- Isaga oo ka waramaya dhaqanka taban iyo dhaqanka togan, waxa Sheek
Abuu Xaamid Al-Gazali, Alla haw naxariistee uu inoo sheegay, in laga yaabo
in dadka qaarkii isweydiiyaan, “Haddii Ilaahay banii-aadamka ku abuuray
dareenka iyo dhaqanka xoolahu leeyihiin oo kale, dareenka iyo dhaqanka
shaydaanka oo kale iyo dareenka iyo dhaqanka malaa’iigta oo kale, sidee
loo garan karayaa dhaqanka bani-aadamku ugaarka ah ee uu leeyahay?”
Wuxu Sheekhu ku jawaabay, “Dhaqanka dhabta ah ee la-abuurahaa aan kor ku xusnay uu mid waliba
leeyahay waa dhaqanka lagu baadi-sooco ee lagu yaqaan. Tusaale ahaan, dameerka iyo
farasku waa laba xaywaan oo gaadiid ah oo banii aadamku fuulo; sidaas ahaan waxa la odhan karaa waa u simanyihiin oo waa laba noole!
Hasa yeeeshe, sawraca dhabta ah ee
farasku waxa uu muuqanayaa oo uu dameerka ka saraynayaa, marka dagaal loo heensaysto.
Haddii-se farasku dagaal geli waayo, dameerka ayuu la-sinaadaa. Sidaas oo kale banii
aadamkuna wuxu kaga sareeyaa xoolaha waa garaadka iyo ruuxa. Haddii uu
garaadkiisa iyo ruuxiisa si wanaagsan u adeegsan waayo-se, xoolaha ma dhaamee waaba ka-sii hooseeyaa!!!”
Dhamaad.
Prof. C/Salaan Yaasiin
No comments:
Post a Comment