.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, August 28, 2011

Somaliland oo (600,000 $ USD) lix Boqol oo kun oo Dollar u ururisay Dadka Ku macaluulaya dalka jaarka ah ee Soomaaliya

 Deeq -Bixiye nr 1.

Hargaysa. Guddida gargaarka iyo gurmadka dadka tabaalaysan ee  dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya  ee ay xukuumada Somaliland u magacawday inay gargaar u ururiyaan ayaa sheegay, in shacbiga Somaliland ay ilaa iyo hada u soo ururiyeen walaalahooda ku tabaalaysan Soomaaliya, lacag dhan $600, 000 dollar. Sidaasi waxaa sheegay guddoomiyaha guddidaasi oo ah wasiirka gaashaandhiga ee Somaliland mudane, Axmed X.Cali Caddami oo maanta ka hadlayay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa. Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Md Axmed X. Cali Caddami oo ah Gudoomiyaha guddida gurmadka iyo gargaarka ee dadka tabaalaysan ee Soomaaliya ayaa sheegay in shacbiga Somaliland ay si mugleh uga qeyb qaateen kaalmaynta dadkaasi tabaalaysan isaga oo si wayn ugu mahad naqay dadkii gacanta ka gaystay taakulaynta iyo gurmadka dadkaasi tabaalaysan ee Soomaaliya ee ay abaaraha iyo macaluushu saameeyeen.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumada Somaliland xil wayn iska saatay bishan barkaysan ee Ramadaan fadligeeda in ay ka qayb qaadato una gurmato dadkaasi baahan ee aynu jaarka nahay. Waxaa kale oo uu sheegay mudane Caddami in ay haatan soo gaadheen lacag qadarkeedu gaadhayo $600,000 dollar in badan taasi ahna oo ay ugu talo galeen in ay gaadhsiiyaan dadkaasi abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wejiga ugu horeeya ee qadarka lacagta soo gaadhay ay ka dhigi doonaan qaybta koowaad  ee taakulaynta gurmadka abaaraha ee dalkaasi Soomaaliya, isla markaana la gaadhsiindoono maalmaha soo socda ee lagu jiro Ciidul Fidriga isaga oo xusay in ay gaadhsiin doonaan deeq intaasi ka badan dadka abaaraha iyo macaluushu saameeyeen ee Soomaaliya .

Afhayeenka Guddida gurmadka dadka tabaalaysan ee koonfurta Soomaaliya oo ah wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guud ahaanba shacbiga Somaliland ugu baaqay in ay u gargaaraan dadka abaaruhu saameeyeen ee koonfurta Soomaaliya isaga oo sheegay in naxariista illaahay ku jirto marka adoomuhu isku naxariistaan, waxaanu si aad ah ugu mahad naqay guur ahaanba dadkii ka qayb galay gurmadkaasi abaaraha dadka tabaalaysan ee Soomaaliya gargaarka loogu ururinayo.

Sheikh Maxamed Cali Gadhle iyo Sheekh Maxamed Cali Geedi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadwaynaha reer Somaliland ay si balaadhan uga qayb qaateen gurmadka dadka abaaraha iyo macaluushu haleeshay ee Soomaaliya isla markaana ay u mahad naqayaan cid kasta oo gacan ka gaysatay.

Xigasho: S/l-org.

No comments: