.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, November 7, 2012

Madaxwayne Siilaanyo Oo Qaabiley Madaxada Shirkad Ka Baadhaysa Shidaalka Somaliland

Somaliland to explore major oil
 
- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Aqalka Madaxtooyadda ku qaabilay Wefti balaadhan oo uu hogaaminayay Madaxa Shirkada Genel Energy Mr MahMet iyo Agaasimaha Fulinta ee Shirkadaasi Tony Aywad, kuwaas oo shalay dalka booqasho shaqo ku yimid, isla markaana si rasmi ah ugu dhawaaqay in horaanta sanadka dambe ee 2013-ka inay deegaamo Somaliland ka tirsan ay ka bilaabi doonaan hawlo Shidaal Sahimin ah oo ay shirkadaasi ku maalgalinayso lacag ka badan 40 Malyan oo Doollar.
 
Waftigan ka socday Shirkada Genel Energy oo ay wada leeyihiin Maalqabeeno u kala dhashay dalalka Turkiga iyo Britain ayaa waxa markii ay dalka soo gaadheen shalay Madaarka Magaaladda Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiiradda Wasaarada Macdanta, Biyaha Iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale iyo Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed C/laahi Cumar, kuwaas oo u soo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ay markii danbe waftigaas iyo xukuumaduba ku qabteen Shirjaraa’id oo ay kaga hadlayeen hawlahaas shidaal Sahaminta.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Madaxweynaha Shirkada Genel Energy Mr MahMet, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Kulan aad u qiimo badan ayaanu la yeelanay Madaxwaynaha si aanu uga wada hadalno qorshayaashayada u badan dhinaca Sahaminta Shidaalka, taas oo aanu damacsanahay inaanu Somaliland ka bilaabno horaanta sanadka 2013-ka ee fooda inagu soo haya, marka la gaadho sanadka soo socdana waxa ina horyaala hawlo xidhiidh ah oo kala duwan isla markaana ku kacaysa Maalgalin dhan ilaa 40 Malyan oo Doolar, waxaanan filaynaa inaanu Ibo-furno Ceelkii ugu horeeyey ee dalka laga helo badhtamaha sanadka 2014-ka, aad baananu ugu faraxsanahay fursada ah inaanu ka shaqayno Somaliland”.
 
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Shirkadani waa shirkadda shaqada ugu laxaadle ee xaga Shidaalka sahamintiisa ka qabanaysa dalkeena sanadka soo socda Isha Allaahu, ilaa 40 Malyan oo dollar lacag ku dhawdhaw oo maalgashi ah ayey galinaysaa shaqadaa ay shirkadu qabanayso sanadka soo socda 2013-ka, Insha Allaah hadii ay shaqadaasi hadii rajadeedu wanaagsanaato oo ay fahmaan in meeshaas rajadeedu wanaagsan tahayna waxa looga wareegayaa in Ceelkii ugu horeeyey ee sahanka ahaa in hawshiisii la galo sanadka 2014-ka.
 
Waa markii ugu horaysay ee shaqooyin caynkaas ah oo baaxadaas leh oo ku saabsan Sahaminta shidaalka inuu maanta dalkeena ka bilaabmo”. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Insha Allaahu 2014-ka marka la gaadho hadii dalkeena wax dhigay waxa laga ayaabaa inay wax badan nolasha dadkeena ka tarto”.
 
Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi kaas oo ujeedada shirkaddan Genal Energy, waxaanu yidhi “Shirkadan iyo madaxdeedu waxay gacan wayn ka siin doonaan Qaranka Somaliland sidii aynu xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahayn dawladda Turkiga iyo dawlado kale oo shirkadani ay la leedahay xidhiidh iyo wada shaqayn balaadhan”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: