.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, April 15, 2012

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Khudbad Qiimo Leh Ka Jeediyay Furistii Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye.


- Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamuud '' Siilaanyo'' ayaa khudbad aad u dheer ka jeediyay furitaankii shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, qudbadaasi oo uu kaga hadlay dhinacyo badan oo Somaliland ku saabsani waxay ay ahayd sidan hoosta kuqoran;

Mudanayaal iyo Marwooyin; Xisbiga KULMIYE wuxuu u taagan yahay xaqiijinta himiladeenna ummaddeed, adkaynta nabadgelyada, midnimada bulshada, horumarinta dalka iyo jiritaanka qarannimada Somaliland. Xilligii ololaha doorashada ballanteennu waxay ahayd fulinta barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga markaynu talada ku guulaysanno.

Al-xamdu-lillaahi, Ilaahay wuu innagu guuleeyey waxqabadkii xukuumadda KULMIYE iyo halkii ay ka soo bilowday waxaad ka helaysaan buugga waxqabadka ee la idiin qaybiyey, waxana barbar-yaal buuggii ballanqaadyada KULMIYE oo aannu fulinay intiisii badnayd muddo laba sanno ka yar, iyadoo aannu ballanqaadyadaas fulintooda u soo kala horreeysiinnay siday u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla markaana awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay.

1. Aqoonsi-raadinta qarannimada Somaliland iyo siyaasadda arrimaha debedda:

Waxaannu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo ah sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Waxa hubaal ah in aannu arrintan ka soo hoynay guul aan qarsoonayn. Annagoo maanka ku hayna muhiimadda uu mandaqadda u leeyahay xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaannu safar shaqo ku tagnay jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dalka Itoobiya ee aynu saaxiibka nahay, halkaas oo si weyn naloogu soo dhoweeyay.

Waxaannu safar kaas la mid ah ku tagnay waddamada Carabta sida: Imaaraadka, Kuwait, Masar iyo dalalka South Sudan iyo Shiinaha. Waxaannu kulan khaas ah oo aan hore u dhicin la yeelanay (Security Council) Golaha Ammaanka ee Jamciyada Quruumaha ka Dhexaysa (The Highest body).

Waxa marag-madoon ah inay Somaliland qiimo weyn ugu fadhido guushii aynu ka soo hoynay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanay shirkaas dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaalya ay wadahadlaan, waana madashii ugu horreysay ee muddo 50 sannadood ku siman beesha caalamku ku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland (as an entity).

Haddaba, anigoo ku kalsoon inay danteenna iyo madaxbannaanideennu ku jiraan, isla markaana dhinaceenna fulinaya go’aanka shirkaas London waxaan magacaabay shan (5) wasiir oo London u tegaya gogol-xaadhka iyo diyaarinta qaabka wadahadalka, kuwaas oo hordhac u ah sidii aynu uga midho-dhalin lahayn wadahadalkii ay dunidu innoogu baaqday. Waxa ii qorshaysan inaan soo saaro guddi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyadda wadahadalka iyo qorshe lagu midaysan yahay markay ku habboonaato, waxaynu ku guulaysan karraa, marxalad kastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku duubni.

2. Dhaqaalaha:

Dhaqaaluhu waa lafdhabarta nolosha, waana dhidibada horumrka; annagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo masuuliyadda naga saaran ummaddii xilka noo igmatay, waxaannu dardargelinay kobcintii dhaqaalaha, iyadoo sannadkii 2010 ee aan xilka la wareegay miisaaniyadda qaranku ahayd $44,000,000 US dollar ayaannu sannadkii 2011 gaadhsiinay $86,000,000 US dollar, iyadoo aannu sannadkanna odorosnay inay gaadho miisaaniyaddu $110,000,000 US dollar.

Waxaannu gobollada bariga ka beddelay lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaalijiray, taasoo wax weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.

Waxaynu ku guulaysanay inaynu kasbanno kalsoonida waddamada horuumaray, taasoo keentay inay dawladaha Ingiriiska iyo Denmark billaabaan sidii ay Somaliland ugu samayn lahaayeen mucaawino khaas ah.

Bulsho kasta waxa lagu qiimeeyaa waxay la soo baxdo, annagoo dhiirrigelinayna wax-soo-saarka waxaannu dardargelinay dallaga iyo beeraha, waxana suurtogashay in markii ugu horreysay bariis beeraheenna ka soo go’ay lagu cuno carrigeenna. Ganacsatada iyo shacbigaba waxaan ugu baaqayaa in ay xoogga saaraan dhiirrigelinta tacabka lagu gaadhi karo in aynu dhulka wax kala soo baxno.

3. Horumarinta Dimoqraadiyadda:

Annagoo ka duulayna ballanqaadkii KULMIYE ee ahaa kobcinta geeddi-socodka dumuquraadiyadda iyo in la ballaadhiyo saaxadda siyaasadda si loo helo tartan caafimaad qaba iyo loollan ku dhisan saaxiibtinimo, waxaannu suurtogelinay furashada ururrada siyaasadeed iyo abuuridda guddida diiwaangalinta iyo ansixinta axsaabta.

Haddaba, ragga tartanka u xusul-duuban oo ay qaarkood ururro badan ka soo burbureen oo guuldarro badan soo joogay, waxaan leeyahay si sharaf leh u tartama, qarannimada ilaaliya, kubbadda laada oo idinku ha is-laadina. Saaxaddaa siyaasadda iyo saaxiibbadiin ayaa tartan idinka dhexeeyaaye, eedayn aan jirin iyo afxumo cod laguma keenee carrabkiina naxliga ka dhawra, waxana inoo ballan ah doorasho xor oo xalaal ah.

4. Arrimaha Bulshada:

Ballanqaadku wuxuu ahaa in bulshada loo horseedo waxbarasho bilaash ah si danyartu u hesho fursad la mid ah waxbarashada ay helaan kuwa ladani, waana lagu guulaysatay, wixii dhammaystir u baahana gacantaa lagu hayaa, waxaanan rajaynayaa inay Somaliland ka hana-qaadi doonto aqoontu.

Waxaannu tallaabooyin wax-ku-ool ah iyo wax la taaban karo ka qabanay dhinacyada kala duwan ee caafimaadka, iyadoo aannu dedaal gelinay fayo-qabka guud ee bulshada, cidhib-tirka cudurada faafa, horumarinta cusbataallada gobollada iyo degmooyinka iyo kor-u-qaadidda adeegyada caafimaadka. Waxa Hargeysa laga bilaabay dhismaha cusbitaal weyn oo caalami ah.

Si dhallinyarada loo dhiirrigeliyo, loogana badbaadiyo dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada waxaannu ansixinay Siyaasadda Dhallinyarada Heer Qaran. Waxaannu suurtogelinay in ay ka qaybgalaan doorashooyinka dawladaha hoose 25 jir iyo wixii ka weyn. Waxaannu qabannay ciyaarihii gobollada, taasoo loo soo agaasimay si heer qaran ah, kuna dhammaatay guul.

Anigoo fulinaya ballanqaadkii xisbiga, tixgelinna siinaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, waxaan guddi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan, kana soo talo-bixiyaan beelaha laga tirada badan yahay oo dhibaato ku qabo doorashooyinka, wixii talo layla gartayna waxaannu u gudbinay Golayaasha Baarlamaanka. Sidoo kale, waxaannu shaqaalaynay 27 xubnood oo ka soo jeeda beelahaas, iyadoo dhawr iyo soddon arday oo ka soo jeeda beelahaas ay xukuumaddu ka bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed.

5. Caddaaladda iyo Garsoorka:

Sidii ku xusnayd barnaamijkii xisbiga xal-u-helidda garsoorka iyo sugidda caddaaladda waxaannu qabanay kulan ballaadhan oo lagaga dooday, isla markaana daraasad lagu sameeyay xaaladda caddaaladda iyo garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen Guddida Caddaaladda, garsoorayaasha, sharciyaqaannada, xeer-ilaalinta, culimada, madax-dhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Annagoo ka shidaal-qaadanayna wixii ka soo baxay cilmi-baadhistaas waxaannu wax weyn ka qabanay nidaamkii garsoorka ee dalka.

6. Ammaanka Qaranka:

Waxaannu ahmiyad siinnay ciidammada kala duwan ee ammaanka, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Asluubta si loo adkeeyo nabadgelyada, difaaca qaranka, xoojinta nab-doonaanta bulshada iyo ka hortagga wixii qaranka diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa iyo dawladnimadiisa waxyeello u keeni kara, annagoo arrintaa maanka ku haynana waxaannu laban-laabnay mushaharka ciidammada iyo dhaqaalaha kalee loo baahan yahay.

7. Warbaahinta:

Waxaannu tayeynay guud ahaan warfaafinta iyo wacyigelinta, iyadoo TV-ga Qaranku uu gaadhay daafaha dunida. Dhawaan waxa imanaysa oo hawada geli doonta idaacad weyn oo uu qaranku leeyahay, taasoo dalka oo dhan gaadhi doonta ama laga dhegaysan doono.

8. Haweenka:

Dawladda KULMIYE waxay dumarka siisay ahmiyad, iyadoo qayb fiican laga siiyay golaha xukuumadda, komishinnada guud ahaanna lagu qiyaaso inta xukuumadaydu shaqo siisay 19.5%, waxaanan aaminsanahay inay tahay horumar aad u weyn.

Waxaannu samaynay Taalada Xasuusta Halgankii SNM iyo Xarunta Kaydinta Taariikhdii Xoraynta Dalka. Sidoo kale, waxaannu abuurnay Xafiiska Isku-xidhka Qurba-joogga oo ay shaqadiisu tahay inuu isku xidho ummaddeenna qurbaha daadsan, si loo mideeyo cuddudooda. Waxaannu ka shaqaysiinay Hay’adda Ilaalinta Tayada (Quality Control Commission) oo muhiimad badan u leh qaranka.

9. Samafalka iyo mucaawinooyinka:

Waxaan maqlaa dad saxaafadda u soo mariya oo xukuumadda u soo jeediya dhaleecayn ku saabsan mucaawinooyinka. Waxa hubaal ah in dawladdani la timi dedaal ay ku kasbatay in mucaawinooyin laxaad leh waddankan yimaaddaan, qaar badan oo aan laba arki jirin oo dad gaara gacmahooda ku dhici jirayna la habeeyay. Qaybinta iyo hadal-hayntuba waa intii xukuumadda KULMIYE jirtaye ee miyeynu hore u aragnay qoysas iyo xaafado raashin iyo cunnooyin kale loo qaybinayo?

10. Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa:

Si loo helo qaran fayaw, loona ilaaliyo hantida qaranka. Waxaannu ka shaqaysiinay hay’ada distooriga ah ee Hantidhawrka Qaranka. Waxaannu abuurnay Hay’adda Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, waxana la baadhay dawladaha hoose ee Hargeysa, Burco, Bebera, Gebilay iyo Boorama. Waxa Hanti-dhawrku baadhay dhammaan wasaaradaha iyo gaar ahaan wasiirrada oo ah halkii xukuumadda ugu sarraysay, waxana loo xidhay eedo musumaasuq masuuliyiin iyo shaqaale badan, taasina waxay marag ka tahay in dawladdani tahay dawladdii maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa. Miyey dhacday baadhitaan laxaadkaa leh oo hortayo lagu sameeyay laamaha dawladda? Miyey dhacday cid weligeed loo xidhay musuqmaasuq? Waxaan leeyahay dadka eedaha iyo dhaliisha uun meelahaa la taagan indhihiinu wanaagga ha arkaan, dhegihiinana samaha u fura.

Ugu dambayn, iyadoo ay xusuustayda ku dheer tahay dadkii kala duwanaa ee ilaa gumaystihii qarankan u soo halgamayay, waxaan munaasibaddan darteed halkan ka xusayaa halyaydii iyo madaalayaashii naftooda u soo huray dhismaha iyo jiritaanka qaranka Somaliland iyo sidoo kale halgamayaashii xisbiga KULMIYE oo ka mid ahaayeen Allaah ha u naxariistee Keyse Xasan Cige, Cali Maarshaal, Yuusuf Tuke iyo Daa’uud Maxamed Geelle, waxaanan Ilaahay uga baryayaa iyaga iyo geesiyada kalee aanan xusinba inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ubadka, ehelada iyo bulshada reer KULMIYE-na waan ka tacsiyaynayaa,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku soo xidhay khudbaddiisa

- Somalilanders

No comments: