.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 19, 2012

Kooxdii Khaatumo-Sg Oo Burbur Qarka U Saaran.


- Khilaaf culus oo cirka isku shareeray ayaa ka dhex qarxay hoggaanka kooxda ku dhawaaqday maamulka riyada ah ee Khaatumo State, isagoo Garaad Abshir Saalax oo ka mid ah madax-dhaqameedyada sida u weyn u taageersanaa kooxdaasi uu si buuxda ugu taliyey in la kala diro maamulka kooxda siyaasiyiinta dibad-wareegga ah. Ismaandhaafka adag ee ka dhex oogmay hoggaanka kooxda Cali Khaliif oo u kala qaybiyey laba garab, ayaa la sheegay inuu ka dhashay hirdan dhalanteed ah oo ku saabsan awoodda maamulkooda magic-u-yaalka ah.

Khilaafka uga ba’an ayaa soo dhexgalay Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo kooxda Cali Khaliif Gallaydh ku magacaabeen Madaxweynaha Khaatumo State iyo raxan ka mid ah garaadada dhaqanka ee beesha Dhulbahante oo uu horkacayo Garaad Abshir Garaad Saalax, waxaanay madax-dhaqameedyada iyo siyaasiyiinta dibad-wareegga ah isku seegeen qaabka maamulka degaannada gacanta ugu jira malleeshiyooyinka Somaliland-diidka ah ee ka dagaallama degaanno kooban oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Geesta kale, waxa guuldarraystay dedaallo lagu doonayey in lagu xalliyo khilaafka culus ee ka dhex qarxay kooxdaas oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kadib markii sida la xaqiijiyey uu Garaad Abshir u sheegay ergada dhexdhexaadinta waday in aannu la shaqayn karin kooxda Axmed Karaash hoggaamiyo oo uu ku tilmaamay qaar ka leexday hawshii loo igmaday, isla markaana aan mateli karin maslaxadda shacab ku nool gobollada Sool, Sanaag/bari iyo Buhoodle.

Waxa kaloo uu Garaad Abshir caddeeyey inuu si rasmi ah ugu laaban doono dhinaca maamul-goboleedka Puntland oo ay kala xidhiidh furteen markii uu ka qaybgalay shirkii la majara-habaabiyey ee beelaha Dhulbahante ku yeesheen degmada Taleex, isagoo sheegay inuu maamulka Puntland la shaqaynayey 14kii sannadood ee u dambeeyey, waxaannu garaadada beeshiisa ka dalbay in si degdeg ah loo kala diro kooxda Khaatumo State oo uu ku eedeeyay inay daacad u yihiin qabqablayaal dagaal.

Horjoogaha siyaasiyiinta dibad-wareegga ah Mr. Axmed Cilmi Karaash, ayaa isaguna dhankiisa ku adkaystay in garaadadu raacaan, una hoggaansamaan nidaam uu sheegay inuu u dejiyey maamulka degaannada ay ku sugan yihiin malleeshiyooyinka daacadda u ah Khaatumo State, balse waxa aragtidaas si xoog leh uga soo horjeestay inta badan madax-dhaqameedyada Dhulbahante iyo badi dadweynaha degaannadaas oo hore u taageersanaa maamulkaas dhalanteedka ah.

Sannadkii hore ee 2011, ayaa khilaaf noocan oo kaloo soo dhexgalay uu burburiyey hoggaanka jabhaddii hubaysnayd ee SSC, iyadoo burburkaasina sabab u ahaa qabashada shirkii Taleex ee kooxda Cali Khaliif Gallaydh afduubeen majarihii loogu talogalay.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: