.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 15, 2012

Dhalinyaradu Ha Ku Dhiiradaan Ka Qaybgalka Siyaasada S/Land & Wax Ku Yeelashadeeda


- Horta dhibaatooyin badan baa jirta oo dhawr nooc iskugu jira, oo ku waajahan dhalinyarada, runtii marka la eego dhaliyaro farabadan oo dalkan u dhashay ayaa bilaa shaqo ah, kuwaas oo aqoon leh, isla markaana qaar badan oo kamid ahi ay Ms Digrii qaateen ayaa aqoontoodii aan laga faa’iidaysan, sanadkii Jaamacadaha Hageysa ilaa 1000 arday baa ka qalin jibisa, kuwaas oo qaar farabadan oo ka mid ah marka ay shaqo waayaan Tahiriib beegsada oo kaga baxa dalka, isla markaana baddaha ku naf waayaan qaar farabadan oo ka mid ah, taasina waxay ka mid tahay dhibaatada wadanka taala.

Hadaba waxa loo baahan yahay in dawladu siyaasada cad ka yeelato arrimaha dhalinyarada, gaar ahaan Hay’ada shaqaaluhu ay samayso sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhaliyarada shaqo la’aantu hayso ee aqoonta leh loo hawlgalin lahaa, kuwaas oo wax badan ka tari kara waxqabadka dalka iyo waxsoo saarka dalka, lana wacyigaliyo.

Tusaale ahaan Wadamada caalamka inamadii qalin jibiyay waxa loo dhiibaa inta aanay shaqo kale qabanin Jaraa’idka ayay suuqa qaarkood ku iibiyaan, waxaanay ka helaan bishii 50 Euro, hada oo kale dalka Maleesiya nin wal oo Maleesiyaan ah oo aqoon bartay waa laba xidigle Bilayska ah, waayo dalkiisa ayuu ilaalinyaa oo uu u shaqaynayaa

Talo ahaan waxaan ku soo jeedinayaa in dadka wax soo bartay shaqooyin loo abuuro, la qoro sida Milatariga, Bilayska iyo shaqaale kaleba laga dhigo.

Gabogabadii da’yartu maanta waa u diyaar waxbarasho iyo shaqooyinba inay qabtaan waxaan usoo jeediyaa in heer dugsi sare ay maalyadu 10% fiiga Maaliyada free iskuul ka dhigo, waxaan odhan lahaa dadka hala dhiirigaliyo.

Golayaasha deegaanka:-

1- Horta golaha deegaanka ka qaybgalka siyaasada waa fursad weyn, waana loo baahanyahay dhalinyadu inay siyaasada wax ku yeelato oo ku dhiirada aqoonta aad maanta soo barateen dalkiina uga faa’iideeya, waana in laga faa’iidaystaa aqoontooda ay soo barteen

2- shacabka Somaliland waxaan leeyahay nabadgalyada guud hala ilaaliyo, isla markaana waa inaad dhinac uga soo wada jeedsataan wixii nabadgalyada wax u dhimaya, ciidamada amaankana gacan ku siisaan sugida nabadgalyada dadka iyo dalkaba.

3- Waxa kale oo aan shacbiga usoo jeedinayaa in la barbar istaago dawlada sababtoo ah maanta Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dalkan Madaxweyne ka ah waa in lala shaqeeyo, laakiin warbaahinta in dhaleecayn loo mariyo ma fiicna, waxaana loo baahan yahay si wadajira loola shaqeeyo xukuumada wixii dhaliila ee jirana si wanaagsan loo tilmaamo si loo saxo wixii qalad ee dhaca.

Dhalinyaradana waxaan leeyahay ha tahriibina ee dalkiina aamina maanta waxaa la gaadhay wakhtigii dhalinyaradu ka qaybgalka siyaasada ay furadi uga banaan tahay, markaa waa inaad ku dhiirataan ka qaybgalka siyaasada dalka inaad door mug leh ka ciyaartaan.

W/q;  M. M Cumar Faras/ Haatuf)

No comments: