.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, September 4, 2011

Sheekh Aadan Siiro iyo Khdubadii Ciida ee Xaqa ahayd ee dadka qaar ka biyo diideen!... *Dhegta maal*

 Khudbad Xaq ah!

Sheekh Aadan Siiro oo looga bartay inuu si aan gabasho lahayn oo xaqa waafaqsan u iftiimiyo meel kasta oo qabyo iyo qalqalooc ku jiro, ayaa khudbadii maalintii Ciida Ramadaan waxa uu si habsan ugu soo qaatay arimo badan oo uu qaarba cid gaar ah kula hadlayay! Waxa uu la hadlay dawlada Somaliland oo uu xanteeda iyo dhaliil-ba u sheegay! Waxa uu ku eedeeyay Xukuumada in saansaanka  ka muuqdaa qaabkeeda uu doc-faruurayo jiritaanka  Qaran-nimada Somaliland! Waxa kale oo uu si waafi ah uga biyo-diiday Lacagta loo ururinayo dadka Koonfurta (Soomaaliya)! Waxa uu sheekhu yidhi: 300 oo Mitir meel madaxtooyada Somaliland u jirta dad reer Somaliland ah ayaa qaarkood ku bakhtiyayaan, kun kiiloo mitir meel u jirta oo Soomaaliya ahna waxa loo urrinayay Lacag gaadhaysa $ 600000!...Sheekh Aadan Siiro iyo qudbadii qiimaha lahayd ka bogo.

*Dhegta maal*

Xigasho, hadhwanaagnews

No comments: