Dad ka kooban wax-garad , Culimo iyo Abwaano reer Somaliland ah oo jooga magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, ayaa waraysi ay idaacada BBC-Somalidu maanta la yeelatay ku sheegay, inay deeq balaadhan oo lacag ah, cadadkeeduna ka badan yahay Todoba boqol oo kun oo doolarka maraykanka ah ($ 700.000) u qaadayaan dalalka Soomaaliya iyo Kiiniya, iyaga oo deeqdaa wayn gaadhsiin doona walaalahooga reer Soomaaliya ee la isha daran macaluusha iyo abaaraha. Qaar ka mid gudidaasi lacagta qaadaysa oo BBC-Somalidu waydiisay cida gudidan wakiilatay inay tahay dawlada Somaliland iyo cid kale, ayaa sheegay inaanay lacagtaasi ahayn mid ay shaqo ku leedahayy haba-yaraatee dawlada Somaliland, bal-se ay tahay mid shacabku iska ururiyay dabadeedna iyaga duqayti ahaan u xil-saaray gudoonsiinteeda dadka ku baahan Xeryaha qaxootiga ee Soomaaliya iyo Kiiniya.
Hoos/Sare ka dhagayso warkanoo maqal ah:
No comments:
Post a Comment