.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 20, 2012

Xuska UFFO dartii: Dhagaxtuurkii 1982-kii iyo dugsiga sare ee Tima-cade ama Qalax


- Dadku wax badan kama oga oo lagama wada war hayo in deg, Gabiiley ay ka mid ahayd, meelihii ugu horayay ee si badheedh ah oo af iyo adinba leh uga hor yimaada dawladii Siyaad Bare gadh-wadeenka u ahaa ee dalkii la odhan jiray Soomaaliya ka arimin jirtay sanadihii 1969-91-kii. Waxa dadka degan degaankaasi ay bilaabeen iska caabin hubaysan inay la galaan maamulkii talada dalka hayay iyo siyaasadiisiiba 1978-kii dhamaadkiisii, ka dib markii dhib gaar u ah degaanka Gabiiley oo aad u baaxad wayni kaga timid askartii iyo jabhadihii la socday ee lagu soo jabiyay dagaalkii 1977-1978-kii Itoobiya lala galay, huwantaa askarta iyo jabhadaba ah oo la soo dejiyay meelo badan oo degaanka degmada Gabiiley ka mid ah, kuwaasoo tacadiyo aad u foolxun oo badan u gaystay dadkii degaankaasi ku noolaa, oo horseeday inay dadka degaanku is urursadaan oo ay ka soo horjeestaan walibana la dagaalamaan askartaa iyo jabhadaa wada jira.

Sanadkaa 1978-kii ayay dadka degaanka Gabiiley sameeyeen Jabhadii magaca wayn kasbatay ee la odhan jiray guutada Afraad, ee kaalinta muuqata ka qaadatay dagaalkii naftaa furashada ahaa ee dadku ay ku khasbanaayeen inay u qalab qaataan sabanadii ay hadheeyeen degaanka dilka, dhaca, xadhiga, boobka iyo kufsiguba ee kaga imanayay dhankii askartii Siyaad Bare iyo jabhadihii lagu magacaabi jiray xoraynta soomaali galbeed, intaa waxa kale oo dheeraa oo ay isla mar ahaantaa ay xukuumadii Siyaad Bare degaanka saartay cadaadis adag oo lagu naafaynayay iska caabintooda, kaasoo si ba’ an looga dareemayay degaanka, inkasta oo aanu wiiqin hankii, himiladii iyo halgankii jabhada Afraad waday iyo dhiidhigii dadkaba, oo aakhirataankiina ay iyaga guushu raacday.

- Hadaba hordhacaa iyo baacsigaa yar ee taariikhda deg, Gabiiley ka dib, oo ah gundhiga iyo halka uu ka foofayo maqaaalkani, si aad bal u sawiran karto xaalada ay degmadu ku jirtay xiligaa, ayaa su aashu waxay tahay, sidee ayay Gabiiley uga qayb qaadatay dhaqdhaqaaqyadii iyo kacdoonadii kale ee Goboladii waqooyiga la isku odhan jiray (Somaliland) ka bilaabmay 1980-dii??, Jawaabtu waa, Gabiiley kama duwanayn dalka intiisa kale oo gocashadii iyo tabashadii jirtayba way kala sinayd, hadaanay weliba iyadu wax sii dheerayn, waxa hadaba aan ku koobayaa qoraalkan yar intii aan ka ogaa ee aan hada ka xasuusto, iyo kacdoonkii dhagaxtuurka ardayda ee 1982-kii ka bilaabmaay Hargeysa kuna baahay magaalooyin badan oo kale oo ay Gabiiley-na ka mid ahayd.

Aduunku kan maanta la joogo ma ahayn ee wax wayn ayuu kaga duwanaa dhankastaba xiligaasi, sida dalka iyo dadkuba yahay hada lama ahayn oo xogta helitaankeeda iyo warku waxa uu ahaa gibin, xaqiiqda raadkeeda iyo meel loo raaco si fudud looma heli karayn, waxa badnaa mala awaalka iyo ku tidhi kuteen. Dhacdooyinka Hargaysa ka socdaa waxa ay nagu ahaayeen tiigaal durugsan anaga oo Gabiiley oo agteeda ah ku nool oo joogna, ma jirin bahalkan hada meel kastaba biyo-yaa-shubanta ah ee la yidhaa Mobile-phone, ma jirin Telefoon lagu wada xidhiidhaa, ma jirin war fidiyayaal kale, sida joornaal, radio madaxbanaan, Tv iwm.Waxanu ku jirnay oonu ku xeraysnayn dugsigii sare ee Tima-cade oo Hooy(boarding school) ahaa, waa dugsigii kali ahaa ee sare ee ka jiray degaanka Gabiiley, oo isna cidla ku yaal, oo aan xidhidh toos ah haba yaraatee la lahayn dalka intiisa kale, waxa ku jira digsiga arday meelo badan ka kala timid oo waaba ay ku yaraayeen kuwa magaalada Gabiiley u dhashay, dadka se degaanka laga xukumo degmada Gabiiley ka yimid waa ku badnaayeen..

Dhiidhigii iyo ka soo horjeedkii xadhigii macalimiinta ee Hargeysa iyo Wax-garadka kale waxa uu si fishaan-fishaan ah ugu soo faafay oo uu ku soo galay Gabiiley, si gaar ahna waxa uu ugu fiday dugsigii sare ee Timo-cade, xiligaa waxa maamulkii degmada Gabiiley xukumi jiray nin la odhan jiray Buule, isaga iyo taliyayaashii kale ee milatariga, sir-doonka, iyo bilayska ee degmada iyo degaanka odayaal u dhashayba waxa ay bilaabeen inay gaalaa-baxaan dugsiga sare ee tima-cade si ay uga hortagaan una baajiyaan in ay ardaydu wax dhaqdhaqaaqa samayso, iyaga oo si toosa iyo si dadbaba noogu muujin jiray, oo mararka qaarkood caga-juglayn iyo gorayo-khaakh-layn badana kuba dari jiray.

Waxa ay ka dab-qaadan jireen oo ay ku xidhnaayeen maamulka Hargaysa oo marka la soo sheego inuu sii kululaaday kacdoonka Hargaysaba, waxa uu isna maamulkii degmadu bilaabay inuu isna carcarakiisa iyo dhaqdhaqaaiisa badiyo, oo uu marmarka qaarkood soo dhoobo ciidamo ku hubaysan qalbka milatariga kala ah Jiibab iyo Beebeeyo, dhaulka u dhaxeeya magaalada Gabiilay iyo dugsiga sare ee Tima-cade oo masaafo dheer isku jira si loo cabsi galiyo ardayda, waxa kale oo la joojiyay bixitaankii ardaydu ay magaalada ku tagi jirtay, oo waxa lagu soo rogay bandoo oo laga godoomiyay dunida inteeda kale, waxa kale oo hanjabaad iyo cabsi galin badan la kulmay maamulkii dugsiga, macalimiintii iyo odayaashii degmada oo lagu amray inay ka hortagaan oo ay fashiliyaan banaabaxyada ardayda lagu tuhunsan yahay inay samayn doonaan.

Waxa lagu soo kordhiyay arday cusub iskuulkii oo u shaqaysa dawlada siiba sirdoonka, wada hadalkii iska furnaa ee arday dhexdeedu wuu joogsaday, waxa bilaabmay qaybsanaan leh dareen la isku kala qoqobayo oo laba loo kala jabay, dad raacsan kacdoonka iyo dad iyagu ka soo horjeeda oo la saftay dawlada oo weliba garabna ka helayay xukuumada haday tahay maamuladii degmada iyo gobolka-ba ee dawladii Siyaad Bare. Qaybtayadii macalimiinta iyo wax-garadka xadhigooda diidanayd si aan ula socono hadba waxa dhacayay waxa lagama maarmaan ahayd in la helo cid, u gacan banaan una darban arimahan oo kale, waxa aanu helay gurmad nooga yimid Hargeysa, oo noo noqday miciin iyo isku xidhe qaybtayadii kacdoonka raacsanayd iyo dhaqdhaqaaqii Hargeysa, ninka hawshaa dusha u ritay waxa uu ahaa, mudane Xirsi aw-cabdi sheekh, oo hada jooga Birmingham(uk).

Si dhuumasho iyo qarsoodi ah ayaa uu mudane Xirsi aw Cabdi Sh, gooraha cawayskii noogu iman jiray dugsiga sare ee tima-cade oo uu nooga xog-warami jiray waxa ka taagan Hargeysa iyo sida xaal yahay, waxa kale oo uu weliba ka qayb qaatay dhiirigalinta ardayda dugsiga sare ee Hooy-ga Tima-cade, isla dugsigan waxa kale oo wax ka baran jirtay arday badan oo magaalad Gabiiley ku noolayd oo aroortii ka soo kalahi jirtay magaaalada, casharada ka dibna ku noqon jirtay magaalada oo aan iyagu deganayn dugsigii hoyga ahaa, kalase mid ahaa dareenka iyo kacsanaanta kuwa ku xeraysan Tima-cade, oo isabaabulka iyo tiritirsiga dhankooda ka waday.

Sakati baa dadka ku taagnayd, kacdoonka ay ardaydu xaga danbe ka riixaysaa wuu ku cusbaa dadka oo hore looma arag, ninba sibayse ugu muuqanaysaye, tusaale ahaan macalimiintii noo dhigi jirtay ayaa marka aanu sheekaysanayno, iyaga oo nala wadaagaya dhibta aanu diidanayn hadana ku kala duwanaa aragti ahaan sida la yeelayo, oo qaar raacsanaayeen in aanu falal sameeyo dhankay doonto ha u dhacdee, halka qaar kalena ka calool-waydsanaayeen hadii deganaansho la’ aan la sameeyo, dhibta ardayda kaga iman karta maamulkii macangaga ahaa oo aan xal u arakyn in sidaa wax lagu doono amaba laga hor-yimaado talaabooyinkiisii waxshinimada ahaa ee uu ka fiirsosho la'aan iskaga dhaqaaqi jiray.

Dhanka kale waxa sii adkaaday ku wada noolaanshihii dusiga sare ee Timo-cade, oo ardaydu aad ugu kala qaybsantay arinta xadhigii macalimiinta iyo waxgaradkii (uffo), inkastoonu wax dagaal ah oo muuqdaa ka dhicin hadana is-necbaansho iyo kala fogaan xoog leh ayaa abuurmay, dugsiga waxa ku noolaa sidaan hore u soo sheegay arday badan oo meelo kala duwan ka kala timid cid kastana lahayd, waxa la yaab iyo cawo-daro ahayd in dhalintii walaalaha ahayd ee meel ku wada noolayd, ee iska xigtay dadka kale uu maamulkii Siyaad Bare ku dhex tuuro dab oo uu ku kala fogeeyo arintaa UFFO, oo uu qaarna soo dhawaysto oo uu  weliba fikrado kale ka dhaadhiciyo, qaarna ku shaabadeeyo qabiil, dib-u-socod iyo waxay ugu yeedhi jireen kacaan diid !!.

Wax ay arintii xadhiga macalimiintu laba-dhaclaysoba waxa gabagabadii la soo gaadhay maalmihii la keenayay maxkamada Hargeysa, aad baa dadku u kacsan yahay, in la muujiyo diidmo ka dhan ah xukun ku dhaca macalimiinta iyo waxgaradka kale oo wax la sameeyaa waxa uu noqday ka maaran-waa, anaga oo ah ardayda qaybtii taageersanayd ka soo horjeedka cadaalada darada lagula kacay macalimiinta iyo wax-garadka, waxa aanu tashiyo hoose oo gaar-gaara ku gaadhnay inaan samayno banaanbax aan rabshado wadan, lase tusayo maamulkii talada hayay sidaanaan raali uga ahayn xadhigaa xaqdarada ahaa ee aqoonyahanada iyo macalimiinta (uffo). Run ahaantii ma ahayn wax fudud sidaan taa ku suurta galin lahayn, duruufaha nagu gadaanaa awgood, ha ugu daraato dhaqdhaqaaqa arday oo isha lagu hayay, oon la ogolayn inay magaalada u baxaan, iyo weliba anaga oo kala jaban oo taasina wiiqisteeda lahayd, oo kaad wax ku qarsan lahayd aad ka qarsanayso.

Markii la ogaaday in Maxkamad la saarayo macalimiintii berito, ayaanu habeenkii go’ aansanay inaanu siday doontaba ha ahaatee tagno magaalada, oo aanu ka banaanbaxno arintaa, si taasi noogu suurta gasho oon lanooga baajina waxanu ku tashanay, inaanu magalada oo naga yar fog, si aan urursanayn ku tagno, oo ninba meel ka soo galo, la iskuguna yimaado meel aanu ku balanay, halkaana markaa laga bilaabo socod lagu marayo magaalada dhexdaada, nasiib wanaag waa ay noo suurta gashay arintii oo inkastoo aanaan tiro ahaan badnayn, hadana gudanay xilkii markaa na saarnaa anaga oo aan wax rabshado ah samayn, markii aanu fulinay qorshahayagii xaalado kadis ah oo xaga dawlada nagaga yimid oo nala soo darsay awgood, waxanu ku kala baahnay magaalada oo aanu kala galnay, si aanu hadana anaga oo baahsan u hoyano, waxase dhacday in dhexda arday badan loo galo oo markay ku noqonayeen iskuulka la qabqabto, qaar kalena magaalada laga dhex ugaadhsado oo la xidho.

Tiro door ah ayaa ay noqotay ardaydii lanaga qabqabtay, kuwaas oo ku jiray jeelka mudo ku dhaw sidaan filayo Bil, inkasta oo aan wax xukun ahi ku dhicin hadana hanjabaada iyo cabsi galintu kuma yarayn, waxa jiif iyo joog diiday oo ka hawlgalay in la sii daayo ardaydaa odayaashii iyo wax-garadkii magaalada, ugu danbayntiina waxa lagu qanciyaay maamulkii Siyaad Bare in la iska sii daayo dhalinyada oo sidaasi ay roon tahay, waana ay ku guulaysteen.

Wax kasta sheekaa ka hadhee, waxase ma ilowdo ahayd in xadhigii xaqdarada ahaa ee macalimiinta (uffo) iyo aragtiyihii ay ardaydu ka kala qabtay, uu wada noolaanshihii iyo xidhiidhkii ku sameeyo boogo buqbuqa oo aan bogsan, oo dhalintii da’ da yarayd ee ku jirtay dugsiga sare ee timo-cade ku kala damqato. Xeeladaha iyo tabihii uu taliskii Maxamed Siyaad bare adeegsan jiray bay ka mid ahayd kala qaybinta dadku, taasaana kow ka ahayd kala waji-dadabka iyo xumaanta hadii aanu nahay ardaydii dugsiga Timo-cade na dhex timid.

Gabo gabadan maqaalakan yar, waxan xasuusin lahaa dadka in aanu u yaraysan oo aanu waxba dib u dhigan intii tamartiisa ahayd, maamulkii milatariga ahaa ee Siyaad Bare hogaamin jiray, siduu guud ahaan dadka reer Somaliland u kala qoqobi lahaa ee uu isaga hor keeni lahaa, sidaa darteed waxan odhan lahaa, ha inoo noqoto cashar aan ka barano inaan ka hor tagno, inaynaan mar kale ku dhicin Godkii la inaga qaniinay mar hore!!! Waa iga intaa iyo intay xasuustu i siisay.

''Somaliland ha jirto oo ha joogto weligeed''

Cali Cumar Xasan.

No comments: