- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamad Maxamuu '' Siilaanyo'' oo ay weheliyaan madax sarsare oo xukuumadiisa ah oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada mudane Xirsi X. Cali Xasan ayaa soo gaadhay dalka Maraykanka ka dib, markii madaxwaynaha iyo wafdigiisu ay todobaadkii hore kaga qayb galeen dalka Turkey wada-hadalkii u dhaxeeyay J.Somaliland iyo Somalia. Intaas dabadeed waxa uu wafdigu dhawr maalmood ku hakaday dalka UK. oo ay madaxda u sarsarysa dalka UK is-arkeen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar oo VOA ay wareysi la yeelatay ayaa ka waramay socdaalkoodii hore iyo kan haatan ay ku joogaan dalka USA.
*Dhegta maal;
No comments:
Post a Comment