.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, November 18, 2011

Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar Horayso iyo Danbaysoba Shaqadiisa si fiican ayuu u gutay!‏


''Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar waa dadka jiritaanka Somaliland ay OXYGEN-ta u tahay ee aan ka noolaan karin''.

Mudo haatan ka badan 22 gu', oo ku beegan 21/10/1989-kii ayaa ay ahayd markii aanu anaga oo ku banaan baxayna dawladii uu xukumi jiray Maxamad Siyaad Bare (oktoobar), aanu kalahe arooryaad dad badan oo uu ku jiray Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar (Wasiirka arimaha dibada Somaliland) iskugu nimid, gego wayn oo ku hor taal aqalka looga arimiyo dawlada Holland ee ku yaal magalaada magaceeda la yidhaa '' The Hague, ama Den Haag''. Waxanu ka kala nimid dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalkaasi ka kooban yahay.

Waxay ahayd maalin aan la qiyaasi karin dhaxanta, roobka iyo dabaylaha dhacayaa inta ay le'eg yihiin. Dhardasho qadhqadhyo wadataa naguma yarayn waxase aanu ku ilaawaynay taasi oo dugsi iyo hu' ba nooga ahayd, kaarkii qoomiyadeed ee na shidayay ee dartii aanu boqolaalka Km u soo jibaaxnay.

Waxanu qaybtayada ka qaadanaynay waajibkii dadka reer Somaliland guud ahaanba saarnaa xiligaasi ee ahaa, nin walooba halkaad joogto, goorta aad karto, sida aad taqaan iyo waxaad awoodo kula dagaalan maamulkii dhagar qabaha ahaa ee dalkii la isku odhan jray Soomaaliya ka talin jiray. Qayb aad u muhiim ah ayaa ay ka ahaayeen halgankii banaanbaxyadaasi lagu dhaleecayn jiray kali-taliyahii berigaasi, ee dalalka dibada ah lagu qaban jiray ee banaanka la soo dhigi jiray xumaantii u huursanayd xukunkaasi.

Qoraalo iyo boodhadh, dhawaaqyo iyo jiibin, ayaa lagu maashayn jiray gegooyinkaasi, dabadeedna qoraalo badan oo xul iyo xogba ah oo lagu xardhay xasuuqii iyo falalkii umulo dooxa iyo waxshinimadaba ahaa ee ay askartii maamulkaasi adeegsan jiray sameeyeen, ayaa dawladaha gacanta lagaga ridi jiray! Dhaawac badan oo dheg xumo ah ayaa halkaa ka soo gaadhi jiray dawlad ku sheegtii Siyaad Bare. Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar ragii qabanqaabada iyo hawlahaba gadh-wadeenka ka ahaa ayuu kow ka ahaa.

''Ma ay ahaynu Oktoobartaasi ta kali ah ee aanu dibad baxa samaynay ee silsilad ayaa ay ahaayeen isku xidhan''.

Laga bilaabo maalintaa iyo intii ka danbaysay ilaa iyo yoomkan maanta ah, kolba meel uu joogoba waxa uu Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar ku foogan yahay, oo uu gudcur iyo cadoba guure ugu jiraa ka midho dhalinta himilada qaranka Somaliland iyo danta dadkiisa oo qudha. Waxa uu ka mid yahay Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar dadka jiritaanka Somaliland ay OXYGEN-ta u tahay ee aan ka noolaan karin.

Sidaas darteed waxan odhan lahaa, dadka kusoo qorqoraya Internet-ka ceebaynta madaxda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan-na xagxagashada Dr Maxamad C/laahi Cumar iyo haldoorada kaleba, waar baylah kale iyo wax kale oo aad qabataan ayaa badan oo waliba uu dalkii iyo dadkuba aad ugu baahan yahee, caydiina meel kala u kaydsada oo bal talo kale oo taa dhaanta la kaalaya.

''Ha Jirto Somaliland Oo Ha Joogto''.

Cali Cumar Xasan

No comments: