.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, January 20, 2013

Qabiilka Ciise Iyo Ururkii S N M (Qaybtii 2aad): W/q: Cabdalle Xaaji

 
''Markay Ciisuhu hubkii ka qaateen dawladii Somalia ayay dabadeed dhinaca kale ka soo jeesteen oo ay si buuxdana ugu biireen ururkii SNM''. Cabdalla
 
- Halkaa markay arrimuhu marayaan Ciisuhu waxay bilaabeen inay taakulayn siiyaan jabhaddii. Taakulayntaa oo kala ahayd wardoonka iyo raashinka. Maadaama dawladdu aanay ka shakisnayn Ciisaha waxa u fududaatay inay warar badan siiyaan ciidammadii SNM ee ku sugnaa qaybo ka tirsanaa dhulka Ciisaha iyo kuwii joogay dhinaca Itoobiya,taasi jabhaddii waxay u suura gelisay inay guulo waaweyn gaadho waayo horaa loo yidhi “War la helaa talo la helaa”.

Taas waxa marag u ah war uu qoray wargeyska Haatuf ee soo baxay 16kii Juun 2008dii. Warkaas oo ahaa warqad sir ah oo uu qoray  taliyihii NSSta ee gobolka W/Galbeed G/dhexe Axmad Aadan Cabdi kuna taariikhaysan 7 bishii 11aad 1985kii.
 
Warqaddu waxay u qornayd sidan. 
 
" EG. 28. 21’00/C.
KA:- NSS-KA G/W/GALBEED. "HARGEYSA"
KU:- NSS-KA DEGMADA. "HARGEYSA" (GACAN SAAR)
NSS/GWG/5/1-31/85 (.) TIXRAAC WARQADDA ABAANDUULAHA QAYBTA 26aad TIRSI LR/KAB/QB26/3/2/34/85 EE 7/11/85

(.) WAXAA LASOO SHEEGAY IN 3DA NIN OO HOOS KU QORAN DEGAANKOODUNA YAHAY DAMBAL OO HARGEYSA BADEECAD KA QAATA AY XOGTA CIIDAMADEENA U GUDBIYAAN XABASHIDA IYO DABADHILIFTA S.N.M-TA IYADOO UU SOO HAWL GALIYAY DABADHILIF EX G/LE CABDIRAXMAAN AW CALI GEELLE
(.)WAXAYNA KALA YIHIIN:-

1)-DHEGAWEYNE, REER CIISE(.)

2)-CARAB DHOOLAAL, CIISE REER GEEDDI. &

3)- MAXAMED CALI SUUFI, CIISE REER MUUSE

(.) WAX FAAHFAAHIN AH OO KALE LAGAMA HAYO
 
(.) SIDAAS DARTEED HALLAGA BAADI GOOBO MEELAHA AY YIMAADAAN SAFRAHA CIISUHU GACANTANA HALAGU DHIGO
(.) NALA SOO SOCODSIIYA HADBA WIXII ARRINTA IDIN KAGA SOO KORDHA (.) G/DHEXE AXMED AADAN CABDI.
(G/DHEXE AXMED AADAN CABDI)
TALIYAHA CIIDANKA NABAD SUGIDA G/W/GALBEED
28/12/85

Dagaalladaa SNM ku soo gashay gudaha gaar ahaan Hargeysa iyo Burco kadib dawladdu waxay gooni gooni ula shirtay qabaa’ilkii kale ee degganaa gobollada woqooyi,kuwaas oo ay ka codsatay inay keenaan dhallinyaro ciidammada garab siiya si ay ula dagaallamaan budhcadda hubaysan ee dalka soo weerartay(Waa siday hadalka u odhan jirtay markay sheegayso SNM) isla markaana hub fara badan bay ugu ballan qaaday.Siyaad Barre qudhiisa ayaa odayada qabaa’ilka toos ula kulmi jiray. Beelihii kale way oggolaadeen, si dhakhso ah ayaana hub,raashin iyo daayo loogu qaybiyey.Beesha Ciise way diidday inay dagaalka gasho iyadoo ka cudurdaaratay,dabadeed Ciisaha waxa loo aqoonsaday inay la safteen SNM.
 
Dabyaaqadii sannadkii 1988kii odayo ka socda beesha Ciise oo ay ka mid ahaayeen Cumar Cusmaan Yaabe, Max. Warsame Shiil, Cali Duule iyo Aadan Bile oo ahaa guddoomiyihii degmada Saylac ayaa Siyaad Barre Xamar loogu geeyey.Madaxweynuhu waxa uu odayada ka codsaday inay dagaalka dawladda ku garab galaan oo ay keenaan dhalliyaro ciidanka la qoro.Markan odayadu wax diidma ah kamay hor keenin dabadeed waxa madaxweynuhu amray in la siiyo Ciisaha hub,raashin iyo daayo.Waxa kale oo ay dawladdu hub badan siisay Captan Shide iyo ciidan uu wato oo ka tirsanaa xoogga dalka oo u dhashay qabiilka Ciisaha, Kor.Cabdillaahi Qayaad ayaa isna soo goostay kuna soo biiray halganka.
 
Markay hubkii qaateen dabadeed ayey Ciisuhu dhinaca kale ka soo jeesteen si buuxdana ugu biireen ururkii SNM.Waxa la aasaasay guutadii xeebta ka dagaal gashay ee loo bixiyey(Guutada Sheekh Muuse).Waa markaa waxay suura gashay in xeebta galbeed oo dhan SNM gacanta ku dhigto. Goobihii dagaallada waaweyni ka dhaceen ee ay guutada sheekh Muuse wacdaraha ka dhigtay waxa ka mid ahaa Lughaya,Bariisle,Carra-weyne,Farda-lagu xidh, Ceelgaal, Lawyacaddo  iyo goobo kale oo badan.
 
Saraakiishii iyo madaxdii dagaalladaa kaga dhintay Ciisaha  waxa ka mid ahaa.Aadan Bile(Guddoomiyihii Saylac ee xilligaa), Kornayl Cabdillaahi Isaaq, Asbatoore Maydhane Abraar, Ducaale Ciiltire,Nuur Shardi, Abraar (Saam).Guud ahaan weli lama tiro koobin saraakiishii iyo ciidamadii ka dhintay guutadii Sh.Muuse Saraakiishii iyo madaxdii kale ee guutada waxa ka mid ahaa,Kornayl Cabdillaahi Qayaad, Kabtan Shide Axmad(Ilkacase), Nuur shardi, Cabdi Aw-Muuse, Cabdillaahi Diiriye,Siciid Cinddi,Qumane Jibriil,  Ibraahim Muumin iyo qaar kale oo badan.
 
Muddadii dagaalladu socdeen waxa deegaanka Ciisaha ka qaxay dad ka badan soddon kun oo la dejiyey Hohol iyo Cali-cadde(Jabuuti.) Geel lagu qiyaasay kun halaadna waxa ka dhacay ciidammadii dawladdii Siyaad Barre.
 
Shirweynihii 6aad ee SNM oo ku beegnaa intii u dhaxaysay 31dii Mars iyo 28kii Abril 1990kii ee Balligubadle lagu qabtay laguna doortay Cabdiraxmaan Axmad Cali(Tuur), beesha Ciise si buuxda ayey uga qayb gashay iyada oo wafdi miisaan culus leh u diratay.
 
Haddaba taageeradaa beesha Ciise u fidisay SNM iyo kaalintii ay dagaallada ka qaateen waxa dhawr gabay oo uu u bixiyey abaal Ciise ka tiriyey isla markaana  ku taariikheeyey, gabayaagii caanka ahaa ee Soomaalida inteeda badan aadka u qaddarin jireen
 
Allaha u naxariistee Axmad Ismaaciil Diiriye oo ku magac dheeraa Qaasim.Tusaale aan u soo qaato tuducyo ka mida gabayadiisii,waxa uu yidhi,
 
Nasoo gaadhe Ciisow tixahaad, soo gudbinayseene
Geeraarradiinnii helnay iyo, gabayadiinniiye
Una guuxnay hawraarta guud, hiilna loo garaye
Maansadu godkii ay lahayd, maydun gees marine
Alla weydigarasiiyey oo waa, gob iyo caadkeede
Garna waad u leedihiin tolkiin, inad gargaartaane
Gacmihii walaalaha ahaa,waysku gunuddeene
Gurmashadu markay ku hab-samayd, waa gilgilateene
Annana geesinnimo noo tartiyo, garab-ku-taaglayne
Guddoonkii Ugaaskiyo raggii, gooyey waw mahade
Geeraarshihii tiriyey iyo, geesiyadi raacay
Guurtida Dalool iyo Abgaal,labada geesoodba
Iyagana abaal lama gadee waa, gunno u taalle
Gaban hadduu ka hadho reer Isaaq, waa guddoonsadaye
Guuxiinnu maandhow wuxuu geystey lala yaabye
 
**** Mar kale Qaasim waa kii lahaa;*******
 
Ciisuhu xilkii waa guteen laysma xaasido e
Xaggay naga xigeen nacabka, way ka xakameeyene
Xoog iyo adduun kalama hadhin, xarakadeenniiye
Xidhiidhkaa tolnimadaa leh iyo, xeerka Saadada e
Xigto nimaan lahay cadawgu waa, xubin wareemaaye
Xamdi mahad Isaaqoo dhan bay, xiise galiyeene
 
**** Mar dambena waa kii Qaasim lahaa;****
 
Miisaannay Ciisow tixahaad, madalka keenteene
Macaan baa Ilaahay ka dhigay,malabki Doocaane
Dhegtii maqashay oo idili way, mahad naqaysaaye
 Madmadoow ma gelin xaajadaa, soo mudh bixiseene
Mabsuud buu ka yahay reer Isaaq, meel u joogaba e
Waad mahadsantihiin dhalashadaad, muruq u yeesheene
Mirtan waxawgu faallootanteen, magaca nooleeye
Inay maalmo guurtidu fadhiday,maqallay geedkiiye
Mayal-weyntu dooddii halkay, marisay loo daaye
Waa mudan Ugaaskuye tashiga, midigta loo saarye
Ogoobay malkada uu fadhiyo, waa milgii sharafe
Maashee go’aankii ku raac, madaxdu keeneene
 Mid mid ugu dhawaaq hadal cad buu, mudanku sheegaaye
Majiiruhu sidii uu ahaa, laysu maqashiiye
Murti dhaxalgaliyo buu ku daray,weliba maahmaahe
Wuxu yidhi mataanaannu nahay, magaca reer Sheekhe
Midigta iyo bidixdaannu nahay, meel kuwada yaalle
Maryahaan xidhniyo waa wadnaha,dhiigga maaxsada e
Mabda’oodi noo soo badhige,magane Ciisuuye
Tol majiiran baa nala dhashoon,marin habaabayne
Macaan iyo qadhaadh waxa na hela, kama maqnaadaane
 
Gabayadaa Qaasim oo aan ka soo qaatay in kooban oo tusaale keliya aan uga jeeday, ciddi u baahata iyaga oo dhan waxaad ka heli kartaa degalka caanka ah ee lagu kaydiyo dhaqanka iyo sooyaalka( www.farshaxan.com)
 
W/Q. Cabdalla Xaaji Cusmaan                                            
(La soco……Qaybta 3aad iyo..)

No comments: