.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, September 10, 2011

Haddii Siilaanyo Qabiili Yahay Cabdiraxmaanoow Xilalkan Tirada Badan beeshaada Muu Siiyeen!


Aniga oo aan uga jeedin qof ka daba hadal ama ku xumee waxaan jeclaystay inaan wax yar ka idhaahdo, hadalo dhinaca saxaafada uu soo mariyay siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan cabdilqaadir Faarax, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye. Hadaladaa kuwa ugu waaweyn ama aan jeclaystay inaan wax ka idhaahdo anigoo cidna aan ka wakiil ahayn balse mihnadaydu I tusayso khaladaadka ku jira iyo, sida nin siyaasiya oo aqoonyahana aanay ugu fiicnayn inuu qoys hoos ugu noqdo, waxaan wax ka odhanayaa hadalada ku jiray sida Madaxweynuhu waa qabyaaladayste! ta uu Mudanuhu kaga hadlay iyo,  sida beeshiisa aanu Madaxweye mudane Axmed siilaanyo waxba ugu ogolayn. Mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaadir waa nin muxtarim ah oo weliba  siyaasi ah, isla markaana mudo badan la soo rafiiqay madaxweynaha, Mararka qaarna ay keli isku ahaayeen oo aan cidi u dhaxayn jirin.

Waa run halgan badan ayuu la soo galay madaxweynaha, wuu u dhintay geeri ayuu qarka u gaadhay wuu mudan yahay in la xanaaneeyo iyo in la maamuusaba, balse marar ayaa qof aad wax ka filayso aad ka waaayi kartaa, bini’aadan baynuhu nahay qof wada dhamaystirani ma jiro dad badan oo madaxweynaha la soo halgamay xiligii xisbiga iyo xiligii SNM-ba ayaa manta banaanka ka jooga maamulkiisa.

Ceeb maaha mana wada helayno inuu dhamaanteen xilal inoo dhiibo maahana in lagu ceebsado ama lagu cambaareeyo madaxweynaha, oo waa oday dalkan iyo dadkanba abaal ku leh sanad iyo bilo ayuu madaxweyne ahaa mucaaridad badan ayaa markiiba lagu furay, balse waa nin ka dabaalan kara wax kasta haloo samro. Abti Cabdiraxmaanoow waxa fiicnayd inaad gogol u dhigato madaxweynaha tabasho way dhici kartaa balse meeqaamkii aad joogtay hoos baad uga soo dhacday, aniga xagayga tixgelin baan kuu hayaa balse arrimaha qaarkood waa {XINJIRO FAJAAS} waa meel ka dhac LIBEL {GEF} markaa waxa kuu haboonayd inaanay ku qaadin caadifada iyo waxaad filaysay han waad leedahay balse haddii wakhtigii aad wax filaysay aad wayday, lafta iyo jiidhkaba hays raacin hana noqon Dagaal ooge iyo tolaay waa layna qadiyay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyana muddo badan baanu soo wada rafiiqnay isku hoy ahayn, maaha nin Qabiil ku shaqeeya ilaa xiligii dawladihii Soomaaliya ilaa SNM ilaa maanta wuu ka fogaadaa beesha uu ka soo jeedo, adigaana iiga markhaatiya in Beeluhu Isugu mid yihiin waana siyaasi rug cadaaya oo jecel inuu magacc iyo maamuus ummaddiisa uga tago caddaaladna ku hogaamiyo,

Way jiraan dad badan oo sidaadaa dedaal iyo wakhti badan geliyay sidii mujaahidku hogaanka dalka u qaban lahaa oo xiliyadii adkaa ee xisbiga kulmiye iyo xiligii SNM-ba la soo kifaaxay, wixii ay filayeena aan ka helin madaxweynaha balse ku qancay hadafkoodii iyo mabda’ii ay madaxweynaha ku taageersanaayeen ee isbedelka, dhamaanteena xil laynooma wada dhiibi karo,haddii maanta aan laguu dhiibin beriba jaaniska waad heli,maalina adigaa leh maalina khayrkaa ayaa leh dedaal badan waad gelisay iyo wakhti badan sidii mujaahidku kursiga u fuuli lahaa balse shuruudo ma jirin lagu canaanto ama wax buu ii dhiibi waayay taasi rijaalnimo maaha.

Ta kale waa maan gaabnimo nin aqoonyhani inuu jifi { Reerkiisa Hoose} ku noqdo hana kala jeclaysan laba nin oo aad ilmaadeer tihiin, inad midna u doodo midna duudsido Shalay Maxamed Yaasiin ayaa Cabdi aw daahir lagu Bedelay, maanta Gaboose oo is casilay Maxamed Nuur Carraale {Duur} ayaa lagu bedelay Xilku waa Meerto meel kalena kursigii ma tegin.

Arrimaha Shaqaalaha la eryo waa haday jirto cidna loogu dulqaadan maayo waa arin aan laga filayn Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo,Tusaale kooban anigu waxaan ka mid ahaa Masuuliyiin Xilalkii iyo shaqooyinkii ay hayeen looga eryey fikirkii ay aaminsanaayeen xisbigii ay taageersanaayeen iyo weliba iyadoo madaxweynaha beeshiisa oo xiliga mucaarid ahayd laga urinayey, bal xusuuso hablihii inta la eryey xukuumadii rayaalle weliba aflgaadada loogu daray,marwooyinkii laga hor istaagay shaqooyinkooda tirada la eryey ee beesha madaxweynuhu waxay maraysay xiligaa 350 shaqaale iyo madax isugu jirtay, cid ka hadashayna ma jirin balse maanta intii hore oo kale dhacdo raali kama nihin waana khalad xukuumadana laga yeeli maayo adiguna ha ka dhiganin inaad ku dagaal gasho arrimahaas oo kale.

Bal yara milicsada shaxda xilalka beesha mudanaha uu Madaxweyne Axmed Siilanyo u Magacaabay.

A. Wasiiradda

1.Wasiirka Arrimaha gudaha
2.Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3.Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda
4.Wasiirka Caafimaadka
5.Wasiir ku xigeenka Maaliyada
6.Wasiirka Ku Xigeenka Caafimaadka

B. Agaasimayaasha & Maareeyayaasha.

7.Agaasimaha Guud ee Caddaalada
8.Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare
9.Agaasimaha Guud ee Xannaanada Xoolaha
10.Agaasimaha Guud ee Duulista Hawada
11.Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud
12.Maareeyaha Hay’adda Korontada
13.Maareeyaha Hay’adda ICT
14.Maareeye ku xigeenka Madbacada Qaranka
15.Maareeye ku xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeisa

C. Madaxtooyada

16.La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
17.La taliyaha Madaxweynaha arrimaha Doorashada
18.La taliyaha Madaxweynaha Saxaafada
19.Afhayeenka Madaxtooyada
20.Agaasimaha Xafiiska Siyaasada & Xidhiidhka Golayaasha ee Madaxtooyada { wuxuu la mid yahay Wasiirkii xidhiidhka Golayaasha Qaranka}

D. Saraakiisha Ciidamada ee Sare

21.Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland
22.Taliyha Aagga Bari ee ciidanka Qaranka
23.Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka
24.Taliyaha Ciidanka Burmadka
25.Taliyaha Ciidanka SPU { Ciidan si gaara u Tababaran oo Hay’addaha u gaara}
26.Taliyaha Laanta Socdaalka {Immigration Officer}
27.Hogaanka Wacyigelinta Booliiska
28.Hogaanka Maamulka iyo Lacagta Booliiska Somaliland
29.Hogaanka Gaadiidka iyo Farsamada Ciidanka Qaranka
30.Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Caasimada

E. Hay’addaha Madaxa bannaan

31.Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland
32.Hantidhawraha Qaranka
33.Gudoomiyaha Maxkamada sare {Dhawaan ayaa xilka laga wareejiyay}

F. Badhasaabada Gobolada.

34.Badhasaabka Gobolka Sanaag
35.Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer
36.Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Saaxil
37.Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodijeex
38.Badhasaabka Gobolka Daad madheedh Oodweyne
39.Badhasaab ku xigeenka gobolka Hawd

F. Safiirada & Wakiilada Debadda.

40.Safiirka Somaliland U Fadhiya Ethoipia,Addis Ababa
41.Safiirka Somaliland u Fadhiya Kenya,Nairobi
42.Safiirka Somaliland u Fadhiya Bakistan,Islamabad
43.Safiirka Somaliland u Fadhiya Germany,Boon
44.Wakiilka Cusub Rasal Khayma Imaaraadka Carabta

G. Xubnaha loa Soo doortay Madaxweynuhu Kalsoonida buuxda ee wada shaqayneed siiyay.

45.Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda
46.Duqa Caasimada Hargeisa
47.Duqa Magaalada Ceerigaabo
48.Duqa Magaalada Burco
49.Duqa Oodweyne
50.Ku xigeenka Duqa Ceel Afweyn.

Dhammaan Xilalkaa iyo kuwa aan ka tegeyba waa kuwa mudane Cabdiraxmaanoow Guud ahaan beesha aad ka soo jeedaa ay ku leedahay Dawlada maanta ka jirta Somaliland ee Madaxweynaha ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo halkaasayna ku cadahay inuu hagraday iyo inuu u Sed Buriyay.

Allaa Mahadleh

Qallinkii Axmed Cabdiraxman Xirsi {Heello}
(Freelance Journalism)

Posted by Hoodo Abdi

No comments: