''Gunaanadka; Dahab-shiil iyo qofkii kale ee wax-qabsabada ha lagu naaxo guushiisa ee yaan laga nixin''! CCX
- Waa wax dabiici ah in lib kasta oo la gaadhaa jaadka ay doontaba ha lahaatee ay cariso damacyo ku lidi noqda oo isku-daya inay hagaasiyaan, kala dhantaalaan ama ugu yari carsho-carsheeyaan oo ay caris-qalaan, aawanida ay guushaa timid ku kobcayso. Malahayga hadaanan seeganayn waxa maskaxda meel durugsan ka biniinixaya hal-kudhig Fisigis (Physics) ahaa oo odhan jiray; '' Walax kastaaba xooga/xawaaraha ay ku socoto mid la mid ah oo caabiya ayaa ka horyimaada''. Waa run!
Qorshayaal male-awaal ah iyo hamo fidsan oo lagu najaxayo oo lagu riyoodaa qofnaba kuma yara, nin kastaaba itaalkiisa maskaxda ilaahay siiyay waa u tuujiyaa, inta-badanse halka ay fikradu ku dhalato uunbay hadana ku siqiirtaa oo masii tamariso. Sidaasi oo ay tahay, hadana dadka qaar-baa ilaahay suduuda hagaagsan cagta ugu ridaa oo uu waafajiyaa tooduna u rumowdaa, kuwaasi waa kuwa wax kasta oo aduunkan aan ku noolnahay macno ku leh maankoodu curiyay ee ay gacmahooduna maleegeen. Waa kuwa saamaynta iyo raadka ugu wayn ku yeeshay nolosheena! Bal qiyaas aduunyada oo sidii Ilaahay ku abuuray uun ah oo aan wax bani-aadam sameeyay dusheeda saarayn, sidee ayaa ay noqon lahayd! Kolaba tan haatan ina kulmisay ee Kumbuyuutarada leh ma ay ahaateen!
Taas ka sokow, tu yar oo fudud oo iska uun...ah bal ila eeg! Hadaan shirkadaha lacagta diraa jirin xaalada dadka afka-soomaaliga ku hadlaa maanta sidee ayaa ay noqon lahayd? Kuma darin Awooda Eebe, waxase aan marageeda ahay in dhibaato aan la koobi karaynin ina haysan lahayd; Bal dhagayso; Waa 1991-92-kii waa xiligii dalka laga xoreeyay maamulkii askarta ee dadka reer Somaliland ay ku soo guryo-noqdeen dhulkoodii oo baaba' iyo burbur laga yeelay. Waa markii qaylo-dhaantii ugu horaysay ee ka timaadaa dalkii ay si aayar-aayar ah u soo gashay Qurbaha (Yurub, USA iwm).
Inkasta oo dadka qurbaha joogaa xiligaasi aanu badnayn tiro ahaan, dhaqaale ahaan-na aanu kobocsnayn hadana ninkii wax yar haysta ee dir is-yidhaa ma helayn si fudud oo uu dadkiisii lacag u gaadhsiiyo. Waxyaalaha la samayn jiray waxa ka mid ah tusaale ahaan,
1; In la raadiyo cid bank-account ku leh dalalka carabta, Djibouti, Itoobiya iwm, oo la yaqaan ama lagaa wasdeeyo, oo lagu xawilo lacagtaas kadibna aad rajayso uun in marka cidi meelahaa timaado loo dhiibo lacagtaa oo loo geeyo dadkii aad u dirtay, 6 bilood iyo dheeraad ayaa ay mararka qaarkood qaadan jirtay in lacagtaa la helaa!
2; Post-office-ka ayaa si qarsoodi ah lacagta inta cajalado lagu dhex-guro loogu diri-jiray, mararka qaarkoodna shaqaalaha Post ayaa heli jiray oo lacagtaa waa la dhici jiray.
3; Dabadeed 1992-ka intii ka danbaysay, waxa bilaabmay xawaaladaha oo aan sidan imika oo kale aad u cilmiyaysnayn, lacago dul-saar ah oo badana waliba dadka ka qaadan jiray, ''waxa aanan wali iloobayn qiimo kale oo mushqaayadooda ka baxsan oo labaad oo mar kasta oo aad wax dirayso lagaa qaadi jiray oo ay ku magacaabi jireen ''FAGAS (Fax)''!!! Waxa taa ka darnaa xawaaladahaasi saldhigyo badan kuma ay lahayn meel-naba oo yabyab ayaa ay qudhoodu ahaayeen, waxana dhici jirtay inad magaalo fog u safarto si aad lacagta ugu gayso ninka wakiilka u ah xawaalada, ama uga qaadatoba, halkaana kharashyo kale oo dheeraad ah iyo waqti badan ayaa ku khasaari jiray! Sidaasi oo ay tahay, waan ugu abaal-haynay, waayo? waxii hore oo dhan ayay tani ka fududayd!
Waxaasi waa tageene haatan, halkeen xawaaladihii isla-maraynaa? Waqtigan casriga ah ee On-line (internet) wax walba yihiin, kama ay hadhin xawaaladuhuna ee dhankooda ayaa ay kala qabsadeen oo ay waliba safka-hore kaga jiraan! Ilbidhiqsi ayaad meel kasta oo aad joogto wax kaga diraysaa kuna helaysaa! Waliba waxa taa dheer kharash yari! Sidaasi oo ay tahay hadana, xawaaladuhu iskuma jiraane midbaa iyadu runtii ka soo mudhay kuwa kale oo dhan, taasi waa xawaalada DAHAB-SHIIL!
Adeega hufan ee degdega iyo amaano xafidaada ah ka sokow, waxa ay taakulooyin aan cidi qiyaasi karin ka gaysatay shirkada Dahab-shiil iyada oo waxoogaaga kharashka ah ee macmiishu ay mushqaayada u siiso quudhaysa, horumarka dalalka Soomaalidu ay degto, waxa ay ka qayb-qaadataa daryeelka dan-yarta, kor-u-qaadista saxada iyo caafimaadka, wax-barashada iyo waliba ka hortaga gaajada iyo macaluusha!
Marageedu taasi ma dheera oo waynaga maqala/ akhrina goor kasta, shirkada Dahab-shiil oo dhistay ama gacan ka gaysatay halkaa iyo halkaa.........Hadaba marka ay arini sidaa tahay ee qof-kastaa uu arkayo sida ay shirkadaasi wax u wado ee wax ku oolka ah, ka xagxaganayaa maanu ahayn uun nin Mehered-waayay? Arintan haatan internetka ay ku faafiyeen qolyahan magacooda qariyay, wax sidaa u buuran oo xog ah soo ma ay bandhigin, waxana aan is-leeyahay waxa ay daba-socdaan uun kooxahii awalba caaridi jiray shirkada Dahab-shiil.
Isku soo duuboo waxa dhab ah in dheefta ay leedahay shirkada Dahab-shiil noqotay mid loo siman yahay oo aan wada manaafacaadsano oo, hadii wax-yeelo soo gaadho ama car-qaladi ay ku timaado shirkadaasi ay dhamaanteen ina saamayn doonto, mid u shaqeeya shirkada oo mushahar ka qaata iyo mid ku shaqaysta oo lacag ka dirta ama loogu soo diroba!
''Gunaanadka; Dahab-shiil iyo qofkii kale ee wax-qabsabada ha lagu naaxo guushiisa ee yaan laga nixin''!
W/q: Cali Cumar Xasan
No comments:
Post a Comment