.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 15, 2012

Ia-raacii Somaliland & Somalia-italiano Wax Sharci Ah Kuma Salaysnayn Habayaraatee!..*Akhri.


''Waxa uu ahaa mid dhalanteed ah oo sharciga ka fog. Wuxuu la mid ahaa guur meher la'aan lagu wada joogay. Waa la is-dhex-yaacay maantana waa la soo kala yaacay''. G/xigeenka G/Wakiilada

- Malintii JSL helshay madaxbanaanida 26kii June 1960, maalintii ku xigtay ee 27kii June, golihii xeer-dajinta (Parliament) ee JSL waxay saxeexeen xeerkii ay isku raaci lahaayeen labadii qaybood ( Union of Somaliland and Somalia law ), oo noqon lahaa aasaaskii israac maamul sharci iyo midnimo siyaasadeed, haddii dhinaca kale ee Somalia saxeexi lahaa. Hase ahaatee taaasi ma dhicin oo dhiggii Somalia ma saxeexin. Sidaa awgeed heshiiskaasi dhinac kaliya ayuu ka rarnaa oo wuxuu ahaa mid dhinaca keliya ah.

Somalia waxa uu ka noqday wax aan jirin. Sidaas oo kale xeer dajinta (Parliament) Somalia July 1dii waxay saxeexeen waraaq "document” kale oo af talyaani ku qoran oo la magac baxay “Atto di unione" (Act of union) xeerkani israaca ee ay Somalia soo diyaarisayna, Somaliland ma saxeexin, sidaas ayuu isna dhaqangal ku noqonin. Nasiib darro ayada oo aan heshiis la kala saxeexan ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda somaliyeed oo ka kooban labadii qaybood ee is-dhexyaacay.

Qaladkaa sharci oo la dareemay si la iskugu dayo in la saxo, golihii shacabka ee cusbaa ayaa sameeyay xeer ay ku mudoobayaan labadii dhinac ee is-dhex-yaacay 31/1/1961. Waxayna yidhaahdeen waxa dhaqan-galkiisu ka bilaabmayaa 1/7/1960 wakhti sannad iyo badh la soo dhaafay. Xeerkanina ma noqon karo mid sharci oo israaca xalaaleeya, mar haddii labadii dhinac ee israaci lahaa aanu saxeexoodu ku oollin.

Mar kale ayaa la isku dayey in is-dhex-yaacii loo sameeyo sharci maqaar saar ah. Waxa la yidhi June 1961 ayaa distoorkii Somaliyeed afti loo qaadayaa, waxa ka mid ahaa qodobada distoorkaasi midowga labada dhinac ee israaci lahaa iyo in 5ta Somaliyeed la isu keeno.

Madaama dhinaca JSL laga soo hor jeeday midowga, markii la arkay in uun arrintu tahay is-dhex-yaac ee aanu jirin israac caddaalad ku dhisan, siyaasiyiintii iyo waxgaradkii JSL aad ayey uga ololeeyeen in la qaadaco. Dad boqolkun (100,000) ka yar ayaa JSL ka codeeyey intii codaysay badankoodu maya (diidmo) ayey ku codeeyeen.

Dhinaca kale Somalia, sanaaduuqdii codbixinta ayaa lagu shubtay. Waxa la iclaamiyey in 1,700,000 (Hal milyan iyo todoba boqol kun) ay Haa (ogol) u codeeyey. Tiradaasi waxay noqotay wax lala yaabo, waxayna ka badatay tiradii codka xaq u lahayd in ay codeeyaan (eligible voters) afar jeer.

Haddii aynu tusaale soo qaadanno magaalada yar ee wanlaweyn, oo berigaa aheyd tuulo waxa la iclaamiyey in 99,000 (sagaal iyo sagaashan kun) ka codeeyeen oo ogol ah cod diidan iyo mid xumaaday toona jirin. Sida kor ka muuqata inta tuuladaa ka codaysay iyo inta JSLd ka codaysay ayaa is la ekaatay, waana wax aqliga ka fog.

Shacabka JSL ayaga oo arrintaasi aad ula yaabay waxay dadka Reer Somalia u bixiyeen magacaas Wanlaweyn, ilaa maantana waa loo yaqaannaa, ayadoo dadka badankiisu garanayn sida ay ku baxday.

Arrintaa u-codaynta distoorkuna ma noqon karto qiil sharci oo la daliishado, laba sababood awgood:-

1) Labadii dhinac lama qiimayn in mid waliba ogolyahay iyo in kale.

2) Codayntu uma dhicin si sharciga waafaqsan.

Natiijadii ka soo baxday aftidii distoorkuna ma noqon mid sharciyeynaysa israac sharci ah marka laga eego shuruucda adduunka iyo sida loo midoobo oo wax l qaybsado (International law).

Ogolaanshaha dawladaha kale ee ah inay jirto Jamhuriyad Somaliyeed ayuunba noqotay wax lagu dhaqmo. Hase ahaatee dhinaca sharci haddii laga eego israacaasi waa dhalanteed.

Mar kale Bishii March 1963 waxa caddaatay in israac sharciyeysan oo Somaliland iyo Somalia aanu jirin. Arrintaasi waxay timid markii saraakiishii Somaliland ee Xasan - Kayd madaxda u ahaa inqilaabkii dhicisoobay ka qayb galay lagu soo eedeeyey khayaamo qaran oo ay ka galeen Jamhuuriyadda Somaliyeed oo ka kooban labadii qaybood.

Eedaysanayaashaa waxa la saaray maxkamadda sare ee Muqdisho ku taallay. Guddoomiyihii maxkamadda oo aha nin Ingiriis ah, wuxuu xukumay in la sii daayo saraakiishaasi maadaamo uuna jiro sharci midaynayaa Somaliland iyo Somalia (Act of union), dambiga la sheegayaana ka dhacay Somaliland.

Isku soo wada duub oo waxa meelsha ka dhacay waxa uu ahaa is-dhex-yaac ee ma ahayn israac. Waxa uu ahaa mid dhalanteed ah oo sharciga ka fog. Wuxuu la mid ahaa guur meher la'aan lagu wada joogay. Waa la is-dhex-yaacay maantana waa la soo kala yaacay. Wa Bess.....

F.G: Maqaalkan waxaa ugu talo galay da' yarta iyo dadka aan taariikhdii israaca Somaliland iyo Somalia aan la socon inay xaqiiqda ogaadaan.

Waxaa soo diyaariyay

Dr Cali Yuusuf Axmed
(Gudoomiye kuxigeenka labad ee golaha wakiilada Somaliland )

No comments: