.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 18, 2011

''Mo Farah'' Waa Xasiid Ay Xasiidi dhashoon waligii Jimidhayn-e! ''Soo dhaweeya bilad-Dahab leh''.


Bilad-Dahableh: Waa Amad aan Warqash iyo Asalo ahayn-e ay shinidiisu ka soo jeedo Dalag waane iyo hal-horaad ahaa oo ku biqlay, baaqbaaqmay kuna bislaaday Gale caro-madaw ah oo ku yaal dhumucdii qodaalka iyo dhuuxii Qadawga iyo Wadada-godka! Waa wiil ku anqartay inta gows-qabadleh inta ugu mudan oo ah, Xasiid iyo Garaw! Waa Wiil lud iyo lafba jidhkiisa ay kusoo duxayso labeentii Dhayda iyo Sixinkii uu dhalaan-nimo ka hirqaday gorofkii Sacii Dhiin-bay, ee Cosobka iyo tigaada qaaliyada Madarka, banka Wajaale, Wadada-Godka, Geed-Balaadh, Kalabaydh, Boodhlay iyo Mitirkaba barqin iyo mayraca dharabka iyo sayaxa ku goosanayay! Dhijaanta iyo Balaygana ladaabta Xareeda ka durduuranayay! Waa Wiil Fandhaal burcad ah nasintiisa (madaxa) judha-waaga aroor kasta loogu galaalay!

Waa Wiil raadqaadnimo Sogsogta duleedka iyo bawdka sagarada bootinta iyo is qabadkaba filkiisa kula looli jiray. Waa wiil kuraynimadii, aaranka iyo qaanka Lo'da durdurada caraabaha baratan ku xugan jiray! Waa wiil qaangaadhnimadii Boyga, qoodiga iyo Mooska qindhiga meerarka ku-gabalin jiray!
 
Waa wiil cawayska iyo fiidkana xantada, cadatuuradka iyo dhuumaalaysiga migilka ku sugi jiray! Waa wiil intaa iyo inteeda kale ee laabanba lahaa, Sidaas darteed, Xidig iftiin dheer leh inuu noqdaa waa wax laga sugayay!

Intaas dabadeed waxan leeyahay, Ha lagu soo dhaweeyo Halkii iyo dalkeenii hooyo ee ay Xuduntiisu ku aasnayd (Somaliland), kalgacal han iyo hiraal sare leh oo ma ilowdo ah, Halyayga caanka ah ee reer Somaliland, mudane Maxamad Faarax, oo sida la sheegayo dhawaan Somaliland iman doona.

Cali Cumar Xasan.

No comments: