.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 6, 2012

Qoraal Gaar ah Oo Ku Saabsan Shirka London Oo Dawlada Ingiriisku Somaliland U gudbisay!


- Dawladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u caddaysay in Somaliland aanay qayb ka ahayn dhinacyada Soomaaliya ee saxeexa ku leh hannaanka dib-u-heshiisiinta ee loo yaqaan khariidadda nabadda (road map) ee lagu soo qaadi doono shirka ka dhici doona magaalada London. Sidaana waxa lagu sheegay warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Qaramada Midoobay, dalalka dibadaha iyo Arrimaha khilaafyada Mr. Henary Bellingham oo Jamhuuriya nuqul ka mid ah helay, taas oo lagu xusay qodobadda lagaga hadli doono shirka arrimaha Soomaaliya ee 23ka bishan February 2012 ka dhici doona magaalada London, waxaannu wasiirka Britain qoraalkiisa ku muujiyey in Jamhuuriyadda Somaliland faa’iido badan ka heli doonto shirkaas.

Qoraalkan oo Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Afrika, Qaramada Midoobay, dalalka dibadaha iyo Arrimaha khilaafyada Mr. Henary Bellingham uu toddobaadkan u soo diray Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu ku caddeeyey in Somaliland loo tixgelin doono codsiyadeeda, sidoo kalena Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku uu kulan gaar ah la yeelan doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warqadda ka soo baxday dawladda Ingiriiska oo Jamhuuriya soo turjumay waxay u qornayd sidan:

“Shirkii aynu yeelanay 26 January 2012, waxaan ballanqaaday inaan faahfaahin ka soo qoro qaabka aannu rajaynayno in Somaliland uga qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London.

Somaliland saxeex kuma laha, qaybna kama aha khariiddada nabadda Soomaaliya (road map). Waxaannu aqoonsanahay in Somaliland fikirkeeda iyo aragtideeda kaga qaybgeli doonto wada-xaajoodyada hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya iyadoon wax saxeex ah ku lahayn hannaanka nabadda Soomaaliya.

Haddaba, shirka London, waxa lagaga hadli doonaa mawduucyo badan oo dano guud ah, iyada oo ujeedada ugu muhiimsana tahay sidii loo horumarin lahaa in beesha caalamku isfaham guud ka yeelato xaaladaha Soomaaliya, gaar ahaan waxaynu kaga xaajoon doonaa sidii loola tacaali lahaa budhcad-badeedda iyo argagixisada, loona taageeri lahaa hawlgallada nabad-ilaalinta oo loo ballaadhin lahaa masuuliyadaha dejinta hannaan siyaasdeed oo nabadgelyo, waxna looga qaban lahaa abaaraha iyo dadka barakacayaasha ah oo ay la socoto hab horumarineed oo la xidhiidha heerka nolosha dadka. Waxa kaloo lagaga hadli doonaa kor-u-qaadista xasilloonida ilaa gun ilaa baar iyo sidii loo haggaajin lahaa iskaashiga caalamiga ah.

Inta badan ajandaha shirkan lagaga hadlayaa waa mid faa’iido u leh Somaliland. Innaga iyo xulafadayada kale ee caalamiga ahba aad baannu ugu faraxsanaan doonaa in aannu horumarka iyo xasilloonida Somaliland tusaale ugu sawirano waxyaabaha la doonayo in Soomaaliya loo hirgeliyo. Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska ayaa arrintan si cad ugu bayaamiyey Madaxweyne Siilaanyo markii uu telefoonka kula soo hadlay toddobaadkan, isagoo weliba Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriisku caddeeyey inuu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Somaliland.

Waan ka warhayaa xaasaasiyadda ay leedahay in Somaliland ka qaybgasho shirka London, waxaanan u tixgelin doonaa codsiyadiina si kastoo ay suurtogal u tahayba annagoon xadka siyaasadayadda ka tallaabayn.

Waxaan u arkaa in shirka London uu aad muhiim ugu yahay Somaliland oo la kulmi doonta madaxda adduunka ee danaynaya arrimaha Geeska Afrika. Annaga iyo iyaguba waxaannu soo dhawayn doonaa indheergaradnimada Somaliland oo shirka London la’aantood uu noqonayo mid meeqaamkiisu aad u hooseeyo,” ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka dawladda Ingiriisku ku bayaamisay meeqaamka Somaliland ku leedahay shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: