.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, September 2, 2011

Maxamad Baashe Xasan-oow Sheekh Aadan Siiro cayda ka daa!.


Waxay igu noqotay naxdin iyo filanwaa inan website-yada aadka uga soo horjeeda Jiritaanka Somaliland mid ka mid ah oo magaciisa la yidhaa wardeernews.com ku arko, laba nin oo aan is lahaa waa wax garadka reer Somaliland oo uu mid kastaaba qoraal ku soo bandhigay website-kaasi ka hadlaya abaaraha ka jira Soomaaliya. Xaq ayay u leeyihiin inay ka faaloodaan abaaraha e, yaa-se u diiday inay website-yada reer Somaliland ku soo qoraan? Waxase taa ka daran oo qaadan waa igu noqotay, in labada nin mid ka mid ahi waa mudane Maxamad Baashe Xaaji Xasan-e uu si aad u froolxun oo laf-jab ah ugu caayay uguna canbaareeyay sheekha wadaniga ah ee reer Somaliland, waa Sheekh Aadan Siiro-e.

Maxamad Baashe Xaaji Xasan waxa uu Sheekh kula dagaalamayaa oo ku ceebaynayaa, Qudabad sheekh Aadan Siiro uu maalintii Ciida Soon akhriyay, oo uu yidhi dadka reer Somaliland ayaa u baahan in kaalmo loo ururiyo inta Koonfur loo xusul duubayo.
  
Waa kan qoraalkii uu Maxamad Baashe Xaaji Xasan, ku weeraray Sheekh Aadan Siiro, ee bal reer Somalilandoow dhuuxa, '' Baroortu Orgiga ka wayne''

Maxamad Baashe Xaaji Xasan : Ma Carruurta Muqdisho Ha Iska Le’ataa?!

Dawladda iyo shacbigaba waxa uu ku halgaad-tuurayaa warmo jiidanaya eebooyin wada sun iyo waabay miidhan ah. Sheekh Aadan Siiro, isaga oo kula hadlaya boqollaal qof magaalada Hargeysa fagaaraha ku yaalla ee Xawaadle maalintii Iiddii Fitriga, ayaa waxa uu weedho cadho iyo canbaari hor socdaan ku weeraray dadka ku hawllan Somaliland gudaheeda in looga gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay tabaaleeyeen labadii is-raacooda laga ducaysan jirey: Col iyo Abaaro; naafeeyey meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Hawlahaas beni-aadannimo oo caalamka oo dhan looga oogsaday, lagana jiifi waayey uur-ku-taallooyinkooda, ayaa gaar ahaan waxa uu wadaadku ku cambaareeyey xukuumadda talada haysa ee Axmed Siilaanyo, isaga oo ku tilmaamaya in tallaabadaasi ka mid tahay doc-faruur badan oo beryahan lagu wadey buu yidhi “qaddiyaddii gooni isutaagga Somaliland”!

Hadalladii wadaadka waxa kale oo ka mid ahaa : “Meel u jirta madaxtooyada Somaliland 300m (oo ah buu yidhi Cusbitaalka Waallida ee Hargeysa), injir baa dadka ka dareeraysa oo waxba looma qabto, Soomaali kumannaan KM meel Hargeysa u jirta ku gaajoonaysana caawimaa loo dirayaa”!

Waa xaqiiqo aan ku raacsanahay Sheekh Aadan Siiro in saboolnimo baahsan iyo macaluuliba ka jiraan Somaliland gudaheeda iyo gaar ahaan caasimadda Hargeysa obocdeeda iyo madaxtooyada agagaarkeedaba. Waa sax in xukuumadda jirtaa ay arrintaas la tacaasho, waxna ka qabato. Hase yeeshee waxa aan wadaadka si togan ugaga soo horjeedaa is-barbardhiggiisa taban ee labada xaaladood (Saboolnimada Hargeysa iyo le’ashada carruurta Soomaaliyeed ee Muqdisho, Jawhar, Jamaame, Jilib, Bakool ama Baydhabo iyo intii la halmaasha iyo deedafayntiisa nac weynidu ka buuxdo ee uu kaga horjeedo hawlaha Hargeysi ugu gurmanayso ka qayb qaadashada ugu yaraan in la badbaadiyo in ka mid ah dadkaas abaaraha iyo colaaduhu isu gees iyo gafuureen ee ay galaafanayaan.

Soomaalidaa ku maahmaahda “ Haddii ay fooli timaaddo, gudo qarsi hadh-dhan”. Dhiillada iyo qaylo-dhaantu ma aha saboolnimo iyo daruufo dhaqaale xumo ee waa le’asho iyo u dhimasho macaluuleed. Waa dabar go’ ummadeed! Maalin kasta waxa qabriga loo sii walwaalaa boqollaal carruur u badan oo Soomaali ah. Saacad kasta waxaa gaajo, nafaqo la’aan, harraad iyo cudurro ka dhashay xaaladahaas u qudh baxa tobannaan qof oo maati iyo dhallaan u badan. Tani ma'aha tii hadal lagu dawayn jirey. Waa tii wixii la helaba loo fidin lahaa. Loo xaraashi lahaa dahabka ooryaha iwm.

Muxuu ka hadlayaa Sheekh Aadan Siiro; weliba maalin Iideed oo bishii Ramadaan waajibaadkeedii la soo gutey oo uu inagu afurinayaa, misna weliba xaqal-ciid inooga dhigayaa?! Damiirka nooli se sidee buu odhaahda Aadan Siiro ula noolaan karayaa; uga aamusnaan karayaa?! “Yaan dadkaas loo gurman oo wax la tarin buu wadaadku” inna leeyahay!

Dunida guudkeeda qof kasta oo saaran bay waajib ku tahay in loo gurmadaa ciddii masiibadan oo kale ay haleesho. Waa waajib dadnimo in lagu guntadaa badbaadintooda. Marka aad Muslim tahayna waajibaad kalaa kugu soo kordhaya, waanay ka sii xag jirtaa marka qofkaaas samata-bixinta u baahini Muslim kale yahay. Maxaynu se nidhaahnaa marka uu Soomaali sii noqdo!!! No Comment!!

Sheekh Aadan Siiro isaga oo af-diineed ku hadlaya, sheekhnimona u manno sheeganaya waxa uu baal ka dhaafay mabaadi'daas iyo qawaaniintaas guud-marka ah ee Dadnimo, Muslinnimo iyo Soomaalinnimo. Waxa uu u iishay u dabranaanta muhmalka dareenno siyaasadeed iyo is-diiddooyin cadaawadeed.

Haddii ay Soomaaliyi collowdey oo waalaaltinnimadoodii wiiqantay, haddii ay qurub-qurub u kala daadatay iyo haddii ay magacyo kala sheegatayba, waxa hubaal ah oo aan si fog u aaminsanahay in magaca Soomaaliyeed uu weli ka dhexeeyo, weligiina ka dhaxayn doono, mid ka dooda iyo mid ku dooda labadaba. Biri ma goyso; biyona kaama maydhaan!

Damaqu waa sokeeyennimadaas magacu saaran yahay. Malahayga dad Sheekh Aadan Siiro ka mid yahay, waxa ay damaqaas ka eeg eegi doonaan nabarradii iyo haarihii 1988 ee Hargeysa iyo Burco; ayaamihii dagaallada sokeeye iyo maato-dooxii kelitalisnimadu ka dambaysay! Hase yeeshee waa hubaal marag leh in damaqu maalintaasna jirey oo Muqdisho yaalley. Maxaa se maanta isku xidhaya murugooyinkii dhawr iyo labaatan sannadood dad qarad gaar ah lihi ka dambeeyeen iyo sebiga yar ee aan taaba waxba ka ogayn ee macaluusha u dhimanaya badbaadintiisa iyo u gurmashadiisa! Maan gaajaysan iyo garasho meel la’ uun dheh!

Sidaas darteed, shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodu, waxa ay hore u qaadeen tallaabo mudan, xaq se loogu lahaa, ku dhiirrashadeeduna habboonayd, loona baahan yahay in aan waxba loola kala hadhan wixii karaan ah; hiil iyo hooba; ee dadkaas le’anaya lagu badbaadinayo!

Sheekh Aadan Siiro iyo inta kale ee dareenkaas caabuqsan ee buka la qabi kartana; waxa aan leeyahay; toodu ma aha maangal ee waa caaddifad iyo xag-jirnimo siyaasadeed oo halis ah. Tan oo kale iyadaa maryaha iska dhigaysa oo nuxur ahaan is- qaawinaysa. Berrito waxa ay u kala hiilinaysaa Burco iyo Hargeysa ama Berbera iyo Boorama. Saaddambena waxa ay kala qoqobaysaa oo ay dayr naxli ah dhex dhigaysaa labada daamood ee magaalada Hargeysa (Dumbuluq iyo Laba Nuux)!!! Waa hungo oo lama dugsado.

" ...Nin kastoo ganbadu saaran tahay; dunida guudkeeda *
Gurmadkayga waw baahan yahay; ruux la gaasiraye
Taydana ninkii igu guntadey; waw gar leeyahaye
Marba gooha dhiillada halkii; igu galoollaata
Karaankayga waan geyn intaan; geeri moogahay! ..."

W/Q: Maxamed Baashe X. Xasan (mohamedbashe@hotmail.com.

Posted by Aadan Ismaaciil (USA).

No comments: