.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 21, 2019

Shir Somaliland Lagu Maal-gashanayo Oo Nairobi (Kenya) Ka Furmay.

- Magaalada Nairobi (Kenya), waxa maanta lagu qabtay shir lagaga hadlayay maalgashiga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka J.Somaliland. Shirkan ayaa waxa ka soo qeybgalay shirkado badan oo heer caalami ah, kuwaas oo danaynayay, doonayayna inay maalgashadaan dalalka ku yaal Geeska Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka J.Soomaaliland, mudane Yaasiin Maxamuud Xaaji 'Faratoon' ayaa arrimaha Shirkan uga warramay wariyaha VOA ee magaalada Naiorbi, Khadar Maxamuud Xareed. 
Halkan hoose ka dhegayso waraysigaa oo dhamays-tiran.

No comments: