.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, September 14, 2011

New York: Somaliland, USA, UK, France, China iyo Russia oo ka wada hadlay Qadiyada Somaliland!


New York, September 14, 2011 – Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar ayaa ka warbixiyey kulankii Xarunta Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee New York doraad ku dhexmaray Somaliland iyo Shanta Wadan ee Rigliga ku ah QM, kaas oo sheegay in shirkaasi uu ku soo bandhigay garnaqsi ku saabsan qadiyada Somaliland iyo Waxa ay xaq u leedahay Somaliland oo ah ka mid noqoshada beesha caalamka. Dr. Maxamed C/laahi oo khudbad ka horjeediyey shanta wadan ee joogtada ku ah Qaramada Midoobay ayaa rajo weyn ka muujiyey la kulankaasi Quwadaha waawayn ee dunida inuu soo dhaweeyey Aqoonsiga Somaliland 20-ka sano baadi-goobka ugu jirtay, waxaanu xusay inay garawshiyow ka muujiyeen horumarka Somaliland ku talaabsatay.

Wasiirka khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed C/laahi waxa uu ka hadlay xubno Somaliland diid ah oo ku soo ururay xaruntii ay ku wada shirayeen Somaliland iyo shantaas dal ee Joogtada ku ah QM, kuwaas oo uu tibaaxay inay muujiyeen dareen diidan sida gaarka ah ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysaa u qaabishay Somaliland. Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay khadka Tilifoonka ku siiyey wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan Magaaladda New York ee dalka Maraykanka. Ugu horayna mar wax laga waydiiyey waxa ka soo baxay kulankaas uu kaga hadlay qadiyada garnaqsiga Somaliland, waxa uu yidhi “Shirkaasi waxa uu ahaa mid balaadhan oo ay Somaliland kaga hadashay qadiyada siyaasadeed ee xaga horumarka iyo dhaqaalaha-ba.

Waxaanay shirkaasi Somaliland la gashay 5-ta wadan ee xubnaha joogtada ku ah golaha amaanka qaramada midoobay oo kala ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, China iyo Ruushka, waxaanay arintaasi ku soo beegantay oo ay ka Jawaabaysay Somaliland sida laga warqabo todobaadka soo socda waxa ka dhacay xarunta golaha amaanka ee New York shir-sanadeedkii golaha amaanka ee qaramada midoobay oo Madaxwaynayaasha iyo wasiirada khaarajiga ah ee xubnaha ka ahi ay iskugu imanayaan.

Waxaana Ajandayaasha golaha amaanka sanadkan horyaala ka mid ah arimaha Geeska Afrika, haday tahay xaga siyaasada, haday tahay xaga colaadaha, xaga abaaraha, argagixisada iyo arimo ku saabsan la dagaalanka budhcad-badeeda, waxaanu shirkaasi ka dhacayaa xarunta New York 21-ka bishan September. Arimahaas oo dhan Somaliland waxa ay ka leedahay siyaasad cad oo ay ka gaadhay Horumar oo dunidu u baahan tahay inay ogaato, markaa arimaha aan u socdaa ee aan halkan u joogaa oo inta aanu shirwaynaha sanadlaha ah ee golaha amaanku aanu dhicin inaan ka dhaadhiciyo, waxaanan ku faraxsanahay inuu golaha amaanku ogolaaday codsigii ay dawladda Somaliland u dirtay oo shirkaa ka hor aanu anagu la shirno xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa.

Waxay arintani daba socotaa shirkii bishii May golaha amaanka iyo Somaliland ku dhexmaray Magaaladda Nairobi”.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed oo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd dad la sheegay inay ku mudaharaadeen markii uu shirka ka soo baxay, waxa uu yidhi “Waxa dhacay shalay markii aan ka soo baxay xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa in dad Somaliland diid ah oo kolay aan filayo inay soo abaabuleen Cadawga Somaliland oo dhawr iyo tobon qof ah oo iyagu u arkayey kulanka dhexmarayey xubnaha joogtada ah iyo Somaliland waxay muujiyeen dareen diidan fursadaas dahabiga ah ee Somaliland u soo dhawaynaysa aqoonsiga, isla markaana arkay inay arimaha Somaliland iyo kuwa Somalia ay kala yihiin laba aan isku jirin”.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar mar la waydiiyey inay shirkas kala qayb galeen Maamul Goboleedada Somalia sida TFG, Puntland iyo Galmudug, waxa uu yidhi “May Maamuladdaas yaryar ee Somalia ee aad sheegtay iyagu mabay joogin, hase yeeshee Somalia waxa u jooga oo shirkaas 21-ka bishan dhacay uga qayb galay oo wakiil uga ah maamul goboleedadaas aad sheegtay dawladda TFG, taas ayuun baa timaada golaha amaanka, taasina shirkaas kamay qayb galin ee waxay imanaysaa todobaadkan marka uu shirka golaha amaanku furmayo”.

Dr. Maxamed C/laahi oo isagu ka hadlaya saamaynta uu kulankaas uu kaga qayb galay New York uu ku yeelan karo Aqoonsiga Somaliland u jeelan tahay ee uu ku soo kordhin karo, waxa uu yidhi “Arimaha shirkan mihiimka ah ee Somaliland ka qayb gashay ka soo baxay ee aadka noo farxada galiyey waxa ka mid ah in wada-hadalada ka socda Somalia inaanay wax saamayn ah ku yeelan Somaliland oo u gaar noqoto Somalia, ta kale-na waxa weeyaan in hay’addaha shanta wadan ee joogtada ku ah Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay kordhiyaan Iskaashiga xaga Nabadgalyada, xidhiidhada arimaha dhaqalaaha ee ay Somaliland la yeelanayaan, waxa kale oo kulankan ka soo baxay Fursad mihiim ah oo uu golaha amaanku Somaliland ku siinayo wada shaqayn toos ah”.

Xigasho: Haatuf

No comments: