.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 27, 2012

Gudida Doorashada:Waanu Hayna Liiskii Ururada U Tartamaya Doorashada D/ Hoose.


Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa sheegay in guddida diiwaangalinta ururadu Siyaasadu ay usoo gudbiyeen liiska magacyada ururada gudbay ee ka qayb galaya doorashooyinka dawladaha hoose ee la filayo inay sanadkan dalka ka qabsoomaan. Mr Geelle ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay hadda ku guddo jiraan qorshaha sidii loo heli lahaa dhaqaalaha ku baxaya qabsoomida doorashadaasi oo komishan ahaan ay la kulmayana qaadhaan bixiyeyaasha si ay inooga caawiyaan kharashka doorashooyinka qaybtooda.

Afhayeenka Komishanka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta Komishanka doorashooyinka, kaas oo intaasi ku daray in xukuumadu ay qaybteedii diyaar la tahay dhaqaalaha ku baxaya doorashada golaha deegaanka. Isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa si rasmi ah noo soo gaadhay oo guddida diiwaangalinta ururada siyaasada naga soo gaadhay liiskii magacyada ururada u gudbay inay u tartamaan doorashada dawladaha hoose oo tii aanu muddo sugaynay oo wax badan ayaa nagaga xidhnaa oo waxa jiray si aanu u qiimayna doorashada iyo miisaaniyadeeda in aanu ogaano inta urur ee ku tartamaysa doorashada dawlaha hoose oo bishan 20-keedii ayay soo saareen waananu haynaa.

Xeerku waxa uu na farayaa inaanu ku shaqayno wixii gudidaa diiwaangalintu noo soo gudbiyo, ayaa waxa aanu iyaguna la kulanay ururada soo baxay iyo saddexdii xisbi qaran ee hore u jiray, sagaalkaa urur ayaanu la kulanay waxa aanu kala hadlaynay doorashada in aanu isla fahamno iyo habka lagu galayo doorashada, taas oo ah waxa aad ogtihiin qorshahayaga iyo diyaar garowgayaga hore waxa uu ku dhisnaa xeerkii waagii hore jiray ee dawladaha hoose 2002-dii lagu galay ee ahaa in urur loo codeeyo oo dadku ay u codaynayeen.

Waad ogtihiino baarlamaanku xeer kale ayuu meel mariyey oo cusub oo kii hore ka duwan oo ah in loo codeeyo qofka halkii ururka looga codayn lahaa, taasina farsamo ahaan waxa ay keenaysaa in aad arin baaxad weyn u leh oo dadka badankii aan u muuqan oo culays farabadan leh bay keentay, kolkaa kaas ayaa sidii aanu isla meel marin lahayn iyo qaabka ugu haboon ee uu ku dhacayo aanu kala hadlaynay ururada iyo axsaabta deedna waanu isla afgaranay.

Kadibna waxa anau imika galaynaa qorshihii iyo nidaamkii oo wakhti naga qaadan doona runtii oo ay ugu horayso in la helo miisaaniyadii lagu hawlgalayey ama dhaqaalihii lagu hawlgalayey, taas oo aad ogtihiin in dawladuna ay qayb bixiso dadka aynu saaxiibada nahay ee qaadhaan bixiyeyaasha ahina ay qayb bixiyaan, kolkaa dawladu waxay noo akiday qaybteedii madaxweynuhu si rasmi ah ayuu noogu akiday inay diyaar la yihiin oo saacad kasta oo loo baahdaba lagu soo shubayo xisabata Baanka ee komishanka, isla markaana wax aaanu u baahanahay in aanu wada tashi ula tagno dadkii inaga caawinayey qaybta kale, kadibna aanu galno diyaar garowgii doorashada”.

Xigasho Haatuf

No comments: