.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, January 12, 2012

Madaxwayne Siilaanyo Oo Fadhi Aan Caadi Ahayn Oo Degdeg Ah Ka Dalbaday Labada Gole.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Diimuqradiga ah ee Somaliland Md. Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa fadhi aan caadi ahayn oo degdeg ah ka dalbaday, inay labada gole ee dalku waa golaha guurtida iyo wakiilada qaranka Somaliland-e ay sabtida soo socota iskugu yimaadaan. Kulankaa wada-jirka ah oo lagaga arinsanayo xaaladaha hada ku soo kordhay dalka Somaliland. Qoraal kooban oo uu soo saaray xoghayaha golaha Guurtida Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa u dhignaa sidan:-

 “Shir-guddoonka Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo Tixraacaya Warqadda Summadeedu tahay JSL/M/ShGW/081-856/01/2012, kuna taariikhaysan 12/01/201, Ujeedadeeduna tahay qabashada Kal-fadhi aan caadi ahayn, ayaa waxa dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda lagu war-gelinayaa inay ka soo xaadiraan Kal-fadhigaasi aan Caadiga ahayn oo ku qabsoomi doona Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland, Maalinta Sabtida oo ku beegan 14/01/2012 saacaduna tahay 9:00 Subaxnimo, haddii Eebe Idmo.

Ugu danbayntii waxa lagu adkaynayaa Dhammaan Mudanayaasha Golaha Guurtidda ka soo qayb-galka Kal-fadhigan aan caadiga ahayn, wakhtigana dhowraan.”

No comments: