''Khasnada dawlada waxa maanta ku jira $14 Million, wax dayn ahna laguma leh''. Ina-Xaashi
- Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inuu 19 Bilood ka hor uu xilka wasaaradaasi la wareegay iyada oo Khasnada dawladdu ay madhan tahay, isla markaana dayn farabadan la ciir-ciiraysa, balse uu diiday dayntaasi oo loo saaray Guddi soo baadha. Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Maaliyada C/casiis khasnada dawladda oo ay ku jiraan lacag gaadhaysa $14 Miyan oo dollar, isla markaana aan wax dayn ah loo raaci doonin wasiirka cusub.
Munaasibada Xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta wasaarada Maaliyada oo ay hadalo ka jeediyeen Wasiirkii hore ee Maaliyada iyo Wasiirka Cusub Cabdicasiis Samaale ayaa wasiirkii hore oo warbxin uu si qoto dheer ugaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay muddadii 19-ka bilood ahayd ee uu xilka hayey iyo Caqabadaha ay la kulmeen ayaa waxa uu yidhi “Waxa aan jecelahay in aan ka waramo waxyaalo door ah oo ay ka mid yihiin xaaladii aanu la kulanay markii aanu xilka la wareegnay.
Xaaladaa waxa ka mid ahayd dawladdu waxa ay qarka u saarnayd burbur, waxay ahayd dawladd lacag badan lagu leeyahay, lacag badanina ku maqan tahay, waxa jiray kolkii la igu wareejinayey xilka ee dayn badan la sheegay waxa la og yahay in aan idhi anigu la wareegi maayee guddi ha loo saaro, guddidii loo saaray oo kala ahayd saddex guddi oo mid Hantidhawrka ah, mid golaha wakiilada ah iyo mid wasaarada maaliyada ah, saddexdaa guddi waxa ay soo saareen oo ay xisaabaadka kaga soo qabteen 2002-gii ilaa 2010 July ayay xisaabteedii soo diyaariyeen, waxa soo baxday hadaan imika Afsoomaaliga ku sheego tiradu way inagu badanaysaaye 53 Malyuun iyo wax la jira!
Waxa weeyi waa lacag farabadan oo ku tusaysa in aan wax dayn ahi jiri Karin, kolka dakhligii dhabta ahaa iyo Kharashkii dhabta ahaa marka la kala jaro oo intaasi soo hadho 53 Malyuun in aanay wax dayn ahi jiri Karin, kolkaa wixii daynta lagu sheegayey waxay soo baxday lacag la lunsaday.
Waxa kale oo jiray lacagayow laga tagay oo dayn ahaa taasi ay dhab tahay oo Shaqaalihii waad la socoteen Afar bilood Mushaharkoodii ayay lahaayeen, Ciidamadu laba bilood ayay lahaayeen, Raashinkii Cusbitaalada, Kii Ciidamada iyo Kii Jeelasha intaasina way is gaadheen oo lacag door ah ayaa iyana lagu lahaa, wixii dawladdu ku soconaysayna saas oo kale ayuu ahaa, kolkaa lacagta halkaa ku luntay waxa ay gaadhaysay 70 Malyuun iyo wax la jir, waa lacag aad u farabadan oo dalkan ku farabadan oo waa wixii wax loogu qaban lahaa.
Waxa dawladdii xilkan la wareegtay ee aan ka midka ahaa ay qaadatay inaan is qabqabsi iman, dabeetana waxa la yidhi aynu arintaa iska laalno oo ha inaga hadhoo, kala wareega iyo sidan Afrikaanka is qabqabsadkiisu ha inaga hadho, siyaasad xun may ahayn ee ta meesha taalaa waxa weeyi lacagtii ummaddu way leedahay oo lacag ummadda ka maqan cidina ma saamixi karto, kolkaa waa lacag ummaddii ka maqan oo la lunsaday oo Rikoodh-garaysan oo qoran weeyi”
Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Mar uu ka hadlayey dhibaatooyinkii dhaqaale ee jiray sidii ay uga dabaasheen oo uu ku sheegay inay ahayd shaqaalaha wasaarada oo xil dheeraad ah isa saaray ayaa waxa uu yidhi;
“Dhibaatooyinkaa dhaqaale ee markaasi jiray, waxa aanu kaga dabaalanay waxa ay ahayd in aanu aad u shaqayno Illaahay khayr ha siiyee shaqaalihii wasaarada ayaa xil dheeraad ah iska saaray, waxaad ogaydeen miisaaniyadii 74-ka Malyuun ahaan jirtay in 83 la gaadhsiiyey, waxa kordhay 75.5% ayaa miisaaniyadii ku kordhay, tii sanadkana waxa noo qoran in la gaadho 106 Malyuun, miisaaniyada sanadkan waxa ka maqan, wixii hanti dawladdu lahayd sida Daaraha, Gaadiidka Qalabka Xafiisyada iyo wixii hanti ah ee ay dawladdu lahayd waa in Miisaaniyada ay ka muuqdaan, kolkaa sanadkan diiwaangalintii waanu ka gaadhsiin waynay, kolkaa waxa aanu ku soo koobnay dakhligii iyo kharashkii.
Waxa aanu kordhinay oo kordhay lacagayowkii kabka, kolka miisaaniyadu korodhoba kabka aanu dawladaha Hoose siino iyo hay’adda Wadooyinka iyo 2%-kii, mid waliba 2% ayuu kordhay, kolkaa waxa ay ahayd in dawladda hoose ay ka faa’idaysato oo ay wax ku qabato lacagtaa soo baxday. Waxa kale oo jira kharashyo aan miisaaniyada galin oo baal maray, kharashyadaas waxa ka mid ah lacagayow South Africa laga qaaday oo 50 Milyan iyo 500 ahayd iyo dakhliyo kale ayaa ka mid ah”
Maxamed Xaashi mar uu ka warbixinayey waxqabadkii 19-kii bilood ee ay talada dalka hayeen ayaa waxa uu yihdi “19 bilood ayaanu haynay xilka, wax qabadkii 19-ka bilood waxa aanu qabanay waxb arashada kolka aad ka soo qaado, waxaanu dugsiyadii Hoose iyo Dhexe Fiigiio ayaanu ka dhaafnay, waxaanu qornayd 2000 Macalin oo aanu ku darnay kuwa Mushaharka dawladda ka qaata, waxa kale oo aanu qornay sanadkan 2958 Macalin ayaanu qornay, Caafimaadka, caafimaadku waxa uu ahaa shayga dadka aadka u dhiba oo hadana .
Caafimaadka oo ahaa shay dadka aad u dhiba oo hadana waxa uu ku kacayaa marka loo eego lacagta la lunsaday ay wax aad u yar ahayd, sariirihii yaalay ee ingiriisku ka tagay 1952 ee kolba meel laga laxaamadi jiray waanu ka badalnay waxay ku kacday 105,000 dollar, Waxa kale oo aanu kicinay qalabka kalyaha oo yaalay oon lagu shanyo, waxay kaliftay 45000 qudha in dhakhtaradii la soo Kiraysto, imikana waa la bilaabi doonaa, dhibtay dadka ku haysay waxa ka mid ah qofka ay kalyuhu istaagaan ee dibada loo diro, dalkaa ajnabiga ma joogi karo, soo noqoshana dhimasho ayay isaga ku tahay, kadeed baa u dhamaaday, waxa laga dhimanayaana waa 45,000 dollar yacnii nacasnimadu halka ay gaadhay.
Had iyo jeer dadkeenu caafimaadka debada ayey u doontaan waxaan waydiiyey qoladan caafimaadka iyo wasiirkaba maxay ina kalifaysaa inaynu dhakhtarada soo ijaarano, maxay ina kalifaysaa qalabka loo baahan yahay intuu noqonayo, waxay ii keeneen in dhakhtarada expert ahi u baahan yihii 400,000 sanadkii, in qalabku noqonayo 10,280 dollar oo qalabkii lagu keenyo oo ay iyaguna ku shaqaynayaan”
Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa mar uu ka hadlayey cida lunsata ama hore u lunsatay hantidii ummadda in aan looga daba hadhayn oo loo maxkamadayn doono sidii Cali Samatar oo kale, waxaanu yidhi “Imika waxa aad maqasheen in Cali Samatar laga daba tagay, kuwa hantida ummada dhacayna waa laga daba tagi oo baxsan maayaan oo international transparence iyo cid uun ayuu ilaahay u bixini, kolkaan taa intaa ku dhaafo”.
“Maanta Baanku waxa uu hayaa wixii dayn lagu lahaa wasaarada ayay baanka u taalaa liiska ayuunbaa laga eegayaa, waa lacag la soo daabacay, markaa qofka wixii uu lahaa uu halkaa ka qaadanayaa, kolkaa dayn aanu kaga tagaynaa cabdicasiis Samaale ma jirayso. Markaa sida uu kuu sheegay wali lacagta Kaashka ah ee aanu haynaa waxa ay ku dhawdahay 14 Malyuun oo dollar ayay ku dhawdahay kolka la isku wada geeyo. Sidii loo sheegayna Xeedho madhan kaaga tagi maynee, wax way ku jiraan, Dayn laguu raacaanaa ma jirto, ee lacagtaa baanku uu keenay aad ka bixisaan oo liiskii kuu qoran yahay iyana wax laguu raacayaa ma jirto”.
Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi ayaa ugu dambayn waxa uu kula taliyey Masiirka cusub daryeelka shaqaaluhu inay tahay aasaaska dawladd nimada, haddii la daryeeli waayo shaqaalaha iyo ciidamada dawladda in aanay hawli soconayn oo ay ta ugu daran tahay in nin la yidhi xaaskaagii iyo caruurtaadi ka tag oo 42 doolar qaado oo intaas oo malyuun soo xaree in aanu malaa’ig ahayn ee wax uun uu leexsani, markaa madaxdu qayb ayay ka tahay ayuu sheegay wasiirku.
Waxaanu intaasi ku daray in aan tuuganimada iyo shaqo xumidu aanay joogsanayn inta dadkaasi (Shaqaalaha) baahan yahay, oo la daryeelo qofka kuu shaqaynaya, faaki haysi la siin mayo ee in wax uu ku noolaado la siiyo.
“Daryeelkaa Shaqaalaha, waxa aan raacin lahaa warshada sibidhka kolka hore waxa aynu u baahanahay in aynu samayno National Resource Act oo wixii Resource ah ka hadasha haddii uu dahab yahay, hadduu sibidh yahay iyo hadduu yahay badrool oo inta ummadu yeelanayso iyo inta shirkadaha la siinayo ay qeexnaadaan.
Anigu waxa aan ka mid ahaa guddidii loo diray warshada sibxidha kolkii la hadlayey ee ugu horaysay, taladaydu aniga waxa ay ahayd dawladdu gacanta ha ku hayso, Saami yar ha la iibiyo ama Australia ilaa Canada iyo inta dalka oo dhan cidii iibsanaysa ha laga qaado lacag, kolka aynu dhaafno heerkii ay warshadu ku dhismaysay yaynaan joojinine aynu wadno oo sharikado kale aynu ka samayno si dadku shaqo u helo wadankuna uu warshado u yeesho.
Hebel baa la siiyey, hadaan anigu mid Cocola ah samaysto, hadaan mid saabuun ah samayto iyo hadaan mid biyo ah samaysto, waa wax aan anuu iska leeyahay. Laakiin buur halkaa fadhida oo ilaahay siiyey dadka kolka la qodo waa wax dadka ka dhexeeya oo aan qofna yeelan Karin, laakiin intii ka shaqaysanaysaa waxna way ka kasbani ummaduna waa in 51% iyo wax la mid ah ay yeelato ilayn mid Saabuun iyo Cococolana maaha”.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment