.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 14, 2012

Guulaha Durba Xukuumada Siilaanyo Gaadhay


- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guulo dhinacyo badan taabanaya ku tallaabsatay muddo sannad iyo 11 bilood ah oo ay talada dalka haysay, taasoo caadka ka qaadaysa kartida iyo awoodda xukuumaddu u leedahay inay dalka horumar gaadhsiiyo shanta sanno ee xukunku gacanteeda ku jiro. 

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo aan weli laba sanno u buuxsamin, waxay ku tallaabsatay guulo muuqda oo la arki karo ama la taaban karo, kuwaasoo qayb ka ah ballanqaadyadii xisbiga talada haya ee KULMIYE ku galay ololaha doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dalka ka qabsoontay, iyadoo muddadaasna xukuumaddu horumar ka gaadhay dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda arrimaha dibadda, caafimaadka, waxbarashada, adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Guulaha dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee xukuumaddu gaadhay waxa ugu horreeya beddellaadda lacagtii Giinbaarta ee Gobolka Togdheer, taasoo xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ku fashilantay 8dii sanno ee ay talada dalka haysay. Waxa kaloo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay 100% mushaharooyinka u kordhisay shaqaalaha dawladda iyo ciidammada, iyadoo badhtamaha sannadkan 2012-kana la filayo in markale ciidanka iyo shaqaalaha mushaharka loo kordhiyo 30%.

Sidoo kale, guulaha xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay waxa ka mid ah in lacag la’aan laga dhigay dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka, waxana si rasmi ah loo shaqaaleeyey in ka badan kun macallin oo ka wax dhiga dugsiyada kala duwan ee Somaliland. Waxa kaloo xukuumaddu ku guulaysatay in la kordhiyo miisaaniyadaha wasaaradaha adeegyada bulshada qabta, iyadoo sannadkan 2012 miisaaniyadda qaranka la gaadhsiiyey in ka badan 100 milyan oo dollar, taasoo muujinaysa dedaalka loogu jiro sidii loo kobcin lahaa dakhliga dalka soo gala.

Waxa markii u horreysay la jaangooyey mushaharooyinka ay qaataan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo goleyaasha qaranka, iyadoo noqonaysa in mushaharooyinka madaxda qaranku yihiin wax cayiman oo suurtogal ah, halka uu markii hore ka ahaa jaantaa rogan, musuq badanna ku bixi jiray. Waxa kaloo ay ku guulaysatay in la soo xereeyo dakhli badan oo markii hore aan qasnadda dawladda ku dhici jirin, hadday tahay lacagaha ka soo xerooda heshiisyada lala galo shirkadaha shidaalka iyo cashuuro kala duwan oo si dadban loo lunsan jiray, taasoo sababtay in miisaaniyadda qaranku sare u kacdo.

Waxyaabaha kalee xukuumaddu ku guulaysatay waxa ugu horreeyey dhammaystirka biriijka 2aad ee caasimadda Hargeysa, jidad iyo waddooyin badan oo laga hirgeliyey magaalooyinka dalka, iyadoo ay u dambaysay dhismaha 10km oo ah jidka isku xidha Dila iyo Boorama oo Madaxweynaha Somaliland xadhigga ka jaray Sabtidii toddobaadkan, waxa kale oo qalabayn iyo dayactir ballaadhan lagu sameeyey madaarrada Hargeysa iyo Berbera, iyadoo Madaarka Hargeysa laga hirgeliyey qalabka lagu baadho rakaabka iyo alaabooyinka si kor loogu qaado ammaanka garoomada diyaaraha dalka, sidoo kalena waxa qalabayn casri ah lagu sameeyey dekedda magaalada Berbera.

Dhinaca caafimaadka haddaynu eegno waxa xukuumaddu ku guulaysatay inay markii u horreysay badhtamihii bishii April ee sannadkan 2012 ka shaqaysiiso mishiinka lagu sifeeyo kelyaha oo muddo aad u badan iska dhex yaallay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, taasoo dadweyne badan kaga raysan doonaan safar iyo kharash badan oo kaga bixi jiray sifaynta kelyaha oo ay u tagi jireen dalalka jaarka.

Waxa kale oo Wasaaradda Caafimaadku ku dhawaaqday in lacag la’aan loogu shaqayn doono dumarka uurka leh ee u baahda in qalliin lagu sameeyo, iyadoo aan wax lacag ah la waydiinayn.

Geesta kale, xukuumadda Somaliland muddadii ay xilka haysay waxay guulo ka soo hoysay siyaasadda arrimaha dibedda, iyadoo markii u horreysay caalamku aqoonsaday in Somaliland oo gaar ah iyo dawladda Sheekh Shariif ama dawladda kalee beddeli doonta ay yeeshaan wadahallo la xidhiidha aayaha labada dawladood, taasoo ka dhalatay markii xukuumaddu go’aansatay inay ka qaybgasho shirarka caalamiga ah ee lagu gorfaynayo arrimaha Soomaaliya.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: