.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 14, 2012

Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay Inay 1991-kii Cabsi Ku Yeeleen Somaliland, Hada-se.....!


Idaacada Somali-Voa ayaa maanta qudbadii madaxwaynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu ka hor Jeediyay labada gole ee Somaliland, ee uu kaga hadlay arimo badan oo dalka Somaliland khuseeya ka dib, waraysi la yeelatay Cali Khaliif Galaydh oo waydiisay jawaabta uu ka bixinayo qayb ka mid ah Khudbada madaxwaynaha Somaliland oo ku saabsanayd shirka beesha Dhul-bahante ku qabsanayo magaalada la yidhaa Taleex (Somaliland). Cali Khaliif Galaydh ayaa jawaabihii uu waraysigaa ka bixiyay iskugu soo ururayaan marka la soo koobo sidan: In beeshiisu ay ku khasbanayd 1991-kii inay ogolaato shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay la-soo noqoshada Somaliland, sababta waxa uu ku sheegay inay ka baqanayeen SNM. Waxa kale oo iyana ka mid ah hadaladiisa in Cadaadis la mid ah kii beesha dhexe (Isaaqa) uu Siyaad Bare ku hayay 1980-dii oo kale haatan iyaga (Dhul-bahante) lagu hayo oo ay is difaacayaan!!

*Dhegta maal*

No comments: