.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, August 27, 2011

Dr Maxamad-rashiid Sheekh Xasan: Somaliland way soo dhawaynaysaa kacdoomada ka socda dalalka Carabat.


Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu ku xidhan yahay hadba sida ay Somaliland ugu dhaqanto dimuqoraadiyadda iyo sidii ay iskaga ilaalin lahayd in ay noqoto dawlad musuqa ku dhaqanta. Waxana uu Wasiirul Dawlaha Wasaarada Arimaha Dibadu uu intaasi ku sii daray in ay somaliland soo booqdaan isla markaana soo indha indheeyaan wufuud aad u tiro badan kuwaasi oo eegaya sida ay u shaqaynayso dawladnimaddu, isaga oo intaasi sii raaciyay in ay hadda uun la taagan yahay Wakhtigii Somaliland la Aqoonsan lahaa.

Sida waxa uu ku sheegay mar Maanta u Waramayay Qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka isga oo faahfaahin ka bixiyay Guulihii ay gaadheen mudadii ay xilka hayeen.

Dr Maxamed Rashiid oo Wariyayaashu Waydiyeen Su’aal ahayd Maxaa Hortaagan Aqoonsiga Somaliland, ayaa ku Jawaabay ’Fursado badan ayaa horta hore loolumiyay tusaale hadaan ku soo qaado anigu waxaan ka mid ahaa 1992 dawladii C/raxmaan Tuur waxaa jirtay Safar aanu ku tagnay Maraykanka waxaanu la kulanay ninkii xiligaasi maraykanka u qaabisanaa Arimaha Afrika markii aanu ninka la kulanay waxa uu diyaar u ahaa sidii Somaliland wax badan looga taageeri lahaa oo u kaw ka ahaa aqoonsiga dalka.

Balse nasiib darro waxaa dhacay dagaal sokeeye taasi oo keentay in maraykankii inoo arko dad aan aqoonsan karin, markii danbena ee Cigaal dawladda salka u taagay waxa jirtay in u Madaxweyne Cigaal dadaal badan ugu jiray in Somaliland u wax ka dhigo laakiin geerida ayaa ka soo hur martay arintaasi waxa iyana jirtay xiligii Daahir Raale in Fursado badan ay dawladaasi lumisay oo diyaar loola ahaa aqoosiga balse way ka faa’iidaysan kari waayeen”.

Wasiiral Dawlaha Waxa kale Oo La Weydiiyay sida Somaliland u aragto Kacdoonka iyo sidii Xidhiidh ula yeelan lahayd Kooxa Kacdoonka Waxa u yidhi’ “Dawladda Somaliland si cad ayay u Taageersan tahay Kacdoonka ka Socda Wadamada Carabta, waayo inaga Labaatan Sanno ka hor ayaynu samynay kacdoonka markaa Somaliland si cad ayay u taageersan tahay.

Somaliland waxay ka doonaysaa Dawladdaha ka Dhasha Kacdoonka in ay Taarikhda ku darsadaan kacdoon keeni labaatan sanno ka hor aynu samaynay marka ilaa hada waanu ku jirnaa Diraasad dhawaana waxaanu ka soo saari doona War murtiyeen Rasmi ah .

Dhanka kale waxa uu Dr Maxamed Rashiid u soo dhaweeyay Nidaanka Ururada Badan waxana uu yidhi “fursad wanaagsan u tahay hirgalinta Dimuqoraadiyadda Somaliland taasi oo hore Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo) u balan qaaday in ay ka go’an tahay hirgalinta nidaamka dimuqoraadiyadda waxana loo baahan yahay in ay noqdaan urura La furayaa qaar ay dimuqoraadiyaddu aasaas u tahay oo dabar jara Qabiilka waayo qabiilku waa wax xun oo aan meel in gaadhsiin kari sidaasi ayaan kula talin lahaa siyaasiyiinta Doonaya in ay Ururo furtaan markaa waa muhiim in la kala ilaaliyo fikradda Qabiilka iyo Tan Dimuqoraadiyadda ah marka la doonayo in la dhiso wadan casri ah”.

Ugu danbayntii Waxa u sheegay in Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland ay guul wax ku ool ah u soo hoysay Reer Somaliland mudadii yarayd ee sannadka ahayd ee ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo isaga oo ka hadalayna waxa ka mid ahaa hadaladiisii “wasaaradda arimaha Dibadu waxa ay hadh iyo Habeen dadaal ugu jirtaa sidii ay Somaliland ugu soo jeedin lahayd indhaha Beesha Caalamka taasi oo idinku aad u markhaati kacaysaan.

Waayo waxaad u jeedeen in mar kaliya 15 safiir dalka ay yimaadeen iyo Wasiiro badan oo ka kala socda wadamo badan, taasi waxay ku timid dadaalka Wasaaradda Arimaha Dibedda Somaliland, sida ay wax badan uga dhaadhicisay bulshada Caalamka oo markii hore wax badan ay ka qarsoonayeen iyo waliba safarada faraha badan ee sida heer caalami ah ee loogu soo dhaweeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud(Siilanyo).

Xigasho: Ilo-wareedyada Somaliland

No comments: