.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, April 14, 2012

Sheekh Shariif Oo Gudi Saaka Magacaabay La Hadasha Gudida Somaliland


- Madaxweynaha maamulka ku meel-gaadhka ah ee dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya ayaa maanta magacaabay gudi heer wasiiro ah, oo dowlada KMG ah ee Soomaaliya uga qaybgalaysa wada-hadalada dawaan u furmaya iyaga (tfg) iyo dalka diimuqraadiga ah ee Somaliland, waxa gudoomiya u ah gudidan uu Shariifkuy saaka magacaabay wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka ee TFG, C/samad Maxamuud Xasan. Gudigan ayaa waxay ka kooban yihiin 10-xubnood.

Sheekh Shariif-ka TFG-du waxa uu sheegay in gudidaa uu maanta magacaabay wadahadalo dhawaan la yeelan doonaan gudi ka timid dalka Somaliland oo uu madaxwaynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamuud Maxamad '' Siilaanyo'' todobaadkii tagay magacaabay. Kulankaa ay labada gudi kulmi doonaan oo ah gogol-xaadh, shirar ka danbayn doona, waxa lagu qabanayaa magaalada London (UK). Somaliland ayaa la soo noqotay madaxbanaanideedii ka dib markii ay ku hungowday midowngii ay Somaliland dabada ka riixaysay ee 01-07-1960. Qorshaha wada hadalka lama saadaalin weli, waase wax oska cad oo ah, dhanka Somaliland, waar ina kala gura, dhanka kale....?

Waayeelnews

No comments: