.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, April 23, 2012

Dr. Mahiga: Somaliland Waa U Diyaar Wada-hadalka Soomaaliya Laakiin..


Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland, Dr. Augustine Mahinga, oo intii uu joogay u kuurgalayay horumarka dalka Jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland, gaar ahaan mashaariicda kor loogu qaadayo nolosha  bulshada ee ka unkanmay qorshaha caalamiga ah ee lagu gargaarayo bulshooyinka soo koraya sida, ''millenium development goals''. Waxa kale oo mudane Dr Mahiga la kulmay xukuumada Somaliland iyo waliba madaxwayne Axmed Maxamuu Maxamad ''Siilaanyo'.

Waraysi ay idaacada Somali-voa la yeelatay mudanaha ayaa waxa kale oo uu ku sheegay in Somaliland ay ka dhab tahay, doonista wada-hadalka Soomaaliya, hase ahaatee loo baahan yahay in, waxyaabaha farsamada ah ee khaldan la isla eego oo la saxo.

*Dhegta maal*

No comments: