.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, April 18, 2012

Abaal Laawe Gaboose ka weyni ma Jiro


“Baadidda nin baa kula day dayi, daalna kaa badine’ oon doonahayn inad heshona daa’in abidkaaye, dadkuna moodi duul wada dhashoon wax u dahsoonayne Dillo ma laha aakhiro, haddii loo kitaab dayo’e”. Qamaan

Waxaan tixdaas dhaxal-galka ah ee Abwaan Qamman Bulxan ugu bilaabay qormadan jees-jeeska iyo qaabka munaafaqadeysan ee Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uga hadlay dhacdadii 15-kii bishan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ku anshax mariyeen Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir, oo la sheegay in uu ka hor yimid xeerarkii iyo mabaadiidii u yaalay xisbigaas.

Dr. Gaboose oo xalay u waramayay Horn Cable TV, wuxuu u muuqday mid ay u soo baxday fursad uu mixnad ku abuuro oo uu colaad iyo ihaano been abuur ah uu ku kala dhex dhigo xukuumadda iyo shacbiga Somaliland. Siyaasigan hadhkii la hadalka ahi waxa uu shacbiga ka dalbaday inay ka cafiyaan wax uu ugu yeedhay ololihii iyo guushii xisbiga KULMIYE ka gaadhay doorashada madaxtooyada oo uu libinteeda isagu isa siiyay inuu fure iyo xudunba u ahaa.

Dr. Gaboose wuxuu madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa dusha ka saaray eedaymo tiro badan oo iskugu jiray xaqiraad iyo hafar aan loo meel dayin oo ka dhignaa “Nin qoyani biyo iskama dhawro” Waxa qaradkiisu ahaa inuu ku kasbado quluubta beesha uu ka soo jeedo iyo shacbiga Somaliland oo labaduba candhuuftooda dib ugu liqay Dhakhtarka markii ay ku axadheen shakhsiyadiisa mudo kooban oo ku sinayd sanad iyo afar bilood oo uu yuururay xafiiska Wasiirka Daakhiliga, xiligaas oo ummaddu si dhab ah u daalacatay quluubtiisa shakhsiga ah iyo wajigiisa runta ahba.

Dr. Gaboose afkiisa ayaa ka been sheegaya ururkiisa oo naxligu u yahay mid dabiici ah oo ku taxan noloshiisa bood-boodka badan. Wuxuu madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey in uu ka abaal ka dhacay wixii uu u qabtay C/raxmaan C/qaadir oo uu xusay inuu taban-taabiyay halgankii madaxweynuhu ku gaadhay aqalka madaxtooyada.Waxaase xaqiiqadu tahay haddii aynu dib u milicsano abaalkii uu madaxweyne Siilaanyo u galay Dr. Gaboose in aynaan ku soo koobi Karin qormadeenan kooban, balse aynu si kor ka xaadis ah qaarkood u yara guud marro’e.

Dr. Gaboose wuxuu aasaasay urur siyaasadeedkii Qaran oo si qardo jeex ah u baal marsanaa shuruucda dalka, sanadkii 2007-dii ururkaasi oo ay la aasaaseen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, waxa ay ku muteen xadhig, waxaana saddexdoodaba xiligaas Xukuumadii Riyaale u taxaabtay xabsiga Mandheera oo ay ku xidhnaayeen muddo dhan 144 maalmood. Haddii si kale loo yidhaahana shan bilood ku dhawayd.

Mudadii ay xidhnaayeen Dr. Gaboose iyo labadaas siyaasi ee kale, waxa madaxweyne Siilaanyo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay dedaal weyna u galay sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa, waxaanu calanka u siday guluf balaadhan oo ka dhiidhiyay inay siyaasiyiintaasi muddo badan liinta xabsiga ku cabaan waxaana xusid gaara mudnaynd dhacdo qayb ka ahayd dagaalkii Madaxweyne Siilaanyo oo xiligaas ahaa gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye u galay sidii ay Gaboose iyo saaxiibadii kale ee la xidhnaa xoriyadooda ku heli lahaayeen.

Dhacdadaasina waxay ahayd mid ku saabsanayd mudaharaad aad u balaadhan oo uu maalin maalmahaas ka mid ah Axmed Siilaanyo kumanaan taagerayaasha xisbigiisa ugu soo horkacay qasriga Madaxtooyada xukuumadii Riyaale, iyada oo uu Siilaanyo ogaa in uu falkaas naftiisa qaaliga ah ku waayi karo, marka Ciidamadii xiligaas amaanka qaabilsanaa sidii looga bartay tacshiirado rasaas ah kala hor yimaadaan isaga iyo mudaharaadayaashii uu hogaaminayeyba.

18-kii bishii December 2007-dii abaaro 5:00 subaxnimo ayay laydha arkeen oo ooda laga soo qaaday Gaboose iyo xubnihii kaleba markii la arkay halka hogaamiyihii xisbigii awoodabadnaa ee Kulmiye iyo taageerayaashiisiiba ka tagnaayeen Xadhigii lagula kacay dhakhtar Gaboose iyo xubnihii kale ee ururkiisa. Wakhtigaasi Dr. Gaboose oo haad-geed waayay ah isla markaana ku dhici waayay inuu sii sheegto urur siyaasadeedkii sharciyadda loo waayay ee Qaran, waxa uu bishii April 2008-dii ku biiray xisbiga KULMIYE, waxaanu madaxweyne Siilaanyo oo ahaa murashixii iyo guddoomiyihii KULMIYE u balan-qaaday inuu noqdo xubin firfircoon oo door ku leh xisbiga dhexdiisa.

Xilligii ololaha doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii Juun 2010 wuxuu u magacaabay Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolada bariga. Markii madaxweynaha Somaliland la wareegay tallada dalka 27-kii bishii July wuxuu maalin ka dib Dr. Gaboose u magacaabay kuna maamuusay Wasiirka Wasaarada daakhiliga oo ah Wasaarad murayad iyo halbowleba u ah dawladnimadda isaga oo Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas uga godob galay Dr Gaboose siyaasiin faro badan oo si kasta ugaga xaq lahaa xilkaas , kursigaas isaga loo magacaabayna waa halka ay ka dhalatay tabashada iyo cadhada fogeysay C/raxmaan C/qaadir, markaasi wuxuu Dr. Gaboose ilaaway inuu ku fadhiistay kursigii uu damacu kaga jiray C/raxmaan C/qaadir oo ay isku jufo hoose ka soo wada jeedaan.

Inkasta oo madaxweyne Siilaanyo inuu u abaal-gudo ka eegayn uguna dudayn digtoorka, waxaan ku sifayn karaa abaal-laawe haddii uu jiro inuu Dr. Gaboose horyaal u yahay. Shacbiga Somalland waxay madaxweyne Siilaanyo abaal ugu hayaan inuu ummadda baray Dr. Gaboose wakhtigii uu Wasiirka daakhliga noqday oo wax badani uga baxay dadweynaha anaaninimaddiisa, kibirkiisa iyo isla weynidiisa hoosta ka madhan oo dadweynaha in badan oo ka mid ah awel hore ka qarsoonaa.

Waxa Naanays aan waligii ka hadhayn noqotay dhacdadii lagu gubay guryihii xaafada New Hargeysa oo uu uga hadlay qaab mas’uuliyad darro ah oo wis-wis ku abuuray dadkii tuhunsanaa. Waxa ereyadii maalintaa laga soo xigtay ka mid ahaa “Iyagaa is-gubay iyo waxa gubtay waxay ahaayeen buulal iyo cooshado.” Dr. Gaboose cod iyo kalsooni ku heli maayo oo dadka ku degi maayo inuu ribeeyo madaxweynihii uu u raxlaynayay shalay ee uu fagaare walba kaga adimayay wanaagiisa.

Waxaanu Gaboose iska indho-tiray in aanu madaxweynahu goob-joog ka ahayn madashii xilka lagaga qaaday C/raxmaan C/qaadir isla markaana aanu jirin asbaabo uu u daneeyo xilka qaadistiisa. Waxaase Dr. Gaboose iyo shakhsiyaadka kale ee mawduucan sida turxaanta leh uga hadlayay aanay tirade ku darsan inay sax iyo khalad midka ay doonto ha noqotee mas’uuliyadda wixii dhacay ay ku eedeeyaan xisbiga KULMIYE iyo Hoggaankii shirkaasi.

Xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ayay u taalaa wixii ay dhexdooda ay isku anshaxmarinayaan, laakiin sababta madaxweynaha loogu nisbeynayaa waxay ka dhigantahay sheekadii laga sheegi jirey inankii yaraa ee aabihii ku yidhi “Aabe adigu inamada yar yar iga celi raga waaweyn anigaa iska celin doonee. Si kale hadii aynu u sheegnona waa qorshe looga jeedo in aflagaadaynta iyo wax ka sheega madaxweynaha lagaga helo sumcad iyo derajo inta Somaliland iyo hogaankeeda neceb.

Si kastaba arrintu ha ahaatee haddii abaal-laawe jiro waa Dr. Gaboose oo salaanka siyaasada iyo hunguriga kursigu madax maray iyadoo aanu jidkeediiba haynin.

- Dawan

---

Posted by Sahra Cabdi

No comments: