.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 10, 2011

Badhasaabkii Hargaysa (Xiligii Siyaad Bare) ee la Odhan Jiray Aadan Buule Maxamad Oo Xamar Lagu DILAY

Aadan Buulle Maxamad  Oo Ku Magac dheeraa '' Buulle'' Oo La Dilay.

Aadan Buulle Maxamuud oo ku magac dheeraa ''Buulle'' kana mid ahaa shakhsiyaadkii rajiimkii Siyaad Barre ee ku tacadiyi jiray shacbiga ku dhaqan Hargeysa xilliyadii sideetamaadkii ayaa shalay lagu khaarajiyay Guri uu hantidii ummada reer Somaliland uu ka dhacay xilliyadaasi uu kaga dhistay magaalada Muqdisho ee Somalia.

Mr Buulle ayaa la sheegay gurigaasi oo uu ka dhistay hantidii shacbiga reer Hargeysa uu xoogga kaga qaaday xilligii maamulka uu ku amar ku taaglayn jiray gobolkan Hargeysa.

Aadan Buulle Maxamad Ayaa la sheegay in la dilay ka dib markii uu shalay subax u tagay qoys ku jiray gurigaasi ilaa 1991-kii oo uu ka dalbaday inay uga baxaan gurigiisa, muran isaga iyo  ku dhex maray qoladii guriga ku jirtay ayaa dabdeedna lagu khaarajiyay Mr Buulle.

Isla markaana goobtaasi ku geeriyooda. Mr Buulle oo isagu ka mid ahaa shakhsiyaadkii gumaadi jiray shacbiga Somaliland xilliyadii Rajiimkii Siyaad Barre ayaa isaga la sheegay inuu muddooyinkii dambe ku noolaa dalka Finland oo uu dhawaan ka yimid.

Xigasho: Haatuf.

No comments: