
“Mayd maxaa u dambeeyey” iyo “kaas la sii sido”! Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxa weedhihiisa warqadda difaac ee Cali Samatar ku qorani ka dhigan yihiin halqabsiga ah “ mulac na waa ku qudh gooyo, carruur na waa ku cayaayir”! Waxa uu leeyahay Cali Samatar dambiile ma aha oo mas’uul qaran buu ahaa, taas oo macnaheeda yahay “dembi meesha kama dhicin”! 1969 – 1990 Cali Samatar waxa uu ahaa gacanta midig ee Maxamed Siyaad Barre iyo ku xigeenkiisa koowaad. 1982 – 1986-kii na mar na waxa uu ahaa wasiirka gaashaandhigga, mar na raysal wasaare. Sannadahaas, waxa Somaliland ka dhacay gumaadyo aan kala sooc lahayn oo dil iyo xasuuq isugu jira, xadhig iyo silicdil xaaduqnimo oo dhabbaha u xaadhayey dabargoyntii weynayd iyo burburintii bahalnimo ee 1988 – 1989, oo ku suntan xasuuqii ugu weynaa ee dawladi dadkeeda ku qaaddo taariikhda Soomaalida abidkeed!
Bahal caydhin ma daayo, nin na caaddi ma baajo!
Arrinta Saacid waxa ay i xasuusinaysaa dhacdooyin hore oo kala dambeeyey. Aqoonsiga Maraykan ee dawladdiisa taagta daran ee wada finka iyo gaatirta miidhan ah, ayaa damac malloollinnimo ku abuurtay.
Jan 1988 markii Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistihii Itoobiya Djabuuti ku heshiiyeen ayaa tan oo kale ku dhalatay cindigii waallaa ee damacu keenada u hayn jirey ee Maxamed Siyaad Barrihii halligmay, Soomaali na galaaftay. Sidan ay haatan ba wada hadalladu ugu socdaan dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa berigaa na waxa wada hadallo u socdaan Maxamed Siyaad Barre iyo SNM, iyo dhinaca kale gadh-casta Isaaq iyo Maxamed Siyaad Barre. Duqu (Maxamed Siyaad) wuu danaynayey markii hore wada hadalladaas, hase yeeshee markii uu Mingiste la heshiiyey ayay wax kale is tuseen. Waxa uu is moodsiiyey inuu adkaaday oo uu guusha kala hoyan doono nimankii ay is hayeen. Dareenkiisa waxa maanso ku cabbiray Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, Alle ha u naxariisto’e, oo markaas siyaasadda Maxamed Siyaad la safnaa, yidhi na maalintaas:
“Gudgudaa i miray xalay
Daruur baa i guud timid
Wixii balli galsho lahaa
Xareed baa ka galac tiri”!
Isna Alle ha u naxariisto’e, waxa dhinaca kale gammuun gafuurro waabay ah jiidanaya Yamyam iyo Maxamed Siyaad ku halgaad wareemay Ibraahim Maxamuud Aw Saleebaan “Gadhle” oo ka soo jeeday safka kale (SNM). Yidhi na dharaartaas:
“Guluf baa ku miray xalay
Madfac baa ku guud yimi
Intii balli galsho lahayd
Dhiig baa ka galac yidhi”!!
Wixii dhacay baa dabadeed ka dhacay!! Raysal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon na marag u ahaa! Waa ayaandarro in Shirdoon akhriyi kari waayo dareennadaas ka dhashay intii uu goobjoogga u ahaa, isaga oo weli ba sannadihii dambe dawladdaas ka mid ahaa oo wax badan xogogaal u ahaa.
Sula iyo Xasuusteeda!
Cabdirisaaq X. Xuseen, Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Maxamed Siyaad Barre ba hora ayay ugu mergadeen in ay dareenka Hargeysa u dhugma yeeshaan oo si wanaagsan u arkhriyaan.
1961 ayaa Cabdirisaaq booqasho ku yimid Gobolladii Waqooyi. Cabdillaahi Suldaan Timacadde, oo soomaalinnimadu dhiigga iyo dhuuxiisa ku millayd, ayaa ka mid ahaa dadkii Cabdirisaaq Gabiley ku soo dhowaynayey. Geeraar taariikhi ah oo isugu dhafan soo dhowayn, maamuus, martisoor, hawaala warran, hogatus, talo, duco, digniin iyo dardaaran , ayuu Timacadde durduursiiyey maankii Cabdirisaaq. Digniinta ayaan maanta u jeedaaye, Timacadde oo u taagan carooggii iyo afhayeenkii dareenka dadka, waxa uu goobtaas ka yidhi yidhi:
“Maalintii dabku qiiqay
Een isticmaarkii is diidnay
Nimankii danta sheegtaye
Dariiqooda ka leexane
Dacwaddooda dhammaystaye
Dalkan caawa la joogo
Dulligii isticmaarkiyo
Karel daaqad ka saaraye
Duddadaannu ahayne
Dawlad soo gashay ma ihine
Danteennaa laba diiddaye
Dabuub aannu maqlaynay
Dareen baan ka qabnaaye
Dugsigii barlamaankiyo
Dekaddii Xamar baa leh
Berbera daadku ha qaado
Doonniyi yaanay ku weecan
Labadaas kala daaya oo
Yaan la daymo la’aan”!
“Iska hadlow Ina Igarre”! Timacadde cidi ba kama gurin oo wax ba kama hoos qaadin. Lix sannadood ka dib, ayaa mar kale, waxa Cadan booqasho ku tegey Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Waxa soo dhowaysay Jaaliyaddii Cadan ee Soomaalida. Dharaartaa na dadkii Cabdirashiid soo dhoweeyey waxa ka mid ahaa Ismaaciil Xalleef, oo isna Alle ha u naxariisto’e dareenkii dadka cabbirayey, yidhi na:
Rashiid Ina Sharma’arkow diktoor raahibaad tahaye
Rabbi iyo Rasuul iyo dadku ba raalli kaa noqoye
Raasiga Berbera waa wadnaha Reer Woqooyiga ‘e
Kol haddaad Kismaayo u rartaan reerku kala guurye!!
“Ka gur Qaafo bay tidhi”! Ismaaciil Xalleef dareen hadal ye, yaa se ka guray!
1981, waxa Hargeysa lagu xidhxidhay dhallinyaradii “UFFO”. Iskaa wax u qabso, ayay u oogsadeen in ay ku baylah tiraan dib u dhicii qaangaadhay ee adeegyada bulsheed. 20-kii Feb 1982 dharaartii dhallintaas maxkamadda la keeni lahaa, ayaa gadood ardayeed ka bilaabmay Hargeysa. 1dii May isla sannadkaas Burco ayaa dhaqaaqday oo Hargeysa ku soo xidhantay.
Axmed Saleebaan Dafle, Axmed Maxamuud Faarax (Laxwas) AHUN, Jaamac Gaas Mucaawiye (Dadweyne) AHUN, iyo Xasan Suudi rag ay ka mid ahaayeen, ayuu talisku u soo diray gobolladii Waqooyi.
Cali Sugulle “Duncarbeed” ayaa berigaas na dareenkii shacbiga mas’uuliyiintaas tix ugu xiddeeyey, yidhi na:
Ina soo Dafiyo
Ina Daylo kude
Dulli Jaamac Gaas
Guulwade dadbane
Iyagaa dulmanoo
Loo doodayee
Maxay doonayeen
Dekaddii Berbera
Way dalooshantee
Ma daboolayaan?!!
Dareen la akhriyo ha joogto’e, waxa ay jawaabtii talisku noqotay xadhig, jujuub, dil iyo dacas iyo xaaq wadareed oo horseeday burbur iyo kala gurashada maanta. Shirdoon na, ayaandarro, waxa uu maanta laasimayaa ballaysinkaas hore. Waxa uu raacayaa jidkaas qodaxda badnaa. Difaaciisa Cali Samatar waa duudsiga dhibbanayaashii godka hoose iyo qubuuraha u guuray iyo inta nool ee ay quluubta kaga daabacan yihiin hadimooyinkii dhacay ee ladhka iyo doogtu kol ba ku soo kacayaan. Taas bay hadallada Shirdoon damqayaan oo qunbacasho ku keenayaan!
Dacawooyinkaa badan; boqol baa ku daba jira!
Magaca Qaranka Soomaaliyeed iyo calankii dadka ka dhexeeyey ayaa lagu galay oo loo cuskaday wixii dunuub waa weyn aralada ka dhacay ee lagu gabagabeeyey. Waa danuub dawladi dadkeedii ka gashay. Ma ahayn wax reero iyo qabaa’il u dhexeeyaa wixii dhacay. Maamulkaasi cid wali ba way ka mid ahayd, cid baanay taladu ka go’aysay. Cali Samatar na waa ka mid. Waa mas’uulkii ugu horreeyey ee dacwad lagu soo oogay ee dambiyadii loo haystay qaar ka mid ah lagu helay, ma se noqon doono mas’uulkii ugu dambeeyey ee dambiyada loo haysto lagu soo oogo. Cali Samatar waxa uu maanta noqonayaa wixii uu ahaa markii uu amarrada bixinayey ee xasuuqa ka talinayey. Reer hebel muu ahayn ee waxa uu ahaa Sarreeye Guuto Maxamed Cali Samatar oo madaxweyne ku xigeen ah, wasiir gaashaan dhigeed ah, raysal wasaare ah iwm.
Halka doobi la la maro
Haddaan raacdo daba gurin
Ninka dabin ka boodka ah
Haddaan diirad lagu helin!!
Qof ay cidi dambiile u taqaanno, ayay cid kale halyey u taqaannaa!
Dawladda aqoonsiga ka heshay USA ee Soomaaliya, waxa soo baxaya wejigeedii runta ahaa. Caadsaarka gabbood falkii iyo gumaadkii dalka ka dhacay iyo isu soo taagga difaaca ciddii loo aanaynayey ayaa tusaale wacan ah. Dawladda Soomaaliya waxa u halyeeyo ah Cali Samatar oo miidhan. Waa dawladdii laga doonayey wada hadal iyo dib u heshiin. Soomaaliya iyo dadkeeda ayaa u jeellan dib u nabadayn iyo wada hadallo isu tanaasulaad keena. Soomaaliya iyo Somalilannd ayaa wada hadal iyo heshiisyo u baahan. Hase yeeshee sidee taasi u suurta gelaysaa kolka garaabitaan ha joogo’e weli lagu sii indho adag yahay jidkii hore ciinka loogu daaqay.
Labada shacab (Soomaaliya iyo Somaliland) waa walaalo dulmi badani ku wada dhacay si loo kala badsado ba. Waa hubaal in waxyaalo badan hoos loo kala tirsan karo. Meel wal ba way joogi karaan mas’uuliyiin cid gaar ahi dembiyo u tirinayso intii dawladdii keli taliska ahayd jirtay iyo intii ka dambaysay ee dagaallada sokeeye ba arlada ka dhisaallaayeen.
Wax se muhiim ah in la ogaado in ay khalad marjuuc ah tahay in la isku gudbaa cid dembi loo haysto oo lagu soo oogey meel sharcigu cid kasta ka sarreeyo oo aan baqdin looga qabin in eedaysanahaas lagu xad-gubo.
Cali Samatar ma aha in lagu xad gud baa, waa se eedaysane USA ugu tegey oo la dersay dad wax u sheeganaya. Maxkamad ayaa la isla koray oo toban sano ku dhowaad socotay. Dembiyadii badh baa lagu helay.
- Hadda ba maxaa dabada ka riixaya Shirdoon iyo inta kale ee la midka ah?! Ma dembiga ayay badh ku lahaayeen oo waa “layligu biyaha kashiisa ku jiruu ka didaa”?!
- Ma ka daacad baa oo waxa ay qabaan in aanu dembiile ahayn?! Dawladdii Maxamed Siyaad Barre ba in aanay wax ba ba dhimin miyay tolow qabaan. Ta dhakada kale noqonaysaa waa taas!
Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxa dul hoganaya daruuro madmadow. Dawladda sida u macaamilaysaa sida ay daacad uga noqon karto ayay su’aali saaran tahay?! Dad badan oo niyadsami ku soo dhowaynayey ayay arrimahani tuhun gelinayaan. Awel ba kalsoonidu dhimaad bay ahayd, hadda na way ka sii durki halkii. Aamusnaanta badan ee golayaasha qaranka Somaliland (Xukuumadda, Wakiillada iyo Guurtida) ayaa ba tuhun kale dad badan ku abuuraysa. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo ayaa si guud mar ah ereyo kooban arrintan culus uga tidhi ilaa hadda ogaalkayga.
Arrinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya laga qaaday bay madaxda Somaliland buunbuuninaysaa oo ay ka hadlayaan, ta difaaca Cali Samatar na way ka gaaf wareegayaan! Tan lafteeda ayaa ba dhako kale ah! Iyagu ba waa mas’uuliyiin aan dareenka dadkooda akhriyi karin saw ma odhan karno. Runtu ma fantaa! Saw noqon mayno haddii kale “maroodigu takarta saaran ma arko’e maroodiga kale ta saaran buu arkaa”!
Dawladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinteedu ha bartaan dareenkayga, dawladda Somaliland ee wada hadallada kula jirtaa na ha akhrido dareenka dadkeeda! Haddii kale
“waa cayaar nin ba cayn u tumayaa”!
“Ma cafiye ma caafimaado na” waan aqaannaa oo nin dil geed iigu xidhan baan damiinan karaa, waa se goorma, goorteed!
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
No comments:
Post a Comment