.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 21, 2018

Xisbiga Wadani, Doorashada soo socota wuu guulaysan karaa hadii uu 3-shay wax ka qabto.

 "Xisbiga iyo falsafada uu ku qotomo oo la badbaadiyo ayaa ka khayr badan in hamiga qof leeyahay la badbaadiyo! Sidaas awgeed, waxa ay iigu muuqataa in la helo cid kale (hogaan cusub)..." Cali

- Runtu sida ay tahay, ma fududa oo ma dhib-yara in Xisbi siyaasi ah la aasaasaa oo uu noqdaa mid taabo-gala. Waayo, waxa jira carqalado badan oo ku horyaala oo halistooda leh oo kaa caris-qali kara! Si kastabse ha ahaatee, hadii Allah kula qabto oo wax kuu hir-galaan oo uu Xisbi siyaasi ahi kuu qotonsado, halkaas sheekadii kuma dhamaan oo durba guushii maad heline waxa ku sugaya tartan qadhaadh oo tabcooyin iyo  hagardaamooyin badani ku jaxaasan yihiin, oo idin dhex-mari doona Xisbiyo kula mid ah ama kaaba waawayn oo rag-rag ahi hogaanka u hayaan, oo aad isku-haleeli doontaan fagaarayaasha siyaasadda iyo madalaha baratanka oo hilifaha la isku-qaadi doono!

Xisbiga Wadani, waa Allah mahadiiye intaasba waa uu soo maray oo uu baratan ba'an la galay xisbiyada kale ee ka jira J.Somaliland. Inkasta oo aanu xisbiga Wadani hannan kursigii madaxweynaha ee loo xaydnaa 2017kii, waxa aan shaki ku jirin in uu ka helay waayo-aragnimo uu aad ugu baahnaa iyo, duruus badan oo uu kaga faa'iidaysan doono doorashooyinka mustaqbalka soo socda, hadii uu Allah waafajiyo taalada wanaagsan. 

Hadaba, hadalku yuu ila taraarine, intaas aan halkaas ku joojo oon u soo noqdo, halka aan u dan lahaa oo ah ciwaanka dusha iyo 3da qodob ee aan is-leeyahay way wiiqi karaan hanka Xisbiga Wadani ee aayaha dambe, hadii aan hoos loo eegin!

Waa kuwan 3-da qodob ee xisbiga Wadani u baahan yahay inuu bedelo (Fekerkayga)

1. Hogaanka ugu sareeya xisbiga Wadani, waxa u wanaagsan in uu si dhab ah isku waydiiyo bal inuu yahay qofkii ugu haboonaa ee mar kale waajihi lahaa xisbigii tartanka kaga badiyay ee Kulmiye! Xisbiga iyo falsafada uu ku qotomo oo la badbaadiyo ayaa ka khayr badan in hamiga qof leeyahay la badbaadiyo! Sidaas awgeed, waxa ay iigu muuqataa in la helo cid kale (hogaan cusub) oo ku galadan tab, aftahamo iyo sumcad waafi ah oo ay kaga saari karto xisbiga kadartii uu kal-hore (doorashadii 2017kii) ku soo karaar jabay. 
 
2. Dacaayado been ah oo laga sameeyayba haday doonaan ha noqdaane, waxa Xisbiga Wadani lagu shaabadeeyay oo ka daba-shanqadhaya laba arin oo aan dhegtiisa u-wanaagsanayn oo kala ah; a) in xisbigu yahay mid hal Beel ahi madaxa iskaga duubtay! b) iyo in aanu Xisbigu nadiif ka ahayn xidhiidhyo qarsoon oo uu la leeyahay Soomaaliya! Waxa loo baahan yahay inuu Xisbigu dagaal adag  ka galo sidii uu labadaas arimoodba iskaga furdaamin lahaa. 
 
3. Waxa aan is-leeyahay ta sedexaad waxa ay tahay, in xisbigu meel adag iska taago oo uu iska-baraxo, shakhsiyaad qurbo-joog ah oo kala-qaad, kala-qaybin iyo qas kula dhex-jira taageerayaasha xisbiga. Kuwaas oo ka didinaya dad badan oo aan xisbina taageerin haatan, lagana yaabiba lahaa inay Wadani ku soo biiraan. Waa dhab arintaasi.
 
Gabogabo; Inahaas iyo meelo yaryar oo kale oo xaalxaal ah hadii la isku hawlo in la gufeeyo, waxan iimaankeeda qabaa in uu xisbiga Wadani heli doono shacbiyad badan oo IS-GARAB taagta, oo uu dabadeeto durduro ku jiidhi doono xisbiyada kale ee ay is-hayaan. Hadiise xaalku sida uu haatan yahay uun ahaado oo aan wax la samayn, waxa hubaal ah inay adkaan doonto in Xisbigu mar uun ku fadhiisto kursiga uu ku hamiyayo ee dalka looga arimiyo.

"Ha jirto Somaliland oo ha joogto Weligeed".

Cali Cumar Xasan
B'ham-UK

No comments: