.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 17, 2012

Somaliland: Deeqda Wax-barasho Ee Ugu Badan Waxa Ina Siiya Sudan.


- Gudoomiyaha Gudida Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa sheegay in Somaliland ay deeqda waxbarasho ee ugu badan ay ka hesho Dalka Sudan, isla markaana ay dalalka Yemen iyo Ethiopia ay Ardayda Somaliland ka helaan deeq waxbarasho oo aan sidaa u badnayn. Daa’uud Axmed Faarax waxa kale oo uu intaa ku daray in Ardayda Somaliland ee deeqaha waxbarasho dibada loogu diro aanay wax xidhiidh ah la samaynin Guddi ahaan iyo Wasaarad ahaan toona, balse marka ay Ardaydaasi wax uga baahdaan ay la soo xidhiidhaan iyagu.

Guddoomiyaha Imtixaanadka Qaraxanku waxa kale oo uu sheegay in Intii Wasiirka Waxbarashada ee Samsam Cabdi Aadan loo magacaabay Wasaaradaasi inay boodhka ka Jaftay Macalimiintii ka hawlgalayey dugsiyada, isla markaana ay kormeer joogto ah ay Aroor walba ku tagto Dugsiyada. Daa’uud ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi dheer uu Wargeyska Haatuf ku siiyey Khadka Telefoonka isaga oo ku sugan Magaalada Gabiley, kaas oo aanu qaybtii hore idiin soo gudbinay cadadkii shalay oo kaga waramay Maadooyinka Ardayda Somaliland ay aadka ugu liitaan darajada ay ka keenaan Imtixaanaadka oo ay ka mid yihiin Xisaabta, Carabiga, Ingiriisiga iyo Diinta.

Ugu horayna isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Markaa imika ayaad moodaa runtii intii Wasiir Samsam Cabdi Aadan timid in boodhka laga jafay macalimiintaa oo kormeer badan lagu sameeyo Iskuulada oo xataa wasiirku ayaa Aroor walba ku kalahda, markaa runtii intan ay samsam haysay kor ayay u kaceen labadan sano ee u dambeeyey dugsiyada dawladdu oo aad ayay u soo kaceen, markaa waxa weeyi dedaal yarina way jirtaa, laakiin imika waxa aad moodaa inay soo kabanayaan.

Deeqaha waxbarasho waxa inoogu badan oo joogto ah Sudan oo iyadu sanad walba intay doonto ha noqotee sanad walba ina siisa deeq waxbarasho, waxa jirta runtii marka sanadadan laga reebo muddo saddex sano ah wixii ka horeeyey Ethiopia ayaa runtii iyaduna deeqo waxbarasho oo farabadan ina siin jirtay waliba ha u badnaadaan xaga Saraakiisha Ciidamada oo waliba kuliyado fiican oo sida Ingineerinka ay siin jirtay ayaa iyaguna aad u badnaa inkasta oo saddexdan sano ee u dambeeyey aad moodo inay aad u gaabiyeen ama aanay jirin aan idhaahdo, waxa kale oo iyaguna deeqo waxbarasho ina siiya.

Waxa jira barigii hore ee Madaxweyne Rayaale uu joogay Yemen mar uu tagay 10 Arday ayay u balan qaadeen sanadkii, markaa 7 arday oo ka mid ah runtii halkan ayaanu ka dirnaa inkasta oo ay aad shuruudo adag oo iyagu waa Carabi inta kale ma ogola waxa aanu dirnaa ardayda Carabiga ku wanaagsan ee kuwa Madarasadaha ee manhajka wasaarada qaata, 3 Arday oo kalena waxa lagaga daraa ardayda Somalilanders-ka ah ee Yemen jooga ayaa iyagana wakiilkeena Somaliland ee Yemeni uu siiyaa.

Horta deeq joogto ah oo aynu toos u helnaa waa Sudan iyo Yemen oo 10-kaa ah arday ah, wax kale oo Deeq waxbarasho ina siiya waxa inoogu xigay Turkey-gii oo isna inagu cusub oo barigii dhaweynto ilaa dhawr iyo 90 Arday inaga qaatay imika laftigeedana aynu rajaynayno markaa meelahaasi ayuunbay runtii Scholership-yadu inooga yimaadaan, inta kale waa wax iyagu Ardaydu ay is deberaan oo Uganda ayay aad u tagaan iyagaa iskood u taga, Kenya ayay tagaan.

Horta Runtii Wasaaradu bari dhaweynto wasaaradu si fiican ayay yeeshay oo intan ay Samsam Wasiirka ka ahayd bari dhaweynto Arday aanu Ethiopia u dirnay waliba marka aan Ethiopia ka hadlayo Kililka Shanaad ee Dawladd Deegaanka Somalida ee Ethiopia ayaa iyagu bari dhaweynto ina siiyey 100 Arday, markaa kuwaasi ayaa ugu dambeeyey.

Markaa marka aan qiiqda sheego arintaasi aad ayay u hoosaysaa wax xidhiidh ah oo dambe lama samayno, inaga iyo guddoomiye ku xigeenka imtixaanadka mar aanu South Afrika tagnay dawladda Koonfurta Afrika qaybo ka mid ah ayaanu aragnay markaa waxa aau isla yar afgaranay in Xafiis Arrimaha Ardayda Qaabilsan ay Somaliland ka furato Koonfurta Afrika, makraa runtii warbixin ahaan ayaanu barigaasi u gudbinay waa dawladdii hore markaa runtii arintaasina may shaqayn.

Markaa waxa aad yara moodaa arintaasi marka aan soo gaabiyo xidhiidh dambe lama sii yeelano runtii inay iyagu ardaydu ay noo soo baahsan mooyaane ama ay shahaadadaha ay ciladi kaga timaado oo ay nala soo xidhiidhaan oo aanu u fududayno ka wasaarad ahaan iyo ka xafiis imtixaanaad ahaan mooyaane, ka daba tag Flow up ah ma smaayno runtii, oo anagu bari dhaweynto oo aanu Uganda tagnay inkasta oo aanu la shirnay Ardayda Somaliland ee Uganda jooga oo mar haddii aanu halkaasi tagnayna waa khasab aanu is nidhi in aad ardaydaasi aragtaan, markaa ma jiro wax xidhiidh ah oo naga dhexeeya mar hadaanu dirno”.

Xigasho: Haatuf

No comments: