''Anna Schmidt oo ka socotay Ururka Midawga Yurub ayaa iyadu carrabka ku dhufatay in mashruucan uu yahay mid ka qaybqaadana horumarinta, maamul daadejinta iyo xasilooda Somaliland''. Haatuf
- Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose iyo maamul daadejinta ee loo yaqaan JPLG
ayaa markii ugu horraysay shirka furitaankiisa lagu qabtay Somaliland.
Mashruucan oo wejigii hore oo bilaabmay 2008 ilaa 2012 ayaa wejiga 2aad oo socon
doona muddo shan sanno uu shalay si rasmi ah uga furmay hudheelka Ambassador ee
magaaladda Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,
Wasiirrada Maaliyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha,
Maayiradda degmooyinka dalka iyo masuuliyiin ka socday deeq bixiyayaasha, iyo
hay’adaha caalamiga ah.
