.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 21, 2012

Marwo Khadra Xaaji Gaydh Oo Allaybaday Ugu Deeqday $20.000 (usd). Toloow Lacagtaa Halkay Ka Keentay?


- Waxa naxdin leh iyo amakaag iyo wax aan la qaadan karin boobka, qaaraabo kiilka iyo cadaalad darada ka taagan dalkii yaraa ee Somaliland ee aan rajada ka qabnay ahayd, in dadkiisu kaga raysanayaan waxii dhib iyo hagardaamo ka soo maray is-raacii Soomaaliya! Allah Ax iyo way badanaa ilayn!

Waxan saaka ka akhriyay website-yada Somaliland qaar ka mid ah, gabadha gudoomiyaha ka ah degmada Gabiley ee la yidhaa marwo Khadra Xaaji Gaydh, oo iyada oo la socota wafdi gobolka Gabiley ka tagay oo soo marmaraaya degmooyin dhawr ah oo gobolka Gabiley hoos yimaada, intay ALLAYBADAY ka qudbadaysay dabadeedna kaga dhawaaqday goobtaa oo dadkii ugu bushaaraysay inay lacag aad u faro badan oo ah, $20.000 (labaatan kun oo usd) ay siinayso reer Allaybaday.

Sababta waxay marwo Khadra Xaaji Gaydh  ku sheegtay inay Allaybaday tahay magaaladii ay u dhalatay ee isla markaana dadka ugu badani uga codeeyeen ee laga soo doortay!! '' Yacno markaa waa abaal gud''.

Xaq bay u leedahay inay caawiso cida ay doonto marwo Khadra Xaaji Gaydh oo ay jeebkeeda wax ka siiso, laakiin su'aashu waxay tahay lacagtaasi ma tahay mid ay iyadu iskeed u xoogsatay oo ay u dhididay oo xaqeeda ah?

Jawaabtu waa ay iska cadahay waana maya. Hadaba xagay ka keentay oo ayaa leh xoolahaa ay marwo Khadra Xaaji Gaydh diiqada uga dhigtay degmo ka mid ah kuwa gobolka Gabiley? waxa iska leh hantidaa, guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaana dad waynaha dan yarta ah ee ku dhaqan gobolka Gabiley ee marka horeba iyaga laga soo ururiyay.

Waxa in la is waydiiyo mudan hadaba yaa siiyay awooda ay iyada oo degmo gudoomiye u ah lacagtii degmadaasi, ay si badheedha ah ugu caawinayso oo shakhsi ah degmo kale? yaa u siiyay awooda ay shilimaadka cashuurta ah ee laga qaado hooyooyinka bacadka Tamaandhada iyo Basasha ku iibinaya, ay Allaybaday kaga magac doonato? yaa siiyay awoodahaasi? yaab!

Waar ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa ayaa nin laga sheegayay! Maantana ma marwo Khadra Xaaji Gaydh ayaa qarsan kari wayday boobista xoolahii umada ee ay masuulka ka ahayd oo inta ay iyadu waxay ka qabsan karaysay ka qabsatay, ee ay sanduuqyo ka buuxsatay xoolahii degmada Gabilay, dabAdeedna Degmada Allaybaday iyo halkii ay ka timid diiqo iyo abaal-gud gacan wayn ah ($ 20.000) ka siisay, maalkii iyo moodkii dadka masaakiinta ah ee gobolka Gabilay ku dhaqan laga soo ururiyay.

Waa inay degdeg u soo cadaysaa marwo Khadro Xaaji Gaydh lacagtaasi halka ay ka keentay iyo awooda cida siisay ay Allaybaday ugu cantoobinayso.

Qalinkii Deeq ismaaciil.

No comments: