''Maxaad ka taqaanaa jabhadii Afraad iyo cidii, sidii, halkii iyo goortii la aasaasay?''
Codsiyo aad u badan oo i soo gaadhay dartood ayaan mar labaad taariikhdan kooban ee Jabhadii Afraad, oo waxoogaa madmadaw ahi meelaha qaarkood dadka ka galay, u soo qoray si aan u iftiimiyo meelahaasi, xogo yar oo ka dhinaa maqaalkii hore iyo ilduufyo ku jirayna waan sugay, aniga oo soo waraystay wax garadkii iyo dadkii aadka ugu dhuun daloolay Afraad iyo arimaheeda, siiba laba nin oo kaalmo aad u qaali ah ku lahaa dhisamaha iyo taabo-galinta Jabhadii Afraad, labadaasi nin oo hawshoodu ahayd soo ururinta wiilasha dhalinyarada ah, taba-barkooda, hogaamintooda i.w.m. Labadan nin oo la kala yidhaa magacyadooda, Maxamed Aadan Cigaal (wadaad-yare) iyo Cali Cabdi Xasan (Cali-kayd).
Qoraalkani waa taariikhdii Afraad oo kooban, iyo weliba waayahii ku gadaanaa guud ahaan degaamada Somaliland, gaar ahaana degaanka hoos yimaada deg, Gabiley intii u dhaxaysay 1976-1982-kii, ee keenay ama sababay inay Afraad dhalato. Hadii aan dib ugu yara noqdo maqaalkii u horeeyay ee Afraad aan ka diyaariyay oo si aad ah u faafaay waxa ku jiray, qaladaad badan oo xaga higaadda afka-soomaaliga ah iyo weliba erayo laga yaabo in dadka qaar ay dhibsan karaan, waan ka raali galinayaa arimahaasi akhristayaasha, ugumaan talogalin inuu sidaa ku faafo qoraalku, laakiinse qalad dhacay buu ahaa in qoraalka oon la tafaqyo tirin la soo daabaco.
Hordhac.
- 1976-kii waxa ay dawladii milatariga ahayd ee dalkii Soomaliya la isku odhan jiray ka arimin jirtay ay bilowday in ay abaabul dagaal gasho, oo ay dad shacab ah oo qaarkood laga soo qaadi jiray Itoobiya ay tababar milatri siiso, tababarka ka dibna inta lagu badhxo askar kale oo milatari ah oo dharcad ah, ay dib ugu celiso gudaha Itoobiya, dabadeedna Itoobiya ayaa ay ka jabhadayn jireen oo ay dagaalo goosgoosa ku qaadi jireen xarumaha milatariga ee ku yaal Itoobiya oo ay degan yihiin ciidamada Itoobiyaanku, mararka qaarkoodna waxa ay u gali jireen jidadka oo gawaadhida Itoobiyaanka ah ayaa ay ku gubi jireen, waxa jabhadaa lagu magacaabi jiray jabhada xoraynta soomaali galbeed (j x s g). Dhulka xadka ah ee Somaliland waa laga dareemi jiray dhaqdhaqaaqaa ay dawladii Somaliya xiligaa waday, oo dhaawaca Jabhada (j x s g) oo Itoobiya mararka qaarkood ku soo dhawaacmay la keenyaa, dad jabhadnimo loo tababarayo ama loo soo tababaray oo Itoobiya lagu wado la soo mariyaa, saamayn wayn bay ku lahayd nolol maalmeedka dadka ku nool magaalooyinka xadka Somaliland ku yaala oo lagu habeen dhixin jiray.
Isla sanadkii xigay ee 1977-1978-kii waxa dawladii milatariga ahayd ee dalkii Soomaliya la isku odhan jiray maamulaysay ay dagaal wayn la gashay dalka Itoobiya, waxa dagaalkaa ka qayb galay dadka Soomaaliyeed oo dhan, ha u badsadaan dadka reer Somaliland oo si jibaysan oo aan kala hadh lahayn ugu huray dagaalkaa bilow ilaa dhamaad naf iyo maal, aan cadad iyo xisaabi-toonina keeni karayne, waxa dagaalku markii uu ka bilaabmay Itoobiyaba sida la qiyaasi karayo, iyaguna soo qaxay oo lafahooda la soo baxsaday dadkii soomaaliyeed ee Itoobiya ku noolaa oo qaxootinimo ku soo galay Soomaaliya, in badan oo ka mid ahna dadkaa waxa la soo dajiyay Somaliland, kuwaasoo dadka somaliland ku nooli ay qalbi iyo gacmo furan ku soo dhaweeyeen. Intii dagaalkaasi socday khasaare aan la koobi karin oo dad iyo duunyoba leh ayaa uu ku keenay dadkii soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxa dawladii Itoobiya ay laysay dad badan oo shacab ah oo Itoobiya ku noolaa, waxa kale oo ay diyaarado ku dukhaysay magaalooyin badan oo ku yaalay dalkii la isku odhan jiraya Somaliya, ha ugu darnaadaan magaalooyinka ku yaal Somaliland-e.
Dagaalkii lala galay Itoobiya si kastaba ha ahaadee laguma guulaysan waana lagaga adkaaday dawladii dalkii Somaliya ka arimin jirtay, ciidamadii iyo jabhadii (j x s g) galay dagaalka oo aad u tiro badan ayaa 1978-kii si habqan ah oo cago jiid ah dib ugu soo laabtay dalkii Somaliya, oo iyaga oo dhaawac noocyo badan leh (dhaawac maskaxeed, jidheed iwm) qaba oo guuldaraystay soo guryo noqday.
Markii ciidamadii Soomaaliyeed iyo jabhadii la socotay lagu soo jabiyay dagaalka, ee ay ku soo laabteen Somaliya waxa daafac laga galiyay meelaha xadka ah, oo waxa laga cabsi qabay inay Itoobiya soo gasho gudaha dalkii la isku odhan jiray Soomaliya, meelahaa la dejiyay jabhadaha iyo ciidamada waxa ka mid ahaa magaalooyinka xadka ku teedsan ee Somaliland, waxyar ka dibba-se waxa ay tirooyinkii ugu badnaa ee jabhadaha iyo ciidamdu ku soo xoomeen oo ay iskugu yimaadeen iyaga oo dhaqaale ahaan ku soo raacaya, degaaanka degmada Gabiiley sida (Allayba day, Geed-balaadh,Wajaale, Kalabaydh iwm) oo hodan ku ahaa kala iibsiga subaga, dharka, maacuunka, xoolaha nool, beeraha I.W.M. Iyo weliba jaadka oo isna soo mari jiray, ama ka soo talaabi jira oo ka iman jiray dhanka dalka Itoobiya.
Dagaalkii lala galay Itoobiya (1977-78 kii) sidii loogu soo jabiyay dawladii milatariga ahayd ee dalkii la odhan jiray Somaliya-ba, xaalkii hogaamineed ee dalku waxa uu galay dhabaq iyo dheeli, iyo weliba jaho wareer bulsho, siyaasadeed iyo dhaqaale oo meel kasta mulacyeeyay, taasi waxa ay keentay inay lunto kala danbayntii iyo ilaalintii sharcigu, iyaga oo taa ka faaiidaysanaya hadaba ayaa ay jabhadii iyo askartii la soo dejiyay ama iskoodaba iyagu u soo foof tagay ay degaanka deg, Gabiiley ka bilaabeen in ay dil, dhac, boob, kufsi iwm, dadkii degaanka iyo cidii degaanka dhexmartaba u gaystaan, ''hada la soco oo dadka shacabka ahi kama waxtar la' ayn oo waxa loo ururin jiray xoolo ay quutaan jabhada iyo askartu'', waxa taa sii dheeraa jaadka oo laga siin jiray lacag iyo jaad ay cunaanba oo aan dawladu u qorshayn ee dadku u gartay ama ay jabhada iyo askarta laftarkooduba mararka qaarkood qoondaysteen, waxase naxdinteeda lahayd in waxtarkaa iyo deeqdaa dadka degaanku siin jiray jabhada iyo askartu aanay noqon mid looga mahad celiyo ama badbaadisaba dadkii degaanka.
Dilkii, dhacii iyo xumaantii kaleba waxay noqotay mid maalinba maalinta ka danbaysa kasii darta oo waxay gaadhay heer qofnaba uu ka badbaadi waayo, waase hadana malaha la yara kala ilko-qaboobaa ama loo kala mici gaabnaa dadka e, cida dhibta ugu badan gaysanaysay waxay ahayd Jabhadii xoraynta somali-galbeed la odhan jiray, ee shalay markii Itoobiya lala dagaalamayay dadkan hada ay xumaynayaan ka helayay wax kasta oo ay u baahnaayeen, oo dadkani waa dadkii hiil iyo hooba la garab joogay ee naftooda iyo maalmoodkaba u hurayay, waa dadka hadadan la joogo qaadhaanka u guraya ee quudinaya, ee ku sooryaya niyad samida, ee xididka iyo gacalkaba la ah, Cawo-darose waxa ah, ma ay xeerin jirin jabhadu haba yaraatee waxaas oo dhan ee qawlaysiga iyo hagardaamadaynta dadka waa ay iska wateen.
Dadka degaankuse iyaga oo walaaltinimadii soomaalinimo iyo qiiradii wadaninimo oo xiligaa aad u kacsanayd ay ku jirto, ayay si kasta oo ay wanaag bidayeenba iskugu dayeen inay dhibtan ku joojiyaan, ergo ayay direen nabad-doon ah, dacwad iyo cabasho iyo wax kastaba way ku bilkaydiyeen xalinteeda ha yeeshee midina wax midho ah ma dhalin, waxana ay gabagabadii arintii iskugu soo ururtay in aan male kale jirin ee ay arintu tahay ragoow rag iska dhaw!!! Dadkii degaanku waxa uu ku khasbanaaday inuu dagaal gudoonsado, go' aan hoose waxay ku ga adheen inay dhalinyaradii degaanka ururiya an oo ay sharaftoda, naftooda iyo maalkoodaba difaacdaan, halkaa waxa ka bilaabmay is-abaabul iyo is-urursi lagaga baraan degayo sidii loo samayn lahaa jabhad degaanka iyo dadkaba gaashaan u noqota, oo ka caabida dhibkii ay ku haysay jabhadii xoraynta somali-galbeed degaanka deg, Gabiiley. Halkaasaa ay ka bilaabantay xerayntii dhalinyaradii u horaysay taariikhdu markay ahayd 24/08/1978-kii, oo lagu xereeyay xero laga sameeyay kayn (cayn) ku taal halka xadka Itoobiya iyo Somaliland u dhaxeeyaa uu maro oo la yidhaahdo harta Cabdilahi-faruur, bari-na ka xigta magaalada la yidhaa Geed-Balaadh.
Afraad: Marxaladahii iyo magacyadii ay soo martay.
- 24/08/1978 kii, laba nin oo ka mid ah odayaasha Geed-baalaadh oo magacayadooda la kala yidhaa, Maxamed Aadan Cigaal (wadaad-yare) iyo Cali Cabdi Xasan (cali kayd) oo ka mid ahaa ragii u guntaday samaynta jabhad degaanku leeyahay, ayaa ku soo xereeyay 25-kii nin ee ugu horeeyay ee lagu bilaabay jabhadii Afraad, xero looga sameeyay Harta Cabdilahi faruur oo 4-5 kilomitir bari ka xigta magaalada geed balaadh, kuna taala xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo Somaliland, si ay wiilashaasi jabhada ahi u yeeshaan sumad gaar u ahna waxa loo bixiyay magac la yidhaa ''jabhada ciidanka diinta islaamka''. Qaban qaabo iyo waxa durbadiiba la galay hub iyo saanad urursi, waxa hubka laga soo ururiyay qoryo wax allaaleh iyo waxii dadku hayay, si loogu tabobaro jabhada, xaga saanada iyo cuntada oo muhiim aad u ahaydna waxa dadka degaanka loo qaybiyay 17 waaxood ama beelood, waxana lagu qori ritay saanad ku filaata 1000 qof in la soo ururiyo.
Waxa judhadiiba la yidhi, qayb kasta oo ka mid ah 17-ka beelood ha keenaan 17 jawaan oo arabikhi ah iyo laba jawaan oo milix ah oo kayd iyo ku bilowba u noqda jabhada, sida uu ii sheegay Maxamed Aadan Cigaal ''wadaad yare'' waxa gacan xoog leh ka gaystay suurtagalinta hawshaa, nin magaciisa la yidhaa, Maxmed Khayre Guuleed. Degaanka loo qaybiyay in laga soo qaadhaamo raashinka iyo agabta kale waxa uu fidsanaa laga bilaabo Geedbalaadh, Gobyarta, Saxatilay,Qabri-hante iyo inta u dhax aysa.
Intaasi waxa dheeraa muquunada gaar gaarka loo bixinayo oo aanu dadku waxba xaga danbe ku reebanayn, iyada oo dadku ay ficiiltamayeen oo ay taagnayd arintu ''Nafta dhiib ama Neefka''! Kuma oolin baaho iyo qaadhaan jaadlayaasha, dukaanlayda, maqaaxilayda, beeralayda, baabuurlayda iyo hooyooyinka Caanaha iibiya oo qaadhaanka ka sokow aan iyagu kaga bakhayli jirin marka ay arkaan wiilashooda jabhada ah, in ay dhiilaha higaaga ka gooyaan oo ay caanaha siiyaan si ay u cabaan. Hantida bixiteeda ka sokow dadku si balaadhan ayay ugu soo biireen jabhadii oo ay isku qoreen oo isku soo xereeyeen.
Tiradaa dhalinyarada ee sii kordhaysa iyo shaki laga qabay maamulkii milatariga ahaa oo aan dadka degaanka u ogolayn inay Jabhad samaystaan inuu carqaladeeyo yagleelka jabhada, ayaa sababay in la raro jabhadii, oo loo guuro meel kale oo la yidhaa Ina-Dhgo-luqun oo 7-8 kilo mitir gudaha u gashan Itoobiya, taasoo u dhaxaysa magaalooyinka la kala yidhaa, Durya iyo Geed-balaadh. Waxa geedigaasi ka dib hadana mar labaad laga bedelay jabhadii magacii hore oo waxa loo bixiyay magac cusub oo la yidhaa '' ciidanka Cali-Bayle ee Geed-balaadh", madaxna waxa u ah ilaa hada odayaashii bilaabay qaar ka mid ah sida Cali Kayd iyo Wada ad-yare iwm.
Inta dadka deganku is-abaabulayay ee ay jabhada iyo tababarka iyo is urursiga ku jireen, dilka, dhaca iyo waxii kale ee dhib ahaaba wuu socday, oo jabhadihii (JXSG) iyo askartii is-huwanta ahaa ee laajiga ahayd way wadeen, waxana weliba ay jabhadani (jxsg) xarumo cusub oo hor leh ka dhigatay meelo badan oo degaanka ka mid ah, xarunta ugu muhiimsanaydse waxay ahayd tu ku taalay meel la yidhaahdo Gobyaray oo halbawle dhaqaale ahayd, oo 10-15 km Itoobiya gudaha u gashan oo u dhaxaysa magaalooyinka la kala yidhaa Wajaale iyo Haroorays, halkaas oo ay ka samaysteen meel ay lacag baad ah kaga qaadaan dadka siiba jaadlayaasha, xoolaha-damaan ka ah iyo safarkaba. Isla goobtaas oo ay jabhada (jxsg) iyo askartii dawladu ku qaybsan jireen lacagtaa baada ah ee ay dadka ka qaateen, Hunguri wadkii ma arko ayaa hore loo yidhiye waxa dhici jirtay in mararka qaarkood dagaal ka dhex qarxo iyaga oo ay ku heshiin waayaan qaybisga lacagtii boobka ahayd ee ay dadka ka qadan jireen, oo ay dad badan iyaga laftarkoodu iska dilaan!
Dhib baa taalay degaanka aad u culus oo dhulku waxa uu iska ahaa fawdo iyo in ninkii qori haysta ee garabna dawlada ku lehi taliyo, ma jirin wax sharci iyo kala danbayn ah oo la isku halayn karayay ood miciin bidaa, mararka qaarkood sharci ku badbaadiyaa haba kaa maqnaadee waxa dhici jiray dawladaad ku fako lahayd inay kaaga daraado cadawgaad ka cararaysay, taasi waxay markaa markhaati cad u ahayd in maamulkii ka talin jiray dalkii Soomaliya la isku odhan jiray, uu ugu talo-galay in dadka ku nool degaanka la dhibo oo ay jabhadan (jxsg) iyo askurtu si aan ka waabis iyo gabasho lahayn ugu gacan banaanaayeen hagardaamaynta dadka, waayo? dacawd iyo cabasho kasta oo loo gudbiyo maamuladii jiray dhagaha ayaa ay ka furaysatay dawladii markaa jirtay, isla mar ahaantaa dadka degaanka uma ay ogolay inay qoryaha qaataan oo ay lafahooda difaacaan!, taasaa kuu cadaynaysa in ay dawlad ku sheegtii ku naas-nuujinaysay jabhada (jxsg) iyo askarta dawlada ee degaanka la dajiyay.
Dadkii degaanku si kastaba ha ahaatee waxa uu isku keenay dhalinyaro badan oo lagu ururiyay saldhig ku yaal meel la yidhaa Ina-dhego-luqun (gudaha Itoobiya), waxase markii la bilaabay tababarkii hadana muuqatay oo la arkay in loo baahan yahay gargaar farsamo iyo hubba ah oo badan, arintaasi oo noqotay mid duruufahii jiray xiligaa aanu dadka degaanku uga maarmayn in dawladii jirtay ee milatariga ahayd la waydiisto inay wax kala qabato, iyada oo lala kaashanayo niman saraakiil ah oo degaaanka u dhashay, iyo niman kale oo iyagana aqoon iyo macruufaba loo lahaa, si loogu fuliyo oo loogu ogolaado jabahadan wadaniga ahi waxay u baahan tahayna waxa lagu doodi jiray inay ka mid noqonayso jabhada xoraynta Somali-galbeed, taasise markii hore nasiib daro laguma guulaysan oo waa ay ka dhego-adaygtay dawladii Siyaad Bare.
Ha yeeshee halkaa lagagama hadhin ee wax-garadkii iyo odayaashu waxay ciyaareen tab iyo xeelad kale, oo nasiib wanaag waxa ay dadkii degaanku arkeen in jabhada xoraynta Somaligalbeed uu dhexyaalo khilaaf wayni, oo ku salaysan awood iyo hanti qaybsi, kaasi oo sii balaadhay oo aad u sii kala fogeeyay qaybo jabhadii dhexdeeda ah, waxa aakhirataankii kala jabay jabhadii JXSG, oo laba u kala go' ay, garab ka mid ah ayaa uu dadkii degaanku raacay oo uu la saftay, oo weliba magacna loo bixiyay, magaca loo bixiyay waxa uu ahaa ''jabhada xoraynta somaligalbeed sii-galbeed'' halka qaybta kalena ay ku hadhay magacii hore ee ahaa, jabhada xoraynta somali-galbeed.
Kala jabkaasi jabhada (J.X.S.G) ayaa soo dadajiyay inay Jabhadii wadaniga ahayd hesho marin iyo toobiye ay degdeg ugu kobocdo, isla markiiba waxa jabhadii degaanka lagu daray garabkii jabhada xoraynta soomaali-galbeed sii-galbeed, waxana ay halkaa ka heshay oo ay qabyteedii ka qaadatay hubkii iyo tababarkii la siinayay jabhadaha kaleba dhawr jeer. Ku biiristaasi waxa kale oo ay keentay in jabhada wadaniga ahayd ay hadana mar sedexaad bedelato magaceedii hore, oo hada ugu danbayntii loogu wanqalo magacii ay caanka ku noqotay ee la odhan jiray ''Afraad'', kaasoo ahaa magac ay ku tiro gashay markii lagu daray jabhadii xoraynta somali-galbeed sii-galbeed. '' Waxa taliye u ahaan jiray garabkan ay ku biirtay Jabhada Afraad nin la odhan naanaystiisa ''what do u mean''). Dagaalo badan ayaa ka dhex qarxay garabkan ay afraad ku biirtay iyo garabkii kale oo waxa la isku qabtay ilahii dhaqaalaha iyo arimo kale, waxana dagaaladaa ay afraad ka heshay waayo aragnimo badan iyo xirfado ay aad ugu baahnayd, kumase negaan Afraad kasii mid ahaanta Jabhadaa ama garabkaa ay ku biirtay! Waayo?
Mudo yar dabdeed sida adba aad fili karto waxa xidhidhkoodii xumaaday Jabhadii Afraad iyo qaybtii ama garabkii ay ka tirsanayd ee la odhan jiray jabhada xoraynta somali-galbeed sii-galbeedd, waxa sabab u ahaana waxa uu ahaa, dhacii iyo boobkii ay jabhadaha laajiga ahaa ku hayeen degaanka oo ay dhalinyaradii afraad diideen inuu sii socdo, halka kuwa kale ee ku mamayna ay waxba ku qaadan waayeen taasi, waxa ay taasi keentay in fooda la is daro, taasoo aakhirkiina keentay inay Afraad gooni u baxdo, ''erayo ay gaar u lahaaayeen jabhaduhu ayaa jiray oo ay isticmaali jireen oo la yidhaa'' shoobaro'', oo u dhiganto " ka dhiidhi ama cadho'', isku dhacaasi ayaa ay afraad ku shoobaraysay oo ay kaga baxday garabkii ay ka tirsanayd, laga bilaabo maalintaa-na Jabhadii la odhan jiray afraad gooni bay isku taagtay, siday ii sheegeen Maxamed Aadan Cigaal '' wadaadyare'' iyo Cali Cabdi Xasan'' Cali kayd' oo iyagu hogaanka afraad xiliyadan hayay'.
Afraad: Kaalintii hogaamineed ee Maxamed-cali, Cabdi kariim iyo Dhuxul iyo weliba halgankoodii ( 1979-1982)
Hadaba in yaruun ka dib markii ay isku dhaceen jabhadii magaceeda la odhan jiray Afraad iyo garabkii ay ka baxday ee la odhan jiray Somaliland galbeed sii-galbeed(j.x.s.g), waxa isna ka soo goostay Jabhada Xoraynta somali-galbeed oo uu ka tirsanaa jiray in badan oo uu lana galay dagaalkii Itoobiya (1977-78-kii), mujaaahid Maxamed Cali (oo ku magac dheeraa Maxamed-Cali), oo ay isa soo diideen nimankii taliska jabhada xoraynta Somaligalbeed haysan jiray, mujaahid Maxamed Cali waxa uu ku jiray oo uu ka tirsanaa gaaskii la odhan jiray Axmed Guray, Guutadiisa 5-aad. Isla markii uu ka baxay ee uu ka tagay Jabhada Xoraynta Soomaali-galbeed waxa uu ku soo biiray Maxamed Cali jabhadii Afraad, mudo yar ka dibna waxa looga dhigay hogaamiyaha ama taliyaha Ciidanka/jabhada Afraad, halka ay hawlaha kalena ka wadeen odayaasha degaanka guud ahaan gaar ahaana, labada nin ee dusha ku qoran (Cali kayd iyo Wadaad yare) iyo kolba cidii kale ee u gacan banaan.
Hadaba ka baxaa ay Afraad ka goosatay garabkii ay ka tirsanayd ee Jabhada xoraynta Somaligalbeed sii galbeed. waxa uu huriyay colaad hor leh oo ku soo korodhay degaankii oo ujeedo ka duwan kuwii hore leh, ujeedadanoo ahayd mid iyadu aan dhac iyo weerar toona ku salaysnayn ee wax is ka caabin iyo is-difaacis ahayd, waxana ay noqotay markii ugu horaysay ee xoog u dagaalamaya danta dadka degaanku uu soo baxo, oo uu dagaal adag oo balaadhan oo laba geesood ah weliba qaado, labadaa geesood oo ahaa :
1-Mid xoogaa wadaniga ahi (Afraad) uu ku xakamayanayo niman gooni gooni u dhul jiifayn jiray oo dadka wadooyinka u gali jiray dhib iyo dhac aan la koobi karin ku hayay.
2- Mid aad uga duwan kaas oo dagaal balaadhan ah, oo ahaa ka loo hamta iyo digta lahaa, oo ah in xidida loo siibo oo laga dabargooyo jabhada xoraynta Soomali-galbeed iyo huwanteedii (askarta) ku mamay degaanka, oo saldhigyada (cufafka ay isku dhashay dad-qalatadu) lagu gubayo si gayigu u noqdo mar labaad, mid nolol badbaade lehi ka suurto gali karto! Taasoo ku noqotay xiligan dadka ku nool dhulkaa iyo cidii dhex martaba mid gibin iyo wax helitaankeed u aad u adkaa ah. Waxa dagaalkii labada waji lahaa noqday mid joogto ah oo durbadiiba guulo la yaab leh oo sii dardar galiyay niyadana u dhisay u soo hooyay jabhadii wadaniga ahayd ee Afraad.
Cashuurta meelaha ay ku qaadan jireen jabahadaha xoraynta Soomaali-galbeed iyo askartii milatariga ahayd ee meelaha la kala yidhaa magacyadooda Gobyarta iyo Haroorays tusaale ahaan, ayaa noqday goobaha ay Afraad u badheedho hadh iyo habeen inay guluf iyo colaad aan kala go' lahayn ka rido, iyada oo afraad diidaysa in cashuur ku sheegan Baada ahi sii jirto, oo qawlaysatadan Laajiga ahi ku khasbaan dadkii dalkan lahaa inay dhulkooda dhexdiisii ku bixiyaan lacag khasab ah ama nin aan u dhalanin uu ku baado.
Dhanka kale taasi haday timaado hadaba oo ay dhaqan gasho oo ay cashuurtan joogsato, wax ay ku ahayd qolyahan huwanta ah ee laajiga ah calaf go' waxana ay ka xigeen inay naftooda waayaan joojinta mooskaa janada ah ee ay malaayiinka shilin maalin kasta ka helayaan, taasaa markaa dhalisay in dagaal ba' an oon kala go' lahayn oo ka dhan ah jabhada Afraad ay Jabhadihii kale oo wada jira iyo weliba huwantii askartu ay ku qaadaan Jabhada wadaniga ah ee Afraad, iskuna dayaan inay gacan ku muquuniyaan oo ay waliba baabiiyaan jabhada Afraad , si ay xor ugu ahaadaan qawlisigoodii iyo dhacoodii.
Markii dagaalkii afraad joogto noqday waxa ku soo biiray niman u dhashay degaanka oo milatari ama askar kaleba ahaan jiray oo soo xoojiyay Jabhada afraad, waxa kale oo magaceedii gaadhay dad iyo degaano kale oo badan oo ku diirsaday, waxa lasii labanlaabay waxtarkii loo gaysan jiray jabhada ee qaadhaanka iyo muquunadaba lahayd. Nin kasta oo ku noolaa xiliyadaa degaankaa ama inuun ka war hayay waxa uu qirayaa, in dhulkeenu uu ahaa dhul ay soo weerareen dad qawlaysato ahi oo aan waxba xeerinayn, nafta bani-aadamka ah dilkeeduna aanay wax qiimo ah la lahayn. Ha yeeshee ninkii ilaahay ku beeray een meel kale haysanin waa ku qasban yahay inuu dhibtan bani-aadanku sameeyay uu xal u helo e, miciin baana ay noqotay afraad lagu diirsaday oo loo huray jiritaankeeda wax kasta oo la awoodayayba haday tahay maskax, maal iyo muruqba.
Duruufahaa qalafsan ee ay abuureen jabhadahaa iyo askartaa huwanta ahi dartood degaanku waxa uu noqday meel weere-weere iyo dhul ay geerida iyo hoogu dul hoganayaan ah, oo aanay jirin maalin dadku aanay maqlayn wax ka nixiya. Taasi guud ka sokow, waxa jabhadihii iyo dawladii milatariga ahayd ay si gaar ah u ugaadhsan jireen madaxda Jabhada, odayaasha qaarkood iyo inmada Jabhada niman ku jiray oo xul ah, waxa goor kasta qoolaa dabin la doonayo in lagu khaarajiyo nimankaa, ma ahayn mar iyo laba inta jeer ee Muj, Maxamed Cali, Muj, Cabdi kariim, Muj, Dhuxul, Muj, Wadaad yare, Muj, Cali kayd iyo Mujaahidiintii kale ee madaxda ahayd ee la-waday hawshu ay dabin ka badbaadeen lagu dilayo, ama lagu xidhayo. Dhanka kale.-
Markuu Maxamad Cali hogaanka Jabhada Afraad mudo hayay ( 1979-1980) ee uu dagaal kulul kula jiray jabhadihii qalaad iyo askartii huwanta ahayd, ayaa uu arimo u gaar ah oo la soo darsay dartood uga tagay jabhadii oo uu hogaankeediina ku wareejiyay odayaashii, wax dhib ah oo haba yaraatee ka dhex jiray ama ka dhex aloosmay isaga iyo jabhadii Afraad ma ay jirin, waxa bedelkiisii noqday oo halkiisii buuxiyay Mujaaahid Cabdi-kariim Cali Buux.
Mujaahid Cabdi-kariim, waxa uu ka tirsanaa milatarigii dalkii Soomaliya la odhan jiray, waxana uu ka mid ahaa ragii gurmadka ugu yimid Afraad ee soo xoojiyay jabhada Afraad xiliyadii ay yagleelka ahayd, waxa uu mujaahidku halkaa isna ka sii anbaqaaday dagaalkii iyo jihaadkii xaqa ahaa ee ay jabhada Afraad ee mitidka ahayd kula jirtay jabhadihii doolaallada ahaa ee budhcada ahaa.
Hadaba dagaalkii noocyada badan lahaa ee ay Afraad kali ahaan geesteeda ka waday ee ay ku badbaadinaysay dadkeeda iyo dalkeeda waxa isna dhinac socday, ku ka daran ama la mid ah oo ba' an oo iyada lagu hayo, oo ay ku wadeen iyaga oo weliba iskaashanaya, Jabhadihii (J. X.S.G ) iyo askartii iyo weliba Dawladii milatariga ahayd. Waxa huwantani meel isku mid ah ay ka taagnaayeen oo ay tolna ku wada ahaayeen iyaga oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, inay baabiiyaan Jabhadan wadaniga ah ee Afraad. Si loo baabiiyo afraad, waxa la sam eeyay dagaalo wada jir ah oo lagu qaadayo Afraad, dabino loo qoolayo oo lagu qaqabanayo madaxda Afraad, cuna-qabatayn lagu soo rogayo Afraad, oo loo diiday inay qaataan saanado iyo qaybtii ay ku lahaayeen cashuurtii ay jabhaduhu ka qaadan jireen jaadlayaasha iwm, kumase ay wiiqmin Afraad waxaasoo dhan, markii danbe waxa loo maleegay dabin kale oo la doonayo in xididka loogu saaro Afraad. Tusaale waxa la yidhi waxa Tabobaro loo furayaa Jabhadaha oo Afraadna waa lagu soo daray, Waxa la geeyay jabhadii Afraad xero milatariga lagu tababari jiray oo ku taal magaalo gubanka ku taal, oo magaceeda la yidhaa Burdi oo ah xero milatari, mar kay taariikhdu ahayd 07/07/1980.
Hubkii ayaa laga guray dabadeedna waxa la kala soocay askartii iyo madaxdii, madaxdii ayaa la qabqabtay oo gaadhi lagu riday oo loo qaaday Hargeysa oo lagu xidhay, waxa ka mid ahaa dadkaa la xidhay, Mujaahid Cabdi Kariim oo ahaa hogaamiyahii Afraad, falkaa Afraad way ka dhiidhiday oo waxay ka samaysay fal-celis oo waxay xoog ku qabsadeen oo ay ku jabsadeen bakhaar hubku u yaalay askartii milatariga ahayd, dagaal baana halkii ka qarxay waxana sida uu ii sheegay Maxamed Aadan Cigaal (wadaad yare) halkaa askartii lagaga dilay askar tiradoodu ay gaadhayso 22 askari, dagaalkaa halista ah kadibna jabhadii afraad ooday iska gurtay oo dib bay ugu soo noqotay xarumaheedii ku yaalay degaamada Geedbalaadh iyo agagaarkeeda, isla wax yar ka dib xadhigii mujaahid Cabdi-kariim, waxa la doonay mujaahid Axmed Faarax Colow oo ku magac dheeraa ''Dhuxul'' oo bedelay Cabdi Kariim.
Mujaahid Axmed Faarax Colow( Dhuxul) waxa uu ka tirsanaan jiray askartii Filfoosta la odhan jiray, waase uu iskaga tagay beri horeba ha yeeshee aqoon loo lahaa darteed ayaa keentay inaan laga maarmin ee loo yeedho, oo sida labada halyay ee kale ee Maxamed Cali iyo Cabdi kariim ayaa uu isna ahaa soo-ma-jeeste leh calool adayg dheeraad ah, isaga oo weliba ahaa tab-yahan ma waabte ah, lehna tayo uu ku wadi karo ciidan kala duwan xaaladaha adag ee ay la kulmayeen goor kasta, waxa uu isna halkii ka sii waday dagaalkii oo jabhadihii iyo askartii la sococtayba waxa ay la galeen dagaalo hadh iyo habeenba leh oo joogto ah. Ta-xun-baase ay ku Allah taqaanaaye waxa ay dawladii milatariga ahayd ee uu Siyaad Bare gadh-wadeenka u ahaa yaqiinsatay inaanay dagaal waxba ku helayn ee ay hab kale raadiso oo ay ku baabiiso afraad!.
Dabadeedna waxa ay bilowday inay odayaashii iyo wax-garadkii cadaadis saarto oo ay isku daydo inay mar labaad iyo sedexaadba ku khasbaan inay jabhada Afraad, soo galiyaan xeryaha lagu tababaro milatariga si loo tababaro, ha yeeshee Afraad oo og jabka lala maagan yahay dhegay jalaq umay siin, waxana ay jawaab uga dhigtay inaanay xadkaba xaga Soomaalida uga soo talaabin ee ay ku nagaadaan gudaha Itoobiya xeryahooda ku yaal, sida Xerooyinka ku yaal meelaha magacyadooda la kala yidhaa Ina-dhegoluqun iyo xerada Siyaarada Cali-bayle i.w.m. Si aad bal wax uga ogaato meelaha ama qalcadaha milatari ee loogu talogalay in lagu baabiiyo Afraad marka lagu xereeyo, waxa ka mid ahaa xeryaha milatariga ee ku kala yaala Ceel-Giniiseed, Cadaadlay, Qoolcaday iyo Burdi oo ay Afraad iyada sooba mareen.
Dhanka kale la soco oo waxa aan marna is-dhiman dagaalkii maalinlaha ahaa ee ay kula jirtay Afraad jabhadihii qalaad iyo askartii ku mamtay xoolaha dadka degaanka, waxase uu dagaalkii ugu kululaa ee lagu kalaa khaatumaystaa ku dhex maray jabhadaha (jxsg) oo is watay iyo askartii xooga dalka Soomaaliya oo dhan ka soo wada jeeda iyo Afraad oo gooni ah horaantii 1981-kii, waxana uu ka dhacay dhul balaadhan oo dhawr aag ah oo kala duwan, oo ka bilaabma magaalada Tog-wajaale korkeeda ilaa iyo meesha la yidhaa Gobyarta, waxa uu ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee labada dhanba abid soo gaadha, waxa dagaalkaasi uu socday 11 cisho oo xidhiidha.
Waxa dawladii siyaad bare ay ergo dagaal joojin iyo nabadayn ah u soo dirtay dadkii inuun wax ahaa ee degaanka Gabiiley u dhashay, haday tahay culmadii oo ay hogaaminayeen labadii sheekh ee ugu waawaynaa, waa Sheekh Muxumad Warsame(Sh. Muxumad Yare) iyo Sheekh Muxumad Gaboobe, iyo weliba Suldaamadii iyo Cuqaashii oo ay hogaaminayaan Suldaan Cabdi-raxmaan Sheekh Muxumed,Chief Caaqil Maxamed Ibraahim Khaliif iyo Chief Caaqil Yuusuf Khaliif ( Xaruur ) iyo dad aad u tiro badan oo Wajaale yimid , markay ka war heshay Afraad arintaa dagaal bay kala hortagtay, waana ay ka diiday ergadaasi wax kasta oo ay wadeenba.
Aakhirataankii markay dhimasho badan iyo dhaawacba yimaadeen ee ay u adkaysan kari waayeen qumaca iyo rasaasta ma seegtada ah iyo weliba suti-gaashaanta Jabhada Afraad, waxa sandule iyo shan iyo calaacal lagaga dhigay inay liskaga huleelaan degaankii jabhadihii doolaalada ku ahaa oo ay toobiyaha qaadaan duhur la is horjoogo, halkaa waxa ku soo afjarmay 4 sanadood oo cadaab ahaa oo uu dhulka degaanka degmada Gabiley soo mutay!, Mahadeeda waxa isla leh Ilaahay ka sokow Halyayadii afraad iyo guud ahaan dadka degaanka ku noolaa oon u kala hadhin wax iska caabintaa, markii laga sifeeyay jabhadahii waxa dhulkii uu noqday Gole-banaan, iyo dheg dheer dhimatayoo dhulkii waa nabadeey!!!. Dawladii Siyaad Bare sidaa kagama hadhin Afraad weli, oo waxa bilaabmay yagleelkii iyo qalqaaladii SNM, oo hadana mar labaad Jabhadii Afraad ay door Caaqiibo leh ka ciyaartay!
N.B; Si aad ula yara socoto maamulkii ka jiray Gobolkii waqooyi galbeed ee Soomaaliya (Somaliland), degmada Gabiley, Tog-wajaale, Alleybaday ee xiligaa iyo ragii madaxda ka ahaa ee ay Afraad is hayeen, biloow ilaa dhamaad (1978-1982), waxa ka mid ahaa magacyadan, Siciid Faarax (Salxaan) iyo Maxamed Xaashi (Ga ani) oo iyagu isaga danbeeyay Taliska qaybtii 26-aad ee gobolada waqooyi.
Degmada Gabiiley waxa haystay Buule, guutada milatariga ee deganayd Gabiiley waxa ka mid ahaa dadkii haystay nin la odhan jiray Afrikaan, waxan uga danbeeyay Maxamed Yuusuf, degaamada xadka ciidamada yaala ee ay maryaha dhiiga leh kala furteen Afraad, waxa ka mi d ahaa saraakiishii haysan jirtay, niman ay ka mid yihiin nin la odhan jirayta Musbaar iyo Dhoore. Nabad sugida (NSS) waxa gobolka haystay Maxamed Cali baranbaro, NSS-ta degmadana waxa haystay Yuusuf Jafaal.
Afraad iyo aasaaskii SNM.
Hadaba markii 1981-kii lagu dhawaaqay jabhadii dhaqdhaqaaqa wadaniga Somaliyeed ee S.N.M, oo ku beegnayd xili ay jabhada Afraad ahayd ciidan aad u xoog wayn oo si fiican u tababaran, kana guulaystay xoogagii jabhadihii laajiga ahaa ee degaanka ka huleelay, welibana ku sugan xeryahooda Itoobiya ku yaala, waxa dawladii milatariga ahayd ay xoog saartay sidii ay u soo xerogalin lahayd Afraad ee ay uga hortagi lahayd inay qayb ka noqoto SNM. Cabsidaa ay ka qabtay dawladii Maxamad Siyaad Bare inay isku xidhmaan Afaad iyo SNM darteed, waxa dawladii ay hawl galisay dhamaan dadkii inuun saamayn inay ku leeyihiin degaanka ay bidaysay ee heer degmo, gobol iyo weliba ugu danbayntii heer qaran lahaa.
Tusaale ahaan, ergooyinka ka hawlgalay soo celinta Afraad ee gaalaa bxayay magaalada Geed-balaadh waxa ka mid ahaa, oo weliba ahaa ergada ugu culus, wafdi uu hogaaminayay madaxweyne-ku-xigeen marxuum, Axmad Maxamuud Faarax ( Ina-lax-was), waftigaasi oo yimid magaalada Geedbalaadh oo odayaasha kula shiray maqaamka sheekh Isaxaaq, kalana hadlayay Afraad iyo arimaheeda, hase yeeshee wax is bedel ah waftiga miisaankaa leh iyo kuwii kale ee heerasha ka hoseeyay ahaa toona kuma ay keenin mawqifkii jabhada Afraad taagnayd, oo waxa ay iskaga nagaatay xeryaheedii ku yaalay gudaha dalka Itoobiya.
Waqtigaa is gurayee 1982-kii iyo waxii ka danbeeyay waxa bilaabmay xiligii garabkii milatariga ahaa ee SNM uu ku soo af-yeeshay inuu soo galo Itoobiya, waxa soo talaabay saraakiishii u horaysay ee SNM oo soo galay Itoobiya, waxase kasii horeeyay oo iyagu xeryoba ku lahaa degaan ahaana kaba taliya dhul badan oo u dhaxeeyay labada dawladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya jabhada Afraad.
Waxa uu ii sheegay Maxamad Aadan Cigaal ''Wadaadyare'', inuu Maxamad Kaahin oo ka mid ahaa saraakiishii SNM ee ugu hor talawday uu iyaga (Afraad) oo saldhigooda ku yaal meesha la yidhaa Ina-dhegoluqun degan uu ku soo degay oo uu la joogay mudo todoba cisho ah, ka dibna ka tagay, saraakiishii ka danbaysay iyo cidii kale ee kastaaba ayuu yidhi Wadaadyare waxa ay jabhada Afraad u noqotay meel ay ku soo hirtaan oo ay soo bildhaansadaan.
Markii dawlada Itoobiya u ogolaatay si sharci ah in dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliiyeed (SNM) uu ka hawlgali karo carada Itoobiya oo uu dagaal kaga qaadi karo dawladii milatariga ahayd ee uu Siyaad Bare gadh-wadeenka ka ahaa, waxa jabhadii Afraad ay si buuxda ugu biirtay SNM oo markaa iska magac uun ahayd, markaasaa ay SNM yeelatay ciidan cudud milateri leh oo markiiba gundhig iyo muruq adag u noqday halgankii dheeraa ee SNM. Waxa uu ii sheegay Maxamad Adan Cigaal (Wadaadyare), in ciidankii Afraad uu meel kasta oo dhulkii ay SNM ka dagaal gali jirtay ah ka samaysay xeryohii u horeey ay ee SNM yeelato. Waxa kale oo ay Afraad uga faa-iidaysay tabtii iyo xirfadihii jabhadnimo ee qaaliga ahaa, ee ay ku kasbatay mudodii 4 gu ahayd ee ay degaanka degmada Gabiley ka xoraynaysay jabhadihii iyo askartii huwanta ahaa ee laajiga degaanka ku ahaa.
Isku soo duuboo Jabhadii Afraad waxay kaalin muuqato kasoo qaadatay halgankii dheeraa ee maamulkii hororka ahaa lagaga soo horjeeday, dhulkana lagaga xoraynayay ee soo bilaabmay 1978-kii dhamaadayna 1991-kii, waxana ay mudan tahay in la xuso oo aan marnaba la hilmaamin Afraad iyo kaalinteeda taariikheed ee Qaayaha leh. Markii ay hadaba jabhada Afraad iyo SNM isku biireen ka dib iyo kaalmahii ay ka ciyaartay halgankii hadana mar labaad ay Afraad u hub qaadatay, waxan u daynayaa dadkii iiga xog-ogaalsanaa ee ay soo wada halgameen. Waxase hubaal ah inay adkaan lahayn sida ay SNM u tamarisaa Jabhadaa Afraad iyo soo-yaalkeedaa murta ka qadhaadhi hadaaanu jirin.Taasaa keentay inay SNM si dhakhso ah u noqoto jabhad tayo dagaal oo badan markiiba yeelata.
Dhanka kale ha iloobin in sidii caadada u ahayd maamulkii dad qalka ahaa ee milatariga ee uu hogaamin jiray Siyaad Bare, markii uu maqlay in jabhadii Afraad ku biirtay SNM, ee uu xaqiiqsaday, uu dadkii degaanka Gabiley kula kacay xasuuq iyo inuu cagta mariyo. Sida laga warqabana dagaalkii waynaa ee 1988-kii ee dalku ka sinaa ka hor, degmada Gabiley waxay ka mid ahayd meelaha sida gaarka ah uu taliskii Siyaad Bare uga dhigtay xero-dhiigta iyo goobaha uu dadka ku qasho, sababtu waxay salka ku haysay jabhadaa Afraad iyo wax iska caabinteedii. Dad uu raxan raxan u laayo iyo qaar uu gooni gooni u ugaadhsadoba dhagarta iyo godobta uu ka galay degaankaasi maamulkii Siyaad Bare ma yarayn.
Gabogabo iyo Isku soo duubis:
Halgankii iyo hawlihiisii naf iyo maalba loo huray ee ka bilaabmay degaanka Gabiley 1978-kii, dadka ku dhaqani degaanka Gabiley iyo jabhadii Afraad-ba, kaalin muuqata iyo sooyaal Shariif ah ayaa ay ku lahaayeen, inkasta oo uu maamulkii Siyaad Bare ee dhagarta qabay cagta dadka ku nool degaankaa Gabiley uu mariyay oo dhibaatada loo gaystay aan la qiyaasi karin, gabagabadii si kastaba ha ahaatee nin xaq leh ayay guuli raacdaaye hante dadka iyo degaanka Gabiiley-ba Gomaradoodii.
''Intaasaan ku joojinayaa taariikhdii Afraad, waxii qalad ah ee igu soo baxaa u-kas ma-ahee waa iga Ilduuf uun''.
''Intaasaan ku joojinayaa taariikhdii Afraad, waxii qalad ah ee igu soo baxaa u-kas ma-ahee waa iga Ilduuf uun''.
''Wa Bilaahi Tawfiiq''.
Qalinkii: Cali Cumar Xasan
No comments:
Post a Comment