.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 5, 2011

Run Ka Sheeg TAARIKHDA! By Xooghayaha Guud Ee Xisbiga UDUB. Jaamac Yaasin


Taarikhdu waa silsilad isqorta oo aan dib loo duubi karin. Xumaan iyo samaan labadaba waa laga helaa. Ciddii isku dayda in ay been ka sheegaan, waxay ku noqotaa mindi afweyn oo kala jarta. Ma jirto cid Jamhuuriyadda Somaliland ku haysata in ay ahayd maxmiyad boqortooyada ingiriska ka xorowday 26kii-june 1960. Waa marag madoon in shacbigeeda geesiga ihina kaalinta koowad ka galay tartankii dhaqdhaqaaqyada gobonimo-doon ee ka socday Afrikada Bari.

Jamhuuriyaddii dhalatay, si aan ka fiirsi lahayn ayay ula midowday dalkii la odhan jiray Somalia Italiana 1dii-july 1960, iyada oo doonaysay in israacaasi gundhig looga dhigo bulsha- weynta afka somaliga ku hadasha oo hal calan oo keliya hoostii laysugu keeno.

Afar arrimood oo layaab leh ayaa iska daba dhacay, kuwaas oo mujinaaya in hogaankii siyaasadeed ee waqtigaas talada dalka gacanta ku hayey- SNL/USP- caadifad iyo waayo-arag la’aani ka habaabisay jidkii haboona, taasi oo keentay rafaad daba dheer, oo aan ilaa maanta dhamaanin.

Waxaan lagu soo uruurin kara qaladaadka dhacay afarta su’aaladood ee u dhigan sidan:

1/ Maxaa u diiday Somaliland-tii xorowday in ay dhisato xukuumad dhan oo ku meel gadh ah, ka hor intaanay la midoobin Somalia Italiana?

2/ Maxay u dalacsiin wayday saraakiisheedii militari iyo bolisba, sida ka dhacda aduunka kale iyo Xamarba?

3/ Maxa isku darka looga dhigay 01/07/1960, taarikhdaas oo ahayd midddii xoriyadda Somalia Italiana u qoondaysnayd?

4/ Madama laba wadan midoobayeen, sideeba loo garab maray hab awood qaybsi oo xaq ahaa, siiba markay 36 dawladood oo ay ku jiraan 5-ta xubnood ee golaha ammaanku ina ictiraafeen?

Waxa mindidii daabkeedii gacanta loo geeliyey reer koonfureed, kuwaas oo si quudhsi badani ku jiro noqday< < qaybiyeyaashii qaatay>>. Marka laga tago caasimadddii dalka oo laga dhigay Xamar, 7dii mansab ee ugu muhimsana ayay isasaarteen:

1/ Madaxweynaha

2/ Ra’Isalwasaaraha

3/ Wasiirka Dibadda

4/ Wasiirka Gudaha

5/ Wasiirka Maaliyadda

6/ Taliyaha Ciidanka Qaranka

7/ Taliyaha Ciidanka Boliiska

Waxay ahayd< < Cadka jeeniga saaran, awlalkaan uga qaaday, waa qasaaare hagoogano ninna loo qarin maaye ama qaad ama dhig>>. Shacbigii reer Somaliland dareenkoodii, waxay ku cabireen: diidmo aftiyeed, gabay, hees, concerto iyo iskuday inqilaab militari.

Waxay noqotay beray hagaagiye u samir ilaa la gaadhay 1967, oo Madaxweyne Dr. Cabdirashiid Cali Sharmarke u magacaabay Md Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Ra’Isalwasaare soo dhisa xukuumad cusub oo qaran. Waxay ahayd talaabo geesinimo oo loo qaaday dhankii dib u saxidda iyo isku dheeli-tirka.

Middaasi luqmo-taxajar bay ku noqday siyaasiintii reer koonfuree,intoodi badnayd, sida Md Cabdirazaq X.
Husseen. Waata keentay 1969 in lagu dhiirado dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke, inqilaabna lagu sameeyo xukuumaddii sharciga ahayd ee Moxamed X. Ibrahim Cigaal..

Halkaas waxa lagu duugay bidhaantii rajo ee lagaqabay in cadaalad loo noqdo, markii weliba lasii galay mabaadi murugsan oo isigu jirta shuuciyad qabyaaladaysan iyo car juuqdhe.
Cadaadis gaar ah oo taabanaaya xuquuqihii aasaasiga ahaa ee shacbiga Somaliland, ayaa keenay in la go’aansado in qori caaradii layskaga xoreeyo Hororkii Garba-Haaray iyo taliskiisii umulo doox. Toban sanno ka bacdi, Uruurkii Geesiyaashii SNM ee ay hoogaaminayeen Gudoomiyeyaal MM. Cabdiraxmaan Axmed Cali & Xassan Ciise Jaamac ayaa gacanta ku dhigay Somaliland oo dhan.

Iyaga oo adeegsanaaya siyaasad qaran, kuna salaysan nabad iyo cadaalad, waxay ummadda Somaliland go’aansatay in:

1/ lala soo noqdo qaranimadii luntay 1dii july 1960

2/ calan gaar ah oo tawxiidka islaamku ku taalana la samaysto

3/ Baarlamaan iyo xukuumad talo- wadaag lehna la dhisto

4/ Walaalnimo iyo saaxiibnimona lagula noolaado wadamada jaarka iyo caalamka intiisa kaleba. Maanta,waxaan odhan karna meel loo bogo ayey Somaliland maraysaa. Isku kalsoonida iyo dadaalka midaysan oo Raxmaanka lala kaashado ayaa lagu gaadhayaa aqoonsiga buuxa ee caalamka xorta ah. Dad xaasidnimo indhaha iyo qalbigaba tireen ayaa weli ku hadaaqaaya soomaliweyn isnuugtay.

Fikrada soomaliweyn waxa lahaa UK, oo doonaysay in mustacmarad keligeed hoos timaada laysugu keeno dadyawga afsoomaliga ku hadla ee Geeska Afrika. Siyaasaddaas waxa afgaran weyday SYL, xisbigaas oo mashruuci ka hor yimi, kana doorbiday in maamul wadaagoo ah lagu gaadhsiyo xoriyadooda. Boqortooyada Ingiriska oo markaas sidatay libintii dagaalkii labaad ee aduunka, koonfurna ka saartay Italia, ayaa qaadan weyday mawqifka SYL.

Waxay taasi keentay in UK oo cadhaysan iyo ITALIA isu kaashadaan mooshinka la magac baxay << Ernest BEVIN/Carlo SFORZA Project >>- labadii Wasiir ee Arrimaha debeda-.oo hirgeliyey aqlabiyaad QM isku raacday 1949, in 10 sannadood maamulka koonfureed loo dhibo Italia, halkaas oo lagaga adkaaday mooshinkii wadamada hanti-wadaaga ah ee SYL tabacsanayd.

Aragti gaabnaantii SYL ee waqtigaasi, fursad qaali ah ayuu lumisay, waxaanu ku abuuray UK in ay Ethiopa ku wareejiso Hawd iyo Reserved Area -1949/1954. Jariimaddaas waxa galay reer koonfureedka maanta iska dhigaaya inay Soomaalinimada inaga jecelyihiin. Waa << hohey, markay haboonayd, waatan u hubsan waayey>>. Hadaba maanta,calaacal waxa uu haysta reer Somalia Italiana oo talo seeg noqday, wax tanaasul ahna isu yeelan waayey, kalana adkaan waayey. Dhib kasta oo ay inoo gaysteen, inagu waynu u ducaynaynaa. Waliba wax la qabasho dhab ah ayaynu diyaar ula nahay, hadday inaga daayaan dabandaabyada iyo naqidaada joogtada ah ee ay inagu hayaan 20ka sannadood, waayo Somaliland waa ummad masiirkeedii kama dambaynta ahayd gaadhay, diyaarna aan u ahayn in ay dab iyo xasuuq dambe gasho, haba yaraatee.

U malayn maayo in ilmada jaxaaska ee ka da’aysa reer<< Somalia Italiana>> ay wax ka badali karto dareenka dhabta ah ee reer Somaliland, oo jawaabtoodu tahay: MAR IDAGE ALLAY DAGAY, MAR LABAAD LA IMA DAGO. Waxaanu aminsanahay in xaqu marwalba ka guulaysto baadilka, ee taarikhda been ayaan laga sheegin.

Wa Bilaahi Tawfiiq

W/Q Md Jaamac Yasiin Faarax
(Xoghayaha guud ee xisbiga Udub
Lyon/France )

Xigasho: TVSLE.

No comments: