.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, April 2, 2012

Dawlada Denmark Oo $25 Million Ku Shubtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland.


''Waxa la doonayaa in la sameeyo sanduuq lagu horumarinyo Somaliland, Denmark ayaa u horaysay oo $25 Million, ku shubtay''.

- Dallada Ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa sheegtay in lacag malaayiin doollar ah oo la doonayo in mashaariic horumarineed lagaga fulayo Somaliland, isla markaana wax lagaga qabto adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada lagu shubay sanduuq loo sameeyay, kaasoo ay qorshihiisa lahaayeen Denmark iyo Britain, sidaana waxa laga sheegay Kulan labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay ka qaybgaleen xubno ka socday dhamaan gobolada Somaliland iyo wakiilo caalami ah.

Agaasimaha Fulinta ee Dalada SONSAF Maxamed Axmed Muxumed (Barawaani) oo ka hadlay kulankaas, ayaa shaaca ka qaaday qaybtii u horaysay ee lacagtaa oo ka timi dalka Denmark lagu shubay sanduuqaa, isla markaana kulankoodu ahaa dood ku saabsan sidii loo maamuli lahaa sanduuqa dhaqaale ee dhawaan beesha caalamku ugu dhawaaqday inay u samaysay wadanka somaliland.

Kulankan ayaa mudadii uu socday lagaga wada hadlay adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu fuliyo lacagtaas. Agaasimaha oo ka hadlayay kulankan ayaa waxa uu yidhi “kulankani waxa uu ku saabsanaa sanduuq loo sameeyey somaliland, sanduuqan oo ah markii ugu horaysay ee la sameeyo, ama la abaabulo mid noociisa oo kale ah, sababta oo ah markii hore hay’addaha caalamiga ah, ama kuwa wadaniga ah ayaa lacagaha loo dhiibi jiray.

Hada waxa la doonayaa in la sameeyo sanduuq gaara oo lagu shubo lacagta horumarineed, kaas oo lacagtii ugu horaysay oo ah 25,000,000 $ (shan iyo Labaatan Milyan oo doolar ah) ay ku shubtay dawlada Denmark, iyada oo la soo mariyey hay’adda u qaabilsan deeqaha ee la yidhaahdo DANIDA, waxa kale sanduuqan lacag ku shubaysa bilaha soo socda dawlada ingiriiska iyada oo soo marinaysa hay’adda u qaabilsan deeqaha ee DFD.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in sanduuqan loogu tala galay in wax lagaga qabto adeegyada aas-aasiga u ah bulshada, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa loogu talagalay sanduuqan in adeegyada Aas-Aasiga ah ee somaliland wax lagaga qabto, kuwaas oo la xidhiidha qorshaha horumarineed ee somaliland. Lacagahani maaha kuwii ay ina siinayeen wadamada Yurub, laakiin waa lacag ka khaasa.”

Agaasimaha oo ka hadlaya doorka ay dalada SONSAF ka qaadatay kulankan waxa uu yidhi, “doorka ay SONSAF ka ciyaartay waxa weeye, inay iskugu yeedho dad badan, waxaana noo yimi bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan oo muhiima, kuwaas oo aanu doonaynay inay talo ka bixiyaan baahida ka jirta dalka iyo sida sanduuqa loo maamulayo iyo sidii ay lacagtani u noqon lahayd mid ka duwan, Kuwii ay hay’adduhu maamuli jireen, kuwaas oo inta badan aan la garan sida ay ku baxayaan lacagaha ay maamulaan.

Markaa waxaanu arkaynay inay aad muhiim u tahay in sanduuqan la sameeyo oo lacagaha lagu shubo walibana laga maamulo caasimada somaliland ee Hargeysa. Lacagtani maaha mid meel fog la dhigayo ee waa mid dalka gudihiisa taala, waa lacago la gaadhi karo, taas oo lagaga maarmi karo lacagihii meelaha fog fog loo dooni jiray, waxyaalaha lagaga wada tashaday kulankan waxa ka mid ahaa in la sameeyo cidii maamuli lahayd sanduuqan, kuwaas oo ay ku jiraan Dawlada, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo wadamada Qaadhaanka bixiya.

Waxaana la doonayaa inay lacagtani noqoto mid la arko waxyaalaha lagu qabanayo, taas oo ka duwanaan doonta tii ay hay’adduhu odhan jireen waxyaalahaas ayaanu ku qabanay ee hadana aan la arki jirin. Waxa la soo jeediyey baahiyo badan oo lagama maarmaan u ah in wax lagaga qabto lacagahan kuwaas oo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida: Wadooyinka, Xoolaha, Biyaha, Kaluunka,Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Marka loo eego horumarka dalka talaabadani u leedahay waxay noqonaysaa mid hore loo qaaday, waxaanu filaynaa inuu sanduuqani noqon doono mid wax ka tara baahiyaha kala duwan ee ka jira dalka.” ayuu yidhi. Sidoo kale Agaasimuhu waxa uu sheegay in qodobada ka soo baxa shirkan loo gudbin doona wakiilo ka socda Hay’addaha dhinaca Qaadhaanka u qaabilsan wadamadda Denmark iyo Ingiriiska, kuwaas oo iyaguna qayb ka ah kulamadan lagaga tashanayo sidii loo maamuli lahaa sanduuqa lagu shubayo lacagaha lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Somaliland.

By Abshir Askar Mohamed / Qurbajoog.
(Hargeysa, Somaliland).

No comments: